U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 8aad

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Caawa Muno waxaa u qorsheysnaa in jacaylkeeda cusub Yuusuf markii ay guriga ugu sheekeyso, in ay hadana banaanka isku raacaan oo isla soo casheeyaan, laakiin taleefankii Ciise Timajillic ayaa qorshihii ka qasay.

Dhow jeer ayeey war wareejisay, hadeer laakiin waxay is tiri halmar bal Ciise is dhaafi, aad adiga iyo Yuusuf isku soo hartaane. Waxay go’aansatay in ay Ciise u deyriso, una sheegto in aysan xiriir hadeer diyaar u ahayn. Mase oga in Ciise uu ka warqabo iyada iyo Yuusuf xiriirka ka dhaxeeya, sidaas darteedna uu tartan ugu jiro sidii uu isagu ula soo wareegi lahaa, gabadhaan lawada aaminsanyahay in ay Magaalada u qurxoontahay.

Inta istaagtay ayeey iyadoo halaaqyo been ah iska keen keeneysa u sheegtay Yuusuf in ay dhaweyneyso, ooy daalantahay maadaama ay saaka xilli hore kacday, berrina ay rabto in ay xilli hore hadana kacdo si ay guriga daba iyo dacal u nadiifiso intaanan reerku Afgooye kasoo laaban.

Yuusuf markiiba kabahiisii ayuu illaday, una sheegay in ay ku mahadsantahay waqtiga ay wada qaateen, waxbana aysan dhaweyne uu isagu kaligiis sii deynayo. “Maya aboowe, walba aan albaabka kaa bixiyo” ayeey u soo jeedisay, isna wuxuu u sheegay in uu intaas ogolyahay.

Yuusuf markuu albaabka ka degayba si boobsiis ah ayeey qolkeedii ku fuushay, oo markiiba taleefankii soo qabsatay.

Ciise in ay fasaxdo way rabtaa, oo isaga dhan ka soo jeesato, hadana xiiso ay garan weysantahay ayuu la hadalkiisu ku hayaa.

Lambarkii Ciise ayeey wacday, taleefankii oon dhicinna Ciise ayaa “hello” lasoo booday.

“Ii waran aboowe, soo daa warkaaga” ayeey hadal ka bilowday. Ciise oo la moodo in cashar uu soo xifdiyay uu aqrinayana hadal aanan kala joogsi lahayn ayuu is daba qabtay. Fursad ay ku hadasho waa u diiday.

Ciise wuxuu rabaa, in maadaama uu caawa fursad ku haysto uusan sii dayn illaa uu dantiisa ka gaaro.

“Abaayo, aniga sidaan kuu sheegay, aad baan kuula dhacsanahay, rabitaankaas iyo dhacsanaantaasna waxay isku badashay jacayl, aan la hoyan waayay. Muddo hadeer usbuuc ah qolkayga banaanka ugama bixin, oo maba garanayo sabab aan banaan u aado anigoon ku helin”, ayuu Ciise u sheegay. Intaysan jawaabinna wuxuu kaga nixiyay, hadal Muno ay la neef qaaday.

“Aniga abaayo in aan maantaba ku guursado ayaan doonayaa. Waan ogahay in aad waxbaratid sidaas daraadeed, waxaan samaynayaa wax kasta oo awoodeyda ah sidii aad jaamacad uga bixi lahayd” isagoo hadalkiisa sii wata, lana moodo in uu su’aal kasta ee imaan karta jawaab usoo diyaarsaday ayaa yiri “abaayo uur in aad yeelato haka baqin, waxaa jira daawooyin casri ah, oo marka la qaato aadan uur yeelan karin, xilligii aad doonto in aad uur yeelatana waad iska dhaafi kartaa qaadashadeeda”.

Ciise hadalka wali isaga ayaa wata, in ay Muno wali dhagaysanaysana wuxuu ku hubiyaa, erayo ay ka mid yihiin, “soo ima aadan fahmin?” iyo “maxaan ku iri ku celi”.

“Waxaan leeyahay, uu aabahay aniga igu qoray, guri cusub oo filla ah, isla xaafadana ku yaalla, kaas ayaan wada dagaynaa, oon nolol fiicanna ku noolanaynaa. Masruufkeenna iyo wax kasta oon u baahannahay waa diyaar intii aan jaamaccad ka wada baxayno, oon anagu shaqaysanayno”, ayuu u ballanqaaday.

