U Gabara Deegaan Dhan!!! (Sheeko Jaceyl) Qeybtii 4-aad

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Qeybta 4aad

“Hahaha, Maxaad tiri aa! Yuusuf aboowe, maxaa kugu dhacay, waad baxdaye? Waa maxay dhoohsanaantaan? Maxaan kuu keenaa baan ku weydiiyay?” “Igadaa camirashada nooh, wax aan u cunaayo malahan, waana soo qadeeyay, Barrena cabitaan qabow ayuu ii keenay”.

Labadoodu waa is ag fadhiyaan, aad ayeeyna isugu dhawyihiin. Barre waa ka maqanyahay. Waa markii ugu horeysay ooy labadoodu cidlo isla noqdaan, sheekana hore ugama dhaxayn.

Yuusuf markii ugu horaysay Muno ay isbarteen, oo taleefanka ay ku kaftameen muddo yar baa laga joogaa. Habeenkaas wixii ka danbeeyayna aad buu u raadinayay in ay wada kulmaan, oo sheekada taleefanka uga bilaabatay, fool ka fool ku sii wataan. Haddeerse, wax uu sheego waa garan weysanyahay. Sheekada meel uu ka bilaabo ma yaqaan. Hadeer baad moodaa in uu ogaaday in isaga iyo Muno aysan sifiican isku aqoon.

Yuusuf maxaa hadalka ku dhajiyay? waa asagii kaftanka iyo kalsoonida badnaan jiraye, muxuu indhaha uga mirigmirigsiinayaa? Ma gabadhaan quruxdeeda buu la dawakhmay? Ma sida ay hoosta uga jirto iyo sida ay indhihiisa u eegeyso baa culeys saaray? Wuxuu bilaabay in uu waxyaalo aanan meesha ool is weeydiiyo. Mar wuxuu is yiraahdaa maxay kaa eegeysaa ma wajigaad wasaq ku leedahay? Mar wuxuu is weydiiyaa, armaad inta ka ag kacdid, ood kursi kale fariisatid sidaas ula sheekeysataa?

Isagoo jahwareerka haya markaan laga baqayo in uu dhidid iyo shigshig bilaabo, bay Muno tiri “Yuusuf, horta aniga iyo adiga isma naqaan. Adeerkaa Cali baan sifiican isku naqaanaa. Qof kastana wuxuu ii sheegaa in Yuusuf uu adeerkiis Cali kana furfuranyahay, kana kaftan iyo sheeko badanyahay. Laakiin waxaanba u malaynayaa dadkaas oo dhan in ay been ii sheegayeen sababtoo ah, markaan ku arko, waa mar aad tukaanka Barre hor miriqmiriq leedahay, iyo mar hadalku kugu dhagayo, iyo mar Barre labiskaaga uu ku camiranayo”.

Yuusuf hadaladaan wuu ka xumaaday, kibir iyo qabweynidii uu u dhashay baa halmar si halhaleel ah usoo galay, wuxuuna bilaabay in uu Muno kusoo sikado, oo markaan ay isku soo jirsadaan wax yar sidii in ay is dhunkan rabaan oo kale.

“Muno, abaayo, aniga afgaabnidayda daciifnimo ma ahan ee waa xushmad, runtuna waxay tahay, in aan maanta Liido kasoo tagay anigoo si fiican u daalan, sababtuna waxaa weeye in aan ku arko baan usoo degdegayay”. Oo isagoo indhaheeda toos u eegaya, wajigeedana aad ugu dhaw, neefta kasoo baxaysa sankeedana faruurtiisa kore uu ka dareemayo, ku yiri “hadaan maanta fursad isku helnayse waa Alle mahadiise soo daa warkaaga”.

Muno oo markaan xishoodna uu galay, nafteedana malaha wax yar u baqday, baa inta si halhaleel ah u istaagtay tiri, “iisug aan shaah kuu keenee, waan kuusoo laabanayaa”.

Yuusuf isagoo isku bogbogsan buu inta shaarkiisii toostoosistay, oo surwaalkiisii oo waxyar soo xayiigmay fidfidsaday hoos iska yiri “Allow ma carartay! anigayba booto iyo cayaar iila timid, yeey ii malaynaysaa?”.

