Home » SHEEKOOYIN » U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 7aad Date :February 8, 2018 Author :admin 158 views

U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 7aad

Yuusuf baska wuxuu ka dagay sagaalkii fiidnimo, inta badan xilligaas xaafadda Yuusuf boosteejadeeda basaska looga dago waa cidlo. Qofkii bas ka dagaana si dhaqso ah ayuu gurigiisa u aadaa, isagoo socod boobiisanaya shanqartana yareynaya. Xilligaan oo kale waxaa magaalada aad ugu badan isbaarooyin ay dhigtaan ciyaal suuq, qaarna xaafadda dagan, qaarna meelo kale doolaalo kaga yimid. Bistoolado iyo middiyo ayeey dadka kaga dhacaan dharka ay xiranyihiin iyo wixii lacag ah oo ay wataan.

Yuusufse wuxuu u fooryayaa sidii in ay barqo cad tahay. Farxadda haysa darteed ma kala jecla ciddii maqlaysa iyo cid kale. jidkii gurigooda iyo laamiga u dhaxeeyay oo mugdi ah, guryaha ku yaalla oo dhanna ay nalalku u dansanyihiin ayuu sii maray isagoo bulxanka ka baxaya ee heesta, foorida iyo jiibta isugu jirta lamoodayo in ay toban qof oo kale la socdaan.

Gurigoodii ayuu soo galay, oo sidii caadada u ahayd aadka u dadka iyo saxmadda badnaa. Kaftan, foorjo, iyo camiraad buu dadkii dhexda kaga galay. Waa la is wada fiiriyay, oo la dareemay in isbedel uu jiro. “Haye, warkaaga keen, caawa sidii waayahaan oo kale hoos fiirin meyside” ayuu adeer Cali ku duray Yuusuf.

Yuusuf ma doonayn in uu sheego sababta keentay farxaddiisaan guriga dhan ifisay. Isagoo heestii Tubeec wali ku fooryaya, kaligiisna dhoolacadaynaya ayuu habeenkaas sariirtiisii dalakh yiri.

Cutubka 7aad


“Waryaa halkee ayaad usii dhushuuq weyntahay? mar hadduu sidaas saliidda isaga buuxiyo waan aqaan meel fog ayuu u socdaa” ayeey Ugaas hooyadiis islaan ag fadhisay u sheegtay. Isagii oo albaabka gurigooda hore sii xirayana wuxuu ku jawaabay “Ciise gurigooda ayaan cajal kasoo qaadanayaa”.

Cajalku waa hal xabbo oo ay ku duubanyihiin 12 heesood oo ay leeyihiin fanaaniin badan oo isugu jira Soomaali iyo ajanabi. Maadaama aysan hees kasta albumkeeda oo dhan iibsan karin, Ugaas iyo dhalinyarada la facca ah, saboolnimada haysa darteed, cajalado nuucaas oo kale ah ayeey duubtaan.

Gurigii Ciise Timajillac ayuu tagay barqanimadiiba. Shamso oo aad u labisan oo kursi caag ah oo cusub ku fadhisa ayuu ag istaagay. “Shamso maanta nuurkaaga ayaa baxaya, aroos maad u socotaa, mise saaxiibkaa aad la ballansantahay, waxa jira sheeg?” ayuu kula kaftamay. Iyana iyadoo is cuncuneysa ayeey inta kasii jeesatay hoos ka tiri “balaayo saliid badan, maxaa quruxdeyda tusay? Bal maa Yuusuf yimaado markaan sidaan oo kale u labisanahay.

Samsam, yaraanta cidda ayaa awal saakadii hore fahantay oo ku camiratay Shamso. “Hooyo Shamso saakay Jimce waaye Yuusuf in uu gurigeenna imaanaayo eey u malaysaa, sidaas ayeey u labisatay” ayeey kor u tiri. Shamso oo ceeb dareentayna “Naayaa aamus hadaad rabtid in aan banaanka kuu wado galabta” ayeey isaga sirsirtay.

