Wadooyin ka mid Muqdisho oo maalintii labaad xiran

Wararka Maanta

Wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho, ayaa xiran maanta maalintii labaad, iyadoo dadka ku nool Magaalada si wayn u hadal hayaan sheekada ku saabsan xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa la sheegay inay xireen wadooyin xiga dhanka waqooyi ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Sanca, Afarta Jartiin iyo wadooyin kale oo ka agdhaw.

Wararka waxa ay sheegayaan in gaadiidka rayidka loo diidaayo isticmaalka wadooyinkaasi.

Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysa wadooyinkan xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo aad u feejigan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) oo shalay tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo xiray wadooyinka Muqdisho, inkastoo markii dambe dib loo furay, waxaana wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha halkaasi uu shaqadiisa uga sii wadi doono si KMG ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato adag ku qaba xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay ku jahwareereen Bulshada sababaha wadooyinka loo xiro.