Muno oo shaah, xalwo iyo buskud wadda baa soo laabatay, oo inta Yuusuf hoos dhigtay fariisatay kursi kasoo horjeeda.

“Maxaa dhacay maad agteyda soo fariisatid” ayuu Yuusuf weydiiyay isagoo waxyar ilka cadaynaya. “Maya caadi waaye waxaaga tartiib u cun” ayeey ku jawaabtay iyadoo Yuusuf wajigiisa aad u fiirin weysan. Yuusuf oo shaahii shubanaya ayaa bilaabay oo yiri.

“Muno, horta abaayo, maanta waan ku faraxsanahay in aan fursad isku helno, waxaana jeclahay in aan sheekeysan doonno iyadoon nalka qasin. Aniga horta ma aqaan wax la qarqariyo, mana jecli iska daba wareeg. Aniga habeen kii taleefanka aan ku wada hadalnay, aad baan uga helay kaftankaagii iyo furfurnaantaadii, waligayna gabar intaas lama sheekeysan markaas uun aan is barannay”.

Yuusuf hadalkiisa ayuu sii wataa, Munana Kursiga ay ku fadhiso oo hal nafar ah, bay lugi u saarantahay, lugta kalena roogga qolka fadhiga ah ay dhex joogaan ku goglan dhogortiisa cad bay marna ku jiifinaysaa marna ku toosinaysaa. Yusuuf dhinaciisa ayeey soo eegeysaa iyada ood mooddo gabar aabeheed uu la dardaarmayo. Marna “waa runtaa” bay tiraahdaa, marna “waa sax”, marna madaxa ayeey ogolaansho la luxdaa.

“Marka abaayo, aniga aad baan kaaga helaye, maxaad leedahay haddii aan xiriir wada samaysanno?” ayuu Yuusuf weydiiyay Muno. Labada gacmood sidii in uu salaad ku jirana inta is korsaartay Muno dhinaceedana soo eegay iyada jawaab ka sugay.

Muno intii aysan afka furin ayaa Barre albaabka dalakh kasoo yiri, isagoo u naqsanaya nimankii tukaanka dooliga ka buufinayay, cambe bac ku jirana walfinaya.

Yuusuf ciil baa madaxa la xanuunay, intii uu Barre uu daldalmayayna wuxuu hadba eegaa Muno dhinaceeda isagoo indhaha kaga baaqaya oo ku leh, naga dir Barre aan sheekada sii dhamaysannee. Laakiin, Barre uma ekeyn qof baxaya xilli dhaw.

Hadalkii markuu dhamaystay ayuu Barre kushiinka hoose ka doontay middi uu cambihii uu watay ku goosgoosto.

Yuusuf, Barre markuu dhaqaaqayba inta kursigii uu gadaal isugu tiirinaayay dhabarka kasoo qaaday, oo kursiga qarkiisa soke ku fadhiistay, weydiiyay Muno, “Muno intuusan Barre hoos kasoo laaban, jawaab isii, aan meesha ka tagee intaanan maqribka la igu adimin”

Muno intaysan afkeeda furin baa Barre saantiisa la maqlay isagoo jaranjarada mutuleelka ah lasoo dhacaya, oo hoos na kasoo leh, “yaa canbe raba?”. Barre qolkii Muno iyo Yuusuf ay ku jireen buu soo galay isagoo saxan weyn iyo middi wata, canbihii oo biyo uu kusoo dhaqay ay ka difqayaanna ku bilaabay jarjarid.

Labadoodii buu midba cad siiyay, inta Muno kusoo jeestayna weydiiyay “Dhoonbira Cadaawe goorma ayeey barri imaanaysaa?” “Koleyba barri subax ayeey imaanaysaa intaysan qoraxdu soo kululaan, xilliyadaas uunbaa dadka la gudi jiray” ayeey Muno ugu jawaabtay.