Samsam oo la moodo in garashadeedu ka weynyahay da’deeda 12-ka sano ah, una jeedday markii ay Shamso Ugaas u jiirxumeyneysay ayaa tiri “nin aan ku rabin intaad ka daba ordaysid, miskiinkaan ku rabo maad isaga iimaansatid?”. Shamsoo la yaaban cunugta yartaa hadalka afkeeda kasoo baxay ayaa tiri “cajuuso yar aa tahay, adoo duq ah aa lagu dhalay.”

“Saaxiib maad albaabka tartiib usoo gashid, waadba iga nixisaye?” ayuu Ciise Timajillac lasoo booday markuu Ugaas qolkaa dalakh soo yiri sidii in banaanka laga soo tuuray. “Maxaad iigu soo jarmaadday?” ayuu usii raaciyay isagoo la yaaban bal waxa uu saaka Ugaas doonayo.

“Saaxiib cajalkii kolakshanka ahaa, ee ayaan dhawayd aan meeshaan uga tagay ayaan rabaa” ayuu Ugaas yiri isagoo ka baqaya in marmarsiyahaas uu Ciise qaadan waayo. In uu guriga Ciise isaga soo daba laalaabto Shamso daraadeed, Samsam Yariiseey kaliya ayaa ogaatay. Ciisana haduu xitaa shakin lahaa saaka hadalkaas oo dhan uma soo jeedo, oo wax kalaa gubaya.

“Saaxiiboow, gabadhii aan kuu sheegi jiray” ayuu Ciise bilaabay in uu yiraahdo “haa Muno” ayuu sii dhamaystiray Ugaas. “Haa Muno” ayuu Ciise sii watay hadalkiisii “ninyahow qoftii tartan ba’an ayaa la igula jiraa. Kuuma sheegine Yuusuf ayaa meesha iiga horeeyay” markuu intaas marsiinayo ayuu soo dhex galay Ugaas oo layaab wajiga la kaduudaya, yirina “ma Yuusufkii carabka ahaa ayaa naag kugu qabsankara? War kaas naagtuu kugu haysto waxay la mid tahay naag aanan cidina kugu heysan”.

Ciisaa soo dhex galay oo yiri “saaxiib Yuusuf waa aftahan, Munana mar hore ayuu u sheegtay dareenkiisa, iyana waxaan u malaynayaa in ay ka aqbashay siduu sariirta shalay isugu seexseexinaayay ayaan u jeedaye. Isagoo xanaaqsan ayuu ii yimid, isagoo faraxsanna wuu iga tagay. Kaaga darane anigaa galabkii oo dhan la hadlayay, wax jawaab ahna ima siin, waa ii carab laalaadisay kaliya” ayuu Ciise ku calaacalay.

“Saaxiib, anaa qoftaas kuusoo dhicinaya, waxaan kaa balan qaadayaa in ay adiga hoostaada soo fadhiisato” ayuu Ugaas ku booteeyay. Samsam Yariiseey oo labada wiil tarmuus shaah ah u keentay ayaa ka ag tiri, “nin kale intaad naag u keeneysid, maad adiga Shamsadaan soo dhacsatid, aad sidaad saliid daraadeed isugu soo maluuqaysay kuu ekeysiisay oday madaxshub ka yimid”. Ciise ayaa ku qoslay hadalka walaashiista yartaa, il xanaaq lehna ku eegay Ugaas, mase doonayn in uu baab kale isku furo e sheekadiisii ayuu Ugaas usii kala qaadaa dhigay.

Ciise Timajillic iyo Ugaas waxay sheekada wadaanba waxay isla garteen, islana jeexjeexeen qaabkii Muno looga soo qaadi lahaa Yuusuf.

Yuusuf saaka wuxuu lasoo kacay farxad iyo furfurnaan. Markii ugu horeysay muddo dhowr usbuuc ah ayuu qolka hooyadiis inta galay, hooyadiis usoo sheekeeyay, oo cagaha kareem uga soo daliigay, Hanadna u sheegay in uu is diyaariyo si ay qudbada u wada aadaan. Saaka Yuusuf si kale ayuu wajigiisu u dhalaalayaa, marka laga soo tago hurdada fiican uu xalay qaatay, dhoolacadayska wajigiisa joogteeyay ayaa daamankiisa dhalaalinaya, una ekeeynaya qof wajiga nal uu ka hayo.

