Home » U Gabara Deegaan Dhan » U Gabara Deegaan Dhan!!! (Sheeko Jaceyl) Qeybtii 3-aad Date :January 11, 2018 Author :admin 101 views

U Gabara Deegaan Dhan!!! (Sheeko Jaceyl) Qeybtii 3-aad

Qeyb 3-aad
Waxaa Qoray
Burhaan Burhaan

Yuusuf jalaatadii markii uu u dhiibayba, ma uusan sugin in ay cunaane, wuxuu ka codsaday in ay soo istaagaan, oo inta loo sii socdo islaanta dharka ay u dhiibteen sii cunaan jalaatadooda. Ciise oo la yaaban baa yiri, “War saaxiib ma adigaaba wax badan dabaashay! maxaad durbaba noo celinaysaa?” Yuusuf oo diidan in uu u sheego waxa arkabaynaya baa Ciise u sheegay in uu howl aabihii u dirsaday ee uu hilmaamay hadeer soo xasuustay, kuna
qasbanyahay in uu dhaqso baxo.

Islaanta ay dharka u dhiibteen bay soo ag istaageen, iyagoo jalaatadii sii dhamaysanaya. Islaantu waxay kor fadhisaa meesha badda laga galo oo xeebta inteeda kale ka saraysa, dadka xeebta jooga oo dhanna hoosteeda ayeey ka aragtaa. Agteeda waxaa buuxa baco badan oo carro ku wada hallawday, oo dhar iyo kabo dad dabaalanaya ay leeyihiin ka buuxaan.

islaantii baa markii ay aragtay iyagoo jalaato wada wata Ciise Timajillic ku canaanatay “Waryaa maxaad aniga jalaatada iiga iibin weysay?” Ciise oo is difaacaya baa yiri, “maamo, aniga jalaatadan yarkaas baa i siiyay, mana uusan ogayn qofka dharka noo haya in uu jalaato gado” isagoo kaftamayana sii raaciyay “ee buuqa iga daa, yaanan buurta xuntaa aad saarantahay kaa soo ridine”.

Inta dharkoodii xaabxaabsadeen, oo islaantii kun iyo shan boqol oo shilin siiyeen, iyagoo tin iyo cirib ay carro ka buuxdo, Liido ka dhaqaajiyeen. Ciise iyo Ugaas baa sokeeya oo Xamar Jadiid isla dagan, Yuusufna wuxuu daganyahay Al-Baraka, oo waa in uu gaariga lasii gudbaa.

Jidka u wada sahlan oo ay dhaqso guryahoodii ku tagi karaan waa in ay laamiga Liido dhinaca Xamarweyne u raacaan. Daljirka Dahsoon midig ugu leexdaan iyagoo wadada General Daauud qaadaya. Markay Isgoyska Siinaay marayaanna waa in ay bidix ugu leexdaan Jidka Wadnaha. Isgoyska Xararyaalle markay gaaranna waa in ay jidka Xamar Bille midig u qaadaan oo halkaas Jidka Sodonka kaga dhacaan isagaa Xamar Jadiid illaa iyo Al-Baraka isku maree. Safar kaas oo dhanna wuxuu qaataa ugu badnaan 15 daqiiqo.

Nasiib darro se sidaas suurto gal ma ahan, oo intii dagaalka sokeeye uu socday oo dhan meelahaan intooda badan waxay noqdeen lama maraan, lama dagaan ah. Guri dunsan iyo mid fiiqan maahane wax kale kuma yaallaan. Dadku markay dhex marayaan cidlo daraadeed bay cabsi la jaan boobsiiyaan. Waxay kala qeybisaa laba hogaamiye kooxeed, oo qofkii mara in ay ciyaal suuq hubaysan kufsadaan, in ay ciidan baahan baartaan iyo is rasaasayn in ay
dhexda ka galaan bay ku sigtaan.