Yuusuf baa ku kaftamay, “oo wiilal yaryarba idiinma joogaane ma Barraa la gudayaa barri?” “Xamdi yariisay aa la gudayaa barri” bay Muno tiri iyadoo wali Barre dhankiisa eegeysa, weydiisayna “Barrow aniga islaantaan Dhoonbiraa ma jecli, turufatoorad bay u egtahay”.

Intuusan Barre Muno u jawaabin buu Yuusuf hadalkii dafay isagoo filanwaa indhaha uga mirigmirig siinaya. “Fiirsha, aniga maa igu cayaaraysaan mise gabar baa la gudayaa daacad bay idinka tahay?”, “ciyaarta maxaa meesha keenay? Xamdi hadeer waa shan jir walina lama gudin, waxaan rabnaa in aan barri insha Allah kala tuurno” ayuu Barre u sheegay Yuusuf. Munana madaxa ayeey ruxday iyadoo jawaabta Barre ku raacsan.

Yuusuf oo markaan Muno iyo Barre u eegaya in uusan waligiis arag camal, isna weeydiinaya in uu Barre yahay saaxiibkiis ay iskuulka afarta sano wada dhiganayeen iyo in kale, lana yaaban sida deganaanshuhu ku jiro uu Barre uga hadlayo gabadha gudniinkeeda ayaa yiri “aniga i dhagaysta walaalayaal, yaanan la gudin gabadhaas yar ee miskiinta ah, oo hadeer ha u horseedina xanuun iyo dhibaato nolosheeda inta ka hartay ay la noolaato.”

Barre ayaa hadalkii qaatay oo yiri “saaxiiboow anaga hadeer ma gali karno doodaas, gabadhaan aabeheed baa howshaan wata anaga islaanta gudaysa baan u balaminnay kaliya.”

Xamdi waxaa dhalay Muno iyo Barre walaalkooda cidda u wayn, guriga ayeeyo iyo awoowana waxay u joogtaa usbuucaas waxay ahayd in lagu gudo. Yuusufse hadeer bay u cadaatay sababta gabadha dugsigii iyo gurigoodii looga soo waday.

Yuusuf oo kala badbatay, aaminina la’ waxa uu maqlayo, ayaa yiri “saaxiiboow Barre, gabadha yartaa adeer baad u tahay, aabeheed aqoonta uusan lahayna adigaa leh oo walaalkiis ah, hadduu qaldanyahayna ma ahan in aad ku raacdid si kasta oo gabadhu isaga gabadhiisa ay u tahay”.

Muno oo dooda aanan ku jirin hadeer wixii ka horeeyayna daawade ka ahayd baa Yuusuf weydiisay “kaalay maxaa adiga kaa qaldan? ma waxaad rabtaa gabar sidii ay u dhalatay ah in aan iska haysanno? Soo ma ogid in gabdhaha la gudo, oo la xalaaleeyo in ay anaga dhaqankeenna iyo diinteenna tahay?” Barre ayaa ku raacay Muno, oo inta kasoo jeestay iyada oo Yuusuf kusoo jeestay isagoo daamankiisa uu canbe ka jaalle weyn yahay yiri “Haye, bal maxaad ku jawaabaysaa hadeer, waa adiga sidii qurbajoogtii hadalladii UN-ka noola yimide?”.

Yuusuf oo dhagahiisa waxa uu ku maqlayo aamini la’, baa isku dayay in uu ka dhaadhiciyo Barre iyo Muno dhibta uu aaminsanyahay in ay cunugtaan saqiirka ah ay la damacsanyihiin, iyagoo laga yaabo in aysan si fiican uga warqabin.

“Walaalayaal, culumada sayniska ee ku shaqada leh baaritaanka jirka Bini Aadamka, iyo takhaatiirta baaritaanka ku sameeyay dhibaatada uu leeyahay gudniinku waxay isku wada raaceen, dadka la guday, in noloshooda ay dhamaystaan iyagoo qaba dhibaatooyin aysan marnaba cidna u sheegin iyagoo u arka ka hadalkeedu in ay ceeb tahay, midaas oo u keentay haween badan in dabeecadooda uu is bedel ku dhoco, sida xanaaq joogto ah, hurdo la’aan, welwel, madax xanuun si loo daaweeyo aanan la garanayn. Middaan oo markii muddo ay socoto qofka dhimirkiisa wax u dhibta saamayna ku yeelata dadka la nool sida caruurtooda iyo xaasaskooda”

Muno iyo Barre, Yuusuf afkiisa uun bay eegayaan iyagoo is leh qofkaan yaa sidaan oo dhan madaxa uga soo badalay oo waxaan kasoo dhaadhiciyay.