Wuxuu sugi weysan yahay inta casarka laga adimayo si uu Xamar Jadiid isugu sii daayo. Mar mar kaligiis ayaa riyo gala. Wuxuu ka fakaraa hadduu Muno u tago waxa ay ka sheekeysan doonaan. Mar mar wuxuuba ka baqaa in sidii xalay oo kale, maadaama ay arintiisii aqbashay, uu wuxuu sheego aqoon waayo.

Yuusuf afartii oo rubuc la’ ayuu Xamar Jadiid sii dhex istaagay, xiligaas oo kale waligiis maba tagin. Tukaamada qaar baa weli la furfurayaa salaadda casar kadib.

Qorraxda Galbeed ayaa dhalaalkeedu laamiga oo la moodo in la xaaqay qabatay, dibna ugu soo laabatay dadka biibitooyinka hor fadhiya wajiyadooda. Galabta xataa Dhuunbe oo sigaar tukaankiisa ku hor cabaya waxay u ekeysiisay qof cas.

Tukaanka Barre wali waa xiranyahay. Yuusufna wuxuu galabta is yiri, intuu Barre ka imaanayo, bal Dhuunbe warkiisa keen.

“Saaxiiboow waxaan ku weydiiyay, mana rabo in aad iga xumaatid…” markuu intaas marsiinayo ayuu Dhuunbe yiri “tukaanka waxaan ku iibiyo ayaad i weydiin rabtaa ma ahanoo?” Yuusuf oo qoslaya, xishood yarina galay baa ku jawaabay, “ii sheeg saaxiib haddii aysan dhib kugu ahayn”.

“Saaxiib aniga waxba ma iibiyo, farsamo yaqaan ayaan ahay. Inta badan waa la i wataa oo alaabo halaabay baan macaamiisha usoo sameeyaa”. “Ee hadde, maad tukaanka wajigiisa ku qortid lambarkaaga iyo in aad farsamo yaqaan tahay, si dad badan ay kuula soo xiriiraan?” ayuu Yuusuf weydiiyay. “Maya saaxiib dadku waa i yaqaanaan iyagaana xayeeysiin iigu filan” ayuu Dhuunbe yiri istaagayna, isagoo ka baqaya in la weydiiyo waxa uu farsameeyo waxa ay yihiin.

Dhuunbe intuusan tukaankiisa gudaha u galin ayaa Yuusuf gadaashiisa Barre wuxuu ka yiri “war saaxiib hubka hallaabay ayuu sameeyaa, shilke ama suug mid kaa halaabay hadduu jiro Dhuunbe u imoow”. Dhuunbe oo Barre farta ku fiiqaya ayaa si caro leh u yiri “wallaahi Barroow waxaan ka baqayaa in aad gacanteyda ku dhimatid” tukaankiisiina iska sii galay.

“Barre ii waran waayahaan ma sheekeysane? ayuu Yuusuf Barre weydiiyay. Barre ayaa ku jawaabay “saaxiib waan fiicanahay, cidlo ayaanse ahay maanta, reerkii kulli Afgooye ayeey ku wada maqanyihiin”.

“Kulli maxaad ka wadaa, soo Muno ma joogto?” ayuu Yuusuf yiri. “haha, Muno aa? iyada daraadeed ayaaba Afgooye loo aadaye” ayuu yiri Barre oo qoslaya, kartoomo baasta ahna inta miiska tukaanka ka qaaday meel gees ah ku raseynaya.

“Adiga ma waxaad rabtaa in aan xaraf kasta kaa baryo? soo daa warka, Muno maxay doontay, hadba inta wax yar tiraahdid aniga ha ii aamusine?” ayuu Yuusuf yiri isagoo ay heyso kartoomada uu isi saarsaarayo maka daadisaaa.

“Saaxiib odaga iyo habarta iyo Xaseey awalba waxay u baxeen in Tahliil ciddooda oo casuuntay ay isi soo bartaan, Munana saaka ayeey gaari ay usoo direen raacday”.