Jidka kaliya ee u furan wuxuu yahay in ay hogaamiye kooxeedyadu wadooyinka ay ogolyihiin la qaado, oo wareeg dheer oo ugu yaraan saacad iyo bar qaadanaya ay maraan. Marka hore waa in ay ku lugeeyaan, jidka Liido kasoo baxa ee Jiiro Wacbuudhan gala.

Halkaas ayeey caasi Isgoyska Sanca kaga dagaan ka heli karaan, meeshaas ooy rabaan in ay ka raacaan caasi kale oo isna ay kaga dagaan Isgooyska Fagax. Halkaas waxay ka heli karaan caasi kale oo ku eg Baar Ayaan. Baar Ayaan oo lafteedu ah qad cagaaraan oo baabuurta ka timaada Waqooyiga Muqdisho aysan soo dhaafi karin bay ku qasbanyihiin in ay ka lugeeyaan illaa ay ka gaaraan Isgoyska Cali Kamiin, halkaas oo gaariga ka qaada qof walba gurigiisa uu geeynayo.

Inta ay jidkaas dheer socdaan ee gawaarida kala duwan ee BL ka ah ay sii kala badbadalanayaan, Yuusuf wuxuu u naqsanayaa, ee u habaarayaa, hogaamiye kooxeedyada magalaadan Muqdisho ee ahayd magaalooyinka Afrika midda ugu qurxoonayd sidaan u kala xirxiray. Wuxuu su’aal ka keenayaa sababta ay shacabka Ree Muqdisho ay nibankaan silicaan baday ay isaga qaban la’yihiin, waliba ugu sii taageerayaan iyagoo markaas is leh
“reer hebel” baad iska dhicinaysaan.

Yuusuf intuu daldalmayay baa waxaa hadalkii dafay Ugaas ood mooddo in uu ka xumaaday sida uu Yuusuf hogaamiye kooxeedyada, gaar ahaan mid ka mid ah, uu uga hadlayo, oo isagoo is kululeeynaya yiri, “Yuusufow, nabadda aad sheegeyso iyo is dhexgalka, “reer hebel” haddii aysan rabin ma inagaa kaliya ayaa qaadanayna?” oo isagoo sii wata ammaan huwiyay hogaamiye kooxeedka reer kooda, ammaan, haddii laga tilmaami tago caabudaad
aanan waxba ka sokeeyn.

Ugaas wuxuu Yuusuf ku eedeeyay in uu yahay shisheeye kalkaal, dadkiisa jabjooda jecel. Ugaas wuxuu ku doodayaa in ay “ree hebel” kibreen, oo in la iska celiyo loo baahanyahay. Yuusuf oo yaab afkii kala tagay baa weydiiyay Ugaas -oo markaan ciiddii badda timihiisa oo dhan ay ka buuxdo, biyaha badda dhanaankooda dartoodna isaga dhan wada qaanjeer noqday, daldalayana hadallo qabyaalad ah, ooy adagtahay in la aamino in wiil Ugaas da’diisa ah afkiisa ay kasoo baxayaan- Waxa uu kala jeedo, “ree hebel” waa kibreen oo waa la iska dhicinayaa?

Wuxuu weydiiyay in uu ogyahay iyo in kale in wadanku dagaal kusoo jiray muddo toban sanno ka badan hadeer? Magaaladii oo dhan ay burburtay? Walina wax nabad ah oo muuqda aysan jirin? Wuxuu weydiiyay Ugaas in uu ogyahay in ay caloolxumo tahay in dhalinyaradii yaryarayd ee la rabay in ay iyagu wadanka samatabixiyaan ay sidii odayaashii wadanka burburiyay oo kale u hadlayaan?