Yuusufse waxa uu sheegayo waa wax uu isagu is baray, waayo wuxuu la socdaa qoraalada kasoo baxa gudniinka, oo wuxuu aqriyaa culimada aqoonta u leh arinkaas waxa ay ka yiraahdaan ama ka qoraan, waxa uu ku hadlayo oo dhanna cilmi ayay ku dhisanyihiin.

Yuusuf isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ku daray “haweenka gudniinka soo maray, waxay dhib wayn ku qabaan sida la cadeeyay, in ay si sahlan u dhalaan, taas oo mar kasta ku sababta in ay si qaldan u jeexjeexmaan, iyadoo taasina ay u horseedo in caruurtooda intooda danbe lagu wada qalo. Qaliinka badan wuxuu keenaa in qofka jirkiisu uusan sahal marka danbe uga soo kabsan dhaawaca. Caruurta qalliinka ku dhalanaysa, waxay halis ugu jiraan in wadnahoodu uu dhaco, iyagoo dhimashadoodu ay ka badantahay caruurta ay dhalaan haweenka aanan gudniinka soo marin.

Sida aan lasoconno wadankeenna oo aqoonta loo leeyahay dhalmada iyo cilmiga la xiriira, ay aad u yartahayna waxaa dhacda in haween badan ay ku geeriyoodaan xiliga dhalmada. Haweenkeenna miyiga dagana Alle maahane cid kale oo u maqan lama arko”

Yuusuf baa si lama filaan ah Muno iyo Barre su’aashaan u weydiiyay “meeqo jeer baad maqasheen ereyadaan “Heblaayo waa umulraacatay”?”.

Labadoodii waxay isku mar ku jawaabeen, “marar badan”.

Yuusuf ood mooddo in uu hadalka warqad ka aqrinayo baa doodiisa sii watay . “Haweenka gudniinka soo maray, intooda badan waxaa kusoo laablaabta infekshinno kala duwan kuwaas oo dhabar iyo miska xanuun joogta ah ku hayya. Infekshinadaas oo haddii aanan la daawayn keena kilyaha oo howlgab noqda. Dadkeenna intiisa aanan daawada helisteedu u sahlanayna sida dadka saboolka ah iyo kuwa ree miyiga ahna kiliyahoodu ay fariistaan”.

“Tolliinka oo qaldan iyo meelo Alle uusan ugu talo gelin oo la tolay darteedna,  haween iyo gabdho badan kaadida iyo caadada ayaa dirqi uga soo baxa, taas oo iyadana xanuun joogto ah iyo infekshinno keenta.

Barre oo markaan garan weysan wax uu ku difaaco dhibta uu gabadha yar ee adeerka uu u yahay uu u geysan doono baa yiri “diinteenna aa na fareysa in gabdhaha la gudo”.

Yuusuf oo la moodayo in uu hadalkaas sugayay baa lasoo booday “Barroow saaxiiboow, illaa iyo hadda lama hayo meel ay Qur’aanka ama axaadiista Nabiga NNK kaga qorantahay. Halka xadiis ooy daliishadaan dadka difaaca gudniinka gabdhaha waa xadiis Abuu Daauud kii wariyay laftiisu uu ku tilaamay daciif.

Waxaana culumada jaamadda al-Azhar ay sheegeen in taariikh ahaan gudniinku uu kaba horeeyay soo dagitaanka diinteenna. Marka howl dhibkeeda inta ay baaxad le’egtahay la arkayo miyaa cadaymo aanan la hubin ama laba hayn daraadood lagu fulin karaa? waa nasiib xumo iyo calool xumo in gabdhaheennu dhibkaas oo dhan ay u maraan sheeko ku tiri ku teen ah. Barre adoo nin dhalinyaro ah oo hadana waxbaranaya in ay caadi kuula muuqato waa nasiib xumo kale.