“Tahliil yaa waaye” ayuu Yuusuf hal mar la dhawaaqay.

“Ninka Muno soo doontay waaye” ayuu ku jawaabay Barre oo Yuusuf dhankiisa hoos kaga soo eegaya jaranjaro uu iskafaallaha tukaanka ku fuulay korkeeda, wajigiisana ka dhigaya sidii in uu la yaabanyyahay su’aasha Yuusuf, siina watay hadalkii oo yiri. “in aad ogtahay aanba moodayay, maadaama labadaan beri aad adiga iyo Muno isku shubshubataan, waxaan is lahaa arooskuu la qabanqaabinayaa, maadaama uu heesaha iyo waxaas ku fiicanyahay” ayuu Barre is daba dhigay, isagoo iskifaallaha u sarreeya, gasacyada caana booraha saaran sisimaya.

Yuusuf, mudo dhowr daqiiqo ah ayaa hadal kasoo bixi waayay. Wuxuu bilaabay in uu kaligiis suaalo is weydiiyo.

“Xiriirkii ay iga aqbashay malaga yaabaa tollow in ay xiriir walaalnimo u qaadatay? Maya, macquul maahan, ma dad ayaa iska codsada in uu xiriir walaalnimo uu dhexmaro? Oo maantana waa i ballamisaye u jeedada ay leedahay waa maxay, mise arooskeeda ayeey rabtay in ay ii digto? Laakiin maxay ii ballamisay, oo hadana isaga baxday? Ma u malaynaysaa in ay iyadu ninka aysan rabin, saakana qasab lagu waday?”

Su’aalahaas mar uu is weydiinayo ayaa indhihiisu waxay qabteen, Barre oo hoos ka qoslaya, halmarna kusoo dhacday in Barre uu mar kale ka booleystay.

Si halhaleel ah ayuu Yuusuf u istaagay, Barrena isagoon hubsan sababta uu u istaagay ayuu albaabka ka booday, Yuusufna kamaba danbeyne cagta ayuu cagta u saaray.

Laba tukaan intuusan dhaafin ayuu jeegada soo qabtay, weydiiyayna sababta uu caadada uga dhigtay in uu ku cayaaro, wadnahana maanta u fadhisiin gaaray?

Tukaankii ayeey kusoo laabteen, Yuusuf toos ayuu u abaaray taleefankii, Munana wacay. “Hello!” markii ay tirina lasoo booday “Yuusuf waayee sidee tahay?” “Fiican aboowe, waan ku sugayay, adna Barre ayaad isaga leexatay illeen?”. “Hadeer ayaan kuu imaanayaa” ayuu ku yiri inta Barre dhankiisa eegana yiri “qof i sugaya ayaad Afgooye iga geysay, Barroow waxaan ka baqayaa aniga dhibka aad igu haysid dartiis in aad naar ku muteysato”, albaabkana ka baxay.

Guriga Muno markuu is leeyahay albaabka garaac ayeey falaq siisay, iyada ood moodo in ay saantiisa sugaysay. Markii ugu horeysay ayuu gacanta ka salaamay, isagoon ka fuqinna inta isla gacantii kor usoo qaaday ka dhunkaday.

“Iiwaran, seetahay aboowe?” ayeey weydiisay. “Markii laga reebo wadna xanuun yar uu Barre igu riday, sida kale aad ayaan u fiicanahay” ayuu ku jawaabay. “Nin Tahliil la yiraah ayaa Muno la siiyay, oo saaka ayeeyba Afgooye aaday, ayuu i yiri, afka Allaha ka gooyee” Muno oo qoslaysa ayaa tiri “waan kuu joogaa macaane, Afgooyena anoon kula socodsiin ma aadi lahayn, wax kasta oon u doonaba”.

Qeybta kore ee guriga ayeey ku hogaamisay, oo fariisisay kuraasta cadcade u taalla balakoonka qolkeeda. Yuusuf durbadiiba wuxuu daawasho ugu dhaqaaqay magaalada Xamar oo cagaarkeedu indhaha soo jiidanayaan.

Wuxuu toos ugu jeedaa Degmooyinka Waaberi, Cabdulcasiis