Yuusuf isagoo filan weysan sheekadu meesha ay marayso, buu u sheegay Ugaas in uu aad uga xunyahay, in garashadii iyo fikirkii nadiifka ahayd ay ka xadeen odayaal qarriban, kuna taliyay Ugaas in uu la sheekeysiga odayaasha iska yareeyo, kuna eedeeyay in ay sabab u yihiin dhaqan xumada iyo fikir xumada maanta Ugaas afkiisa ka burqanaysa.

Doodoodii oo wali socota, oo markaan Ugaas xanaaq dartiis dhinacyada afkiisa uburi ka xunbeyneyso, dadkii baska saarnaa intooda qabyaaladdu aysan dilanna ay la yaabanyihiin, ayaa Xamar Jadiid la gaaray. Ciise iyo Ugaas waxay ka dageen gaarigii iyagoo wasaqda dushooda saaran la mooddo in ay god-qashin kasoo baxeen.

Yuusuf isagu waa ka duwanyahay, qof bad ka yimidna uma eka, sababtoo ah hooyadiis iyo aabihiis oon u ogoleen in uu bad aado daraadeed ayuu la yimid kaarto aanan looga shakin, oo haddii ay u badato loogu maleeyo kaliya in uu banooni ka yimid.

Yuusuf markasta uu badda kasoo baxo, masaajid ku yaalla Jiiro Wacbuudhan ayuu ku leexdaa. Meel kasta ayuu biyo isaga dhaqaa, oo wax qubeys u eg buu ku tilmaamaa weeso. Yuusuf marnaba masoo iloobo saliid, shanlo, kareem, iyo muraayad. Wuxuu masaajidka kasoo baxaa isagoo la moodo nin hadeer gurigiisa kasoo baxay. Ciddooda markuu yimaado wuu ka badbaadaa canaanta waalidkiis.

Laakiin hooyo Sahro oo shakiba ka qabta maalinka Jimcaha ah laftiisa, lagana yaabo in ay tusinayso in ay feejigantahay ayaa markii Yuusuf maalin Jimca ah ay aragtaba jecel in ay gacantiisa dhanaan ka dhadhamiso, nasiib wanaagse maanta hooyo Sahro, gabar ay habaryar u tahay arooskeeda ayeey ku maqantahay, oo gurigoodii oo cid la hadli karta aysan joogin buu aayar ku xarooday.

Hase ahaatee, guriga markuu lugta soo galiyay ayaa walaalkiisa yar Hanad, oo iska jecel in uu walaalkiis Yuusuf dhibadhibeeyo, isagoo og in uusan Yuusuf gacan u qaadayn la dhawaaqay “Yuusuf badduu ka yimid“. Yuusuf oo og in Hanad uu jecelyahay kashaatada, soona arkay miis lagu gadayo in jidka xaafadda u dhow la keenay, baa Hanad u sheegay in uu shan boqol oo shilin siinayo, hadduu buuqa ka dhaafo.

— — -4-

Yuusuf markuu qadeeyay, ayuu seexday si uu caajiska badda iyo wareegii maantoo dhan uu uga nasto. Galabkii markuu soo kacay ayuu qubeys saacad qaatay galay, dharkiisa kuwa ugu fiican oo u fureysnaana xirtay. Si uu u hubiyo in uu si heersare ah isku qurxiyay buu qolka hooyo Sahro furihiisa meelaha uga raadsaday, si uu muraayadeeda jiifka isugu soo saxo.

Yuusuf gurigooda wuxuu kasoo baxay isagoo dhalaalkiisa, caraftiisa iyo sida uu u labisanyahay, hooyooyinka xaafaddu ay xataa damcayaan. Meel kale kuma leexane baskii ugu horeeyay ayuu ku dhacay iskuna sii daayay xaafadda uu Muqdisho u jecelyahay, ee Xamar Jadiid. Baska inta uu sii saaranyahay, wuxuu ka fakarayaa waxa uu ku oran doono hadduu Muno arko. Mar wuxuu is yiraahdaa, armay Muno maanta maqantahay ood lug go’daa! Mar
wuxuu is yiraahdaa armuu gaarigu dhex kugula halaabaa, gaari kale ood raacdana aad weysaa! Mar wuxuu is weydiiyaa armay la yaabtaa soo laalaabashadaada sidaasna kaaga xiiso dhacdaa!