Ciise reerkoodu aad ayuu u ladanyahay. Ciise aabihiis, Cabdi Cali Geelle, Cabdi Xiirane, waa nin magaalada Muqdisho caan ka ah. Wuxuu Talyaaniga kasoo dajiyaa biraha lagu dayactiro gawaarida. Tukaamo badan ayuu ku leeyahay qeybo badan oo magaalada ah. Wuxuu wiilkiisa Ciise dhawaan siiyay guri cusub oo filla ah, una balanqaaday in uu siinayo wax allaale wixii uu doono, hadduu sifiican wax u barto, Ciisana waa ka go’antahay in uu ka faaiideysto fursadahaas.

“Waan ku fahmay aboowe” ayeey Muno tiri markii ugu horeysay sidii ay taleefanka u qabsatayba. Hadal badanna waa kasoo bixi waayay, waxaad moodaa in hadalada Ciise ay saamayn ku yeelatay niyadeeda.

Muno waxay durbaba bilawday in ay madaxeeda ka shaqaysiiso.

Ciise waa wiil hadeerba diyaar ah, wax kasta heysta, in uu waxbartana ay ka go’antahay.

Sidiisa kale waa nin qurxoon, markastana aad u labisan. Ciise wuxuu caan ku yahay shaarar qaali ah ee uu dhexda ku xirto. Dharkiisa inta carwooyinka qaaliga ah ee magaalada ku yaalla uu ka iibsado maahee, inta kale sida kabaha iyo surwaalada, walaashiis Leylo Xiirane ayaa Denmaak uga soo dhiibta.

“Haye abaayo, qadka maku jirtaa wali?” ayuu Ciise su’aalay mar ay in dhowr ilbiriqsi ah Muno fekeraad la aamusnayd. “Haa aboowe, feker ayaan galay, ee waan ku jiraa qadka” ayeey tiri, iyada oo rabta in ay qadka ka baxdana waxay raacisay, “Ciise aboowe, hadaladaada waan maqlay, si fiicanna waa ii deeqeen, laakiin halmar, haa kuma oran karo, ee fadlan isii hal usbuuc oon uga soo fekero aniga ayaa jawaab kusoo siin doonee”.

Ciise taleefankii ayuu isi saaray isagoo aad moodo in uu guul gaaray, maadaama wax kasta ee uu sheegi lahaaba laga dhagaystay, Munana ay u ekeetay qof halkeedii hore kasoo dabcay.

Markii ugu horeysay in dhowr maalmood ah ayuu Ciise inta labistay habeenkaas magaalada shaah u doontay, isagoo dadka islaameed ee ka horyimaada u salaamaya sidii in uu waligiis yaqiinay.

Ciise iyo Yuusuf waa saaxiibo aad isugu dhaw dadkana isugu jecel, hadana markuu Yuusuf bilaabay in uu Muno raad raadiyo ayaa Ciise degdeg iyo karkabo ku dhalatay. Ciise Muno wuu rabay, laakiin wuxuu is lahaa cid kugu haysata ma jirtee tartiibtaada iska sugo. Markuu arkay saaxiibkiis oo raadinaya ayuuse hurdadii ka kacay, iskuna dayay in uu isagu gacanta kusoo dhigo wixii ka dhacayaba haka dhacaane.

Ciise oo sidiisa kale ahaa wiil aad u kaftan iyo qosol badan ayaa guriga dhan laga dareemay, isbedelka ku dhacay sidii uu u bilaabay in uu Muno raadiyaba. Ciise qolkiisa kama soo bixin mudo todobaad ah, raashinka waa loogu dhex geeyn jiray, qofkii albaabka kusoo garaacana markuu ogaado in aysan hooyadiis ama aabihiis ahayn ayuu qeylo ka hor geyn jiray.

Ciise dhowr jeer intii uu qolka ku jiray ayuu is weydiiyay sababta gubeysa ee banaankii u diiday waxa ay tahay, hadana wuxuu soo xasuustay isaga iyo Ruqiyo arintii kala qabsatay.

Ruqiyo waxay ahayd gabar Ciise ay deris ahaayeen, oo ay isla soo koreen, iskuulka wada bilaabeen, maalin kastana, mudo 12 sano ah, ay iskuulka isku raaci jireen, kala hari jireenna markii labadooda fasal lasoo gaaro kaliya. Guryahooda markii ay yimaadaanna intii ay cunteynayaan, iyo intii ay hurdaan maahane inta kale waa isla joogi jireen.

Ruqiyo iyo Ciise markii ay soo qaan gaareenba waxay isku qaadeen jacayl ka weynaaday labadooda madaxba.

