Wafdi UN- ah oo qaabilsan Miinooyin oo Booqday Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socday Qaramada Middobay (UN)ka Gaar ahaan kuwa Qaabilsan Dhanka Miina Baarista iyo Qalabeenta Ciidanka Booliska ayaa Gaaray Maanta Magaalada Cadaado, kuwaasi oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug.

Wafdiga ayaa loo soo Bandhigay inta uu kulanka socday Muuqaal ku saabsan dhibaatata shacabka ay u geesteen Haraadiga miinada Dagaaladi u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Etoobiya sanadkii 1977-kii iyo kuwii sokeeye oo ay wali degaana ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ay ku aasan yihiin.

Wasiirka Wasaarada amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed ayaa kulanka ka dib warbaahinta qaranka la hadlay, isagoo sheegay in Degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay wali ku aasan yihiin Haraadiga walxaha qarxa, waxaana xusay inay jiraan dad badan oo ay miinado la kacday islamarkaaana kala noqday kuwa dhintay iyo kuwa naafaaysay.

Isha: Sonna