Wuxuu isla sii hadlaba, oo maqane jooge sii ahaadaba, Xamar Jadiid ayuu sii dhex istaagay. Markuu xaafaddii gaaray, buu hal mar is weeydiiyay meesha uu sheeko ka bilaabi doono, iyo waxa uu Barre u sheegi doono hadduu arko, maadaama uu hal maalin gudaheed laba jeer iska soo daba laalaabtay. Isagoo isla fajacsan bay kusoo dhacday, in uu isku dayo in uu isagoo degdegsan uu tukaanka Barre hormaro, isagoo iska dhigaya nin meel ka degdegsan.

Eebana ka baryo in uu Barre isha ku dhufto si uu ugu dhago una celiyo. Yuusuf isagoo is xiiminaya ayuu tukaankii Barre hor maray. Barre tukaanka macaamiil u buuxday darteed ayuu Yuusuf ugu jeedi waayay. Yuusuf markuu cabaar socday ayuu inta jiiro ku leexday, oo xaafadaha gadaashooda soo maray hadana laamigii kusoo laabtay, oo is
yiri bal hadana tukaanka Barre hor mar, bal in uu markaan ku arko.

Yuusuf hadana waa soo xawaareeyay, oo mar kale tukaankii Barre dadaalid kusoo hor maray mar labaad. Sidii oo kale Barre hadana ma uusan arag. Yuusuf oo markaan dhalaalkii uu ka yaraaday boor daraadiis, bilaabayna in uu dhidido, ayaa hadana jiiradii ku laabtay si uu bal mar sadexadaad isugu dayo in uu tukaanka soo hor maro.

Muno oo iyada lafteeda markaan ku sugan laamiga, ayaa gabar ay saaxiibo yihiin kula sheekeysanaysa guri tukaanka Barre kasoo horjeeda oo laamiga kaliya uu u dhaxeeyo. Maantoo dhan waxay daawanaysaa Yuusuf oo hadba tukaanka Barre dadaal ku hormaraya, kana yaabantahay waxa uu kala jeedo.

Yuusuf oo markii sadexaad soo bartiireeyay oo xawaare sare ku socda ayeey Muno u qeylisay “Yuusuf, Yuusuf, Maxaa kugu dhacay, oo la biibiibeysaa maanta?”. Yuusuf oo meesha qeyladu ka yeertay garan weysan kuna argagaxay ayaa si hal haleel ah u istaagay, ishana ku dhuftay Muno oo laamiga dhankiisa kale taagan oo gacmaha taagtaageysa.

Muno dhiniciisa ayeey usoo dhaqaaqday, Yuusufna wuxuu bilaabay in uu neeftuurka iska yarayn tago, dhididkana iska kala yareeyo inta aysan Muno soo gaarin. Alla lugooyo weynaa! Ninkii sida la ogaa usoo labistay, isku soo carfiyay, iskuna soo dhalaaliyay, waa maxay sida uu isku galay! Wuxuu ka shallaayay tala xumada uu tukaanka Barre ugu hor miriqmiriq lahaa. Wuxuu is weydiiyay sababta uu isagoo tartiib u socda inta Barre ku leexdo ugu sheegi waayay, in uu salaan la agmari waayay maahane, uu meel kale usii socdo. Waa la hubaa Barre in uu ku dhegi lahaaye.