Casharada waa wada aqrisan jireen, banaanka waa kasoo wada cashayn jireen, makiinadda cajiinka markii Ruqiyo loo diro wuu u raaci jiray, habeenkiina iyagoo taleefanka ku wada hadlaya ayeey gam’i jireen. Subixii markii ay soo kacaan Yuusuf inta cadaygiisa qaato ayuu guriga Ruqiyo hortiisa aadi jiray, iyana qaxwo macaan usii diyaarin jirtay, xiliga iskuulka markii la gaarana inta labadooda guri kusoo kala labistaan ayeey hadana cagta wadada wada saari jireen.

Fasalkii sadexaad ee dugsiga sare markii ay Ruqiyo dhamaysayba, waxaa dhacday arin ku sigatay in uu Ciise nafta isaga jaro.

Ruqiyo ayaa waxaa soo doontay nin ay ilma adeer yihiin oo dibedda ka yimid. Ninku Ruqiyo cideeda oo sabool ah ayuu u balan qaaday in uu nolol fiican siin doono, gabadhoodana ku dadaali doono. Ruqiyo iyada oonan ka warhayn, ogolayna nin aanan Ciise ahayn, ayaa xilli lagu jiray fasaxa sannad dugsiyeedka, goor subax ah loo sheegay in ay boorsadeeda, oo horay hooyadeed xalay inta la hurdayay u diyaarisay, ay gaari guriga hor taagan la raacdo.

Waxaa loo sheegay in ay Nayroobi tagayso, fasalka u danbeeya ee dugsiga sarena ay halkaas ku qaadan doonto, kadibna jaamacad ay Ingiriiska ka gali doonto, wiilka adeerkeed uu dhalay ee Keyse ahna la siiyay, oo lagu mehrin doono markii ay Keenya cagta dhigtaba. Ruqiyo waxay rafato, ooyso, galgalato, waxaa qasab lagu saaray gaarigii kadib markii uu aabeheed u sheegay in uusan dhalin haddii aysan warkiisa maqlin.

Subaxaas Ciise hurdada ayuu ku daahay, markuu soo kacay ayuu dhaqso Ruqiyo taleefankooda wacay, waase laga qaban waayay. Tartiib ayuu inta ilkaha cadaystay, dabayl yar oo jirtana go’ ka huwaday gurigii Ruqiyo u doontay qaxwo. Markii loo sheegay in Ruqiyo nin la siiyay, oo Keenya loo dhigayna, waa aamini waayay, oo wuxuu u qaatay in lagu dhibdhibayo illaa uu Ruqiyo aabeheed inta guriga kasoo baxay u sheegay Ciise “waryaa dhoocil yahow iiga bax guriga, haddii kale shan xabadood ayaan albaabka kaaga saarayaa. Naagta aad raadinayso nin walaalkeed ah oo geeya ayaa la siiyay”.

Ciise labadii bilood oo fasaxa wuxuu iska ahaa bukaan socod maqane jooge ah. Saaxiibkiis Yuusuf oo sheeko, maaweello iyo magaalo wareejis maalin walba ku hayay ayaa waxyar ka illowsiiyay dhibkii Ruqiyo kasoo gaaray.

Ciise isagoo naag oo dhan warkeeda iska daayay ayuu maalin tukaanka Barre isagoo hor fadhiya isha ku dhuftay Muno, oo intuu Ruqiyo kusii jeeday iyana weynaatay, oo sida ay u labisantahay iyo jirkeeda quruxdiisa magaalada oo dhan halmar ay dhaqaaqa joojinayso.

Dhowr jeer oo markaas ka danbeysay oo Muno ay indhihiisa qabteenna aad ayeey usoo jiidatay. Markuu arkay in uu saaxiibkiis Yuusuf rabana, wuxuu naftiisa ka balanqaaday in aanan gabar danbe ee uu isagu rabo uusan nin danbe ka qaadan doonin.

Cutubka 9aad


Galabta aad ayeey u qurxoontahay. Labiskeeda iyo heybadda ka muuqata Shamso. Qoortooda dad badan waa jeedisay intii ay jidka sii socotay. Shamso galabta waxay u socotaa saaxiibteed Muraayo, oo ay aad isugu dhawyihiin. Muraayo iyo Shamso arin kasta oo labadooda lasoo gudboonaatana waa kawada hadlaan, oo aad ayeey isugu kalsoon yihiin.