Muna oo Yuusuf intii dhibaatada gudniinka uu daldalayay indhaheeda ilmo soo fariisatay, ugana damqatay si qaas ah dhibka gabdhaha heysta, ayaa ballan ku qaadday in ay barri Dhoonbira Cadaawe ceyrin doonto, Xamdi aabaheedna ka dhaadhicin doonto in uusan gabadhiisa dhibaatayn. Barre ayaa isna ballan ku qaaday in uu Muno ku taageeri doono arintaas oo Xamdi yariiseey laga badbaadin doono dhibaatooyin nolosheeda oo dhan la socon lahaa.

Salaaddii Maqrib markii la tukaday ayay Muno Barre u sheegtay in ay Yuusuf dhaweyneyso, inta qolkeeda gashayna kasoo baxday iyadoo cabaayad xiran.

Guriga Muno iyo laamiga baska laga raaco waxaa u dhaxaysa cabir lix daqiiqo loo socdo. Yuusuf oo ka faaiideysanaya waqtiga ay Muno isku heleen ayaa weydiiyay Muno hadalkii galabta uu u sheegay waxa ay kaga jawaabayso, in ay ogolaatay in ay xiriir la yeelato iyo in kale.

Muno waxyar bay aamustay, hoos ayeey eegeysaa, waxay u ekaatay qof arin aad u weyn la weeydiiyay walina aanan jawaab u hayn. Yuusuf dhinaceeda ayuu fiirinayaa, iyada ayuuna hadal ka sugayaa. Yuusuf ma doonayo in uu u ekaado qof iyada culeys ama cadaadis ku saaraya in ay jawaab hadeer dhiibto, laga yaabo in ay hadhow ka shallayso.

Muno madaxeedii ayeey kor u qaaday, oo misana Yuusuf dhankiisa soo eegtay. In ay hadasho bay damacday laakiin neefsi weyn bay faruuryaha la taqisay. Walise kama aysan jeesane Yuusuf bay eegeysaa dhinaciisa.

“Yuusuf, aboowe, ma garanayo wax aan hadal ku bilaabo, waayo arin waxaad i weydiisay aad u weyn, in laga soo fakarana mudan, in aan hadeer jawaab ku siiyo aan ka baqayo in aan hadhow ka qoomameeyo waa laga fiicanyahay, ee asxaan ii samee. dhowr cisho isii, anigaa jawaab quman kusoo siin doonee” Yuusuf oo jawaabteeda ay macquul la noqotay baa yiri, “hadal fiican baad tiri, anna waan ku qasbanahay in aan ku sugo dhowrka maalmood eed codsatay”.

Boosteejadii baska baa lasoo gaaray, labadooda oo hadeer xishood iyo wax ceeb u eg camal isla fiirin weysan, Yuusufna wuxuu damcay in uu waxyar lasii sheekeysto Muno laakiin hadana wuxuu is weydiiyay waxa ay ka wada hadli karaan haddiiba la ballamay.

Isagoo markaan ku duceysanaya Allow bas faaruqa keen iyo Muno oo hoos fiirinaysa baa Maxamuud Dheere oo ay isku xaafad yihiin oo gaari karaasiido ah wata uu u istaagay. Yuusuf inta neef kasoo go’day ayuu Muno wuxuu ku yiri “Muno Caday waad ku mahadsantahay soo dhawayntaada iyo casuumaaddii galabta aad ii fidisay, insha Allah waan is maqlaynaa” “haye aboowe, anaa kusoo wacaya” ayeey ku jawaabtay iyadoo durbadiiba kala fiireysay oo wadada xaafadooda cagta saartay.

KHAMIISTA DAMBE LA SOCO QEYBTA 5AAD.

Wixii talo ah fadlan kusoo hagaaji
Email: burhaam.burhaam@gmail.com
FB: https://www.facebook.com/BurhaanBurhaaan/?ref=br_rs
Twitter: @BurhaanBurhaan