Nasiib wanaag, Muno intii ay laamiga soo gooyneysay ayuu Yuusuf jeebkiisa fasaleeti ka helay, durbana dhididkii iyo boorkii isaga idleeyay. “Yuusuf, waan ku salaamay walaal, ii waran xaalkaaga?”. “Fiican abaayo, adiga seetahay?”. “Aniga aad baan u fiicanahay, galabta maxaa kaa lumay, waa adiga sidii geel macsareedkii iska daba laalaabanayee?”. “Hahaha, maahmaahdaaba i dishay, geel macsareed aa!, maya abaayo, mid aan saaxiibo nahay baan isku qabsannay inta daqiiqo oon anoo socdo, laamigaan kusoo wareegi karo, anigaana ka saxnaaday” Yuusuf been buu isku difaacay, Munana uma ekeen qof aaminay warkaas, inta yaab foolka la kaduuday, ooy madaxa dhaqso ruxday sida qof laqanyo is moogeysiinaya, bay Yuusuf weydiisay.

“Hadeer halkeed u socotaa, waan kuu jeedaa galabta si aaan caadi ahayn baad usoo labisatay, caraftaadaana baxaysee?” oo iyadoon jawaab sugin sii raacisay, “qoftaan aad sidaan isugu soo diyaarisay waa in aad i bartaa, ceeb waaye dumaashi iyadoo xaafadda ila dagan in aan garan waayee” Allow yaa u sheega, in ay ayada tahay qofka Yuusuf, wiilkii daganaanta, garashada, iyo furfurnaanta lagu yaqiinay qafiifka ka dhigay.

Yuusuf isagoo qoslaya ayuu u sheegay, “gabar ma jirtee, waan ku salaamayaa waan sii soconayaa, mid aan saaxiibo naxay baan ballansannahay”, waxyarna aamusay isagoo is leh Muno, Allow ay kugu dhagtaa. Iyagoo meeshoodii taagaan ayaa Barre soo ag istaagay, oo u sheegay in kooxdii cayayaanka buufin jirtay ay tukaanka hoosta ka xirteen, galabtoo dhanna ay ku jirayaan, isna uu caawa ku laaban doono. Wuxuuna soo jeediyay in gurigooda oonan meesha ka dheereyn ay aadaan, Yuusufna u sheegay in uusan meel kale aadayne uu soo raaco.

“Dooliga ayuu cayaayaan u yaqaan, bal Yuusufow ma dooli aa cayayaan ah? nakala saar aniga iyo Barre” ayay Muno oo dood iyada iyo Barre horay u dhexmartay Yuusuf in uu garsoore ka noqdo ka codsanaysa tiri. “Aniga cayayaan waxaan u aqaan baranbarada, texsiga iyo wixii la mid ah. Dooli cayayaan waligay Barre ka hor ma maqlin” ayuu Yuusuf ku kala saaray, Barre ayaase Yuusuf u sheegay in uusan ka filanayn in Muno uu uga eexdo, wuuse diiday in uu sii faahfaahiyo sababta.

Barre iyo Muno gurigoodu xaafadda aad buu uga dhex muuqdaa. Sababtoo ah xaafadda waa u weynyahay, rinji gacan cusub waa marsanyahay, waana nuuc cusub oo maalmahaas lagu daadsanyahay, oo lagu magacaabo Tiibo Jarmal. Guriga hortiisa waxaa ku taal laba geed oo caleema weeyne ah. Dhalinyarada xaafadda ayaa hoostiisa banoooni tiris ah isugu baxaysay, oo markay Barre u jeedeenna kala cararay.

Gurigi hortiisa inta geeduhu ku yaallaan maahee inta kale waa shamiito kabis ah, oo loogu talo galay in gawaarida la dhigto intaanan gudaha lagu xarayn. Labada ganjeel ee guriga, kan yar bay ka galeen, oo markii ay gudaha galeenba waxaa dhagahooda kusoo dhacay, Yuusufna dhaqaajiyay macaanka heesta Istar ee uu markaan ku luuqeeynayay fanaanka Nuur Eebow, horayse uu u qaadi jiray fanaanka weyn ee Cumar Nuur Cabdulle.