“Saaxiib haye, galabta waad soo dheeraataye”, ayeey Muraayo ku salaantay saaxiibteed iyadoo guriga deydkiisa dirin ku fadhisa. Shamso oo markaas albaabka inta soo gashay caruurta reerka kuwooda yar yar midba mar kor u qaadaysa, qaarkood diif ku yaalana dharkeeda ka ilaashanaysa, nac nac ay usoo iibisayna u qaybinaysa ayaa tiri “haddii aad adigu ii imaan weysay, in aan anigu kusoo raadiyo waan ku qasbanaaday”.

Muraayo waa qof aad u cod dheer. Markii ay sheekeyneyso darisku si fiican ayeey u maqlaan. Gurigooda markii ay joogto waqtiga intiisa badan waxay ku dhamaysataa qeylada iyo. canaanta caruurta iyada la dhalatay ee qaarkood ay aadka u yaryar yihiin.

“Naa iska ilaali diifkooda iyo wasaqdooda balaayo ha dhashee” ayeey Shamso ku tiri oo wali caruurtii kusoo yaacday dhexda ka taagan. “Caruurta habaarka iyo caayda goorma ayaad ka dayn doontaa walaaleey?” ayeey Shamso si kulul u tiri, iyadoo markasta sidaan oo kale ula yaabta saaxiibteed af xumadeeda.

Shamso iyo Muraayo salaan iyo kaftan yar ka dib qolka Muraayo ayeey isla aadeen si ay si aanan cabsiyi ku jirin ugu sheekeystaan.

Guriga Muraayo reerkeeda isaga dhan waa sadex qol oo deeyd fiican iyo ganjeel leh. Muraayo, maadaama ay reerka u weyntahay, afarta qof ee ka yar iyadana ay wiilal yihiin, kaligeed ayaa hal qol la siiyay, waana qolka musqusha ku dhagan, oo markii ganjeelka laga soo galo qolalka usoo horeeya, qolkase haanta biyaha laga shubto ayaa hor taalla, taas oo kaneecadeeda marka laga soo tago buuq iyo shanqar ay ku dileen dadka biyaha ka shubanaya maalinkii oo dhan.

“Saaxiibeey in aan caawa kusoo waco ayaan rabay, waxaad ii sheegtaa halkee wax idiin marayaan adiga iyo Yuusuf?” ayeey hadalkii ku bilawday Muraayo oo sariirta ay ku fadhiso korkeeda siksikanaysa sidii in wax qaldan oo sariirta iyagoo saaran lagu goglay ay rabto in ay salka ku saxdo. “Saaxiib, wax aan faro ku hayo lama hayo, oo Yuusuf dhankayga waaba soo fiirin la’yahay” ayeey Shamso ku calaacashay.

“Saaxiib horta Yuusuf mala hadashay?” ayeey Muraayo weydiisay. “Maya, saaxiib wali lama aanan hadlin”, “sideed hadde ku doonaysaa in uu wax kula qabto haddii uusanba ogayn in aad isaga doonayso?”. “Saaxiib maxaad ku talinaysaa?” ayeey Shamso tiri, Muraayo oo la yaaban Shamso sida ay wax u wado ayaa ku talisay in galabta Yuusuf la waco, loona sheego jacaylka loo qabo iyo waliba inta uu le’egyahay.

Shamso taladaan waa la saxnaatay, laakiin, wadnaheeda ayeey taqaane, waxay aaminsantahay in aysan awood u lahayn in ay laba eray is daba dhigto hadduu Yuusuf “hello” ka yiraahdo dhanka kale ee taleefanka.

“Naa naf is geli, halmar ka badan miyaad dhimanaysaa?” ayeey Muraayo ku canaanatay, istaagtay oo banaankana u baxday si ay taleefanka uga soo jiido qolka dhexe ee hooyo iyo aabe ay daganyihiin.

“Abaayooy waan baqaayaa ee ma iga dhaaftidoo” Shamso oo ku calaacalaysa ayeey Muraayo lambarkii Yuusuf wacday.

“Hello!” ayaa laga dhex yiri taleefankii. “Wiil yar aa qabtay, sug anaa weydiinaayee, gacanteydana sii daa” ayeey Muraayo ku tiri Shamso oo xariga taleefanka ka jiideysa, rabtana in taleefanka la damiyo.

“Magacaa yariisoow?”,

“Hanad ayaa la i yiraah”

“fiiri, Yuusuf ma joogaa?”