Soo dhawayn weyn ayaad dareemeysaa markaad guriga gudihiisa soo gashid. Gudaha deydka waxaa ku yaal jasiirado yar yar oo dhir ah. Gurigu wuxuu leeyahay dhowr meel oo banaan oo loogu talo galay in gawaarida la dhigto. Wuxuu leeyahay jardiimo dhowr xabbo ah, oo dhowr kooxood oo dad ihi ay ku kala sheekeysan karaan si gooni gooni ah, iyo dariiqdo shamiitaysan oo jasiiradaha, jardiimada, baakinnada iyo guriga illinkiisa isku wada
xira. Jardiimada dhexdooda waxaa ku yaal miisas mutuleel ah oo geesaha ku leh duleello geedo midabo kala duwan leh ay ka baxayaan.

Gurigaan leh fadhiga macaan iyo dhirta markaad dhex gasho ka tag ku qaban meeysee, waxaad aad usii jeclaaneysaa in aad inta buug sheeko ah oo macaan aad soo qaadatid, iyadoo codka macaan ee Nuur Eebow uu kugu socdo aad meesha ku aqrisatid. Gurigu waa laba dabaq. Afar qol, fadhi, kushiin iyo laba musqulood baa hoos ku yaal, oo
reerka badankood ay daganyihiin.

Kor waxaa ku yaal, qol weyn, fadhi labaad iyo musqul weynan qurux iyo nadaafad isku darsatay. Kor waxay kale ooy leedahay balakoon marka laasaranyahay neecaaw yar oo macaan laga helayo. Marka balakoonka kuraasta cad cad ee eestarada ah ee taalla la fariisto waxaad toos ugu jeedaa inta badan degmooyinka, Cabdulcasiis, Shibis, Xamarweyne,
Wardhiigleey iyo Waaberi. Badda ayaa ah waxa dhamaystiraya bilicda muuqaalka quruxda badan ee Xamar oo hirarkeeda is garaacooda toos loogu jeedaa.

Kor waxaa dagan Muno kaliya. Hooyadeed iyo aabaheed oo markaan dad waayeel cuslaaday ah, oo kor markii hore loogu talo galay, baa fuulista jaranjarada oo ku adkaatay darteed hoos iska dagay. Yuusuf markii guriga oo dhan lasoo tusiyay baa fadhiga kore la geeyay, cabitaan qabowna loo keenay. Barre intii uu Yuusuf cabitaanka u shubayay una sheekeeynayay bay Muno durbaba shukadii kusoo badalatay dirac baati ah, oo cusub, oo marka korka laga arko dirac ‘dhii jii’ ah la moodo, una tolan si jirkeeda quruxdiisa soo saraysa ee dhexdeeda dhuubaysa, qaarkeeda danbe dhumucdiisana muujineysa.

Muno markii ay qolkii fadhiga soo gashay ayuu Barre inta istaagay yiri “nibankii cayayaanka buufinayay ayaan u tagayaa, waxaan ka baqayaa in ay bariiska iyo burka sunta iiga buufiyaan, waan idiin soo laabanayaa”. Muno inta Yuusuf soo ag fadhiisatay, iyadoo carafta kasoo baxaysa ay ma liqdaa ku qabanayso bay Yuusuf weydiisay “Yuusuf, maxaan kuu keenaa aboowe, shaah, qado, wax sheeg”.

Yuusuf oo candhuuftiisa gadaalna u laqaya, kuna marmarganaya, wadnihiisa garaaciisana in bannaanka laga maqlayo la moodo baa iska soo jaray, “yaah, maxaa dhahday?”

LA SOCO QEYBTA 4AAD Khamiista dambe.
— —
Wixii talo ah fadlan kusoo hagaaji
Email: burhaam.burhaam@gmail.com
FB: https://www.facebook.com/BurhaanBurhaaan/?ref=br_rs
Twitter: @BurhaanBurhaan

Aragtidaada ka dhiibo