“Hadeer ayuu baxay”

“Waa ku baryaa, inta ka daba orid taleefan ayaa kuu yaala ku dheh”

“Haye sii sug” ayuu Hanad yiri farahana iska bixiyay, isaga oo raba in uu Yuusuf soo qabto intuusan baska fuulin.

Jidka markuu cagta saaray ayuu Hanad u jeeday Yuusuf oo gaari taagan oo dad badani ay raacayaan raba in uu raaco. Hanad wuu hubaa in uu gaariga qaban karo markuu korka ka cabiray inta qof ee taagan ee gaariga raaci rabta, laakiin wuxuu ku qasbanyahay in uu si xawaare sareeya ah uu u ordo, laamiga gooyntiisana uusan gawaari kaga istaagin.

Hanad markuu laamiga cagta saaray, in uu dhanka kale ugooyo kaliyana ay ka dhimantahay, ayuu isha ku dhuftay Yuusuf oo gaarigii fuulay, iyo gaarigii oo dhaqaaqay.

“Yuusufoow!” ayuu si aad qeylo u ah ku yiri, iskana istaagay. Gaarigiise muusan joogsane laamiga ayuu cagta sii saaray.

“Gaariga maad joojisid, meeqo jeer ayaan jooji ku iri?” ayuu Yuusuf, oo qeyladii Hanad maqlay, si caro leh ku yiri darawalkii. Darawalka oo isna ka xanaaqsan sababta gaariga hadeer soo dhaqaaqay isla markiiba jooji loo leeayahay, ayaa ugu jawaabay, “guriga habartaa maad iska joogtid hadaadan meel u socon, markaad anaga markaan dhaqaaqno jooji nagu bilaabaysid?” gaarigiina inta joojiyay, “naga bood” ku yiri Yuusuf oo la yaaban edebdarada darawalka meesha cidlada ah ka xanaaqaya.

Hanad oo inta iska soo tagay guriga sii gali raba ayuu Yuusuf inta ka daba yimid ku yiri “maxaad iga rabtay aboowe?” korna u qaaday oo garbaha saartay. Hanad oo ku celcelinaya “War i dhig nin ku le’eg ayaan ahaye” ayaa u sheegay in taleefan uu u yaallo.

Qolkii taleefanka ayeey soo galeen, oo taleefankii oo kaligiis iska qeylinaya is kor saareen. Yuusuf lambarkii u danbeeyay ayuu eegay oo ku celiyay.

“Hello!”

“Hello, aboowe gabar aadan aqoon oo Muraayo la dhoho waaye, ee soo Yuusuf ma ahan?”

“Haa Yuusuf waaye, maxaan kaa caawiyaa abaayo?” ayuu weydiiyay. Intii aysan u jawaabin, ayuu maqlayaa iyada iyo qof la jooga oo is jiidjiidaya.

Waa Muraayo oo rabta in Shamso ay mar uun Yuusuf la hadasho, iyo Shamso oo diidan. Gunuunacooda markuu batay, ayuu Yuusuf u sheegay in ay soo heshiiyaan dabadeedna kusoo celiyaan, isna uu meesha usii fadhin doono.

Muraayo waxay Shamso kusoo qancisay in uusan ninku cunayn, halmarna ay la hadasho, xitaa aysan qasab ahayn in ay jacayl kala hadasho, laakiin ay salaanto kaliya maanta.

Shamso waa ogolaatay, oo iyadu bilawday in ay taleefankii gacanteeda ku wacdo.

“Hello!” ayeey ku tiri cod gariiraya.

“Hello!” ayuu Yuusuf dhinicii kale kasoo yiri.

Codkiisa markii ay maqashay ayeey inta ku naxday, aaminina weysay, orod banaanka ku dhacday.

Muraayo aabaheed oo caag sadexle ah, gacanta ku wata, oo raba in uu inta haanta ka biyeysto musqusha la galo, Shamso oo faniin ah oo qolkii Muraayo kasoo baxday ku dhacday, oo odagii haanta biyaha iyo darbiga dhexdooda jabaq ku siisay, isla markiina inta kusoo oroday ka caawisay in uu istaago iyadoo adeer raali noqo ku celcelinaysa.

“Anigaa is kufkufin jiraye, hadana ma in aan dadka kale kufiyaan bilaabay?” ayeey is weydiisay. Iyadoo ceeb wajigeedii qof ooyi raba u keeday ayeey Muraayo oo ka daba ordeysa banaanka ku dhacday oo gurigoodii oonan meesha ka fogayn orod ku tagtay.


LA SOCO QEYBTA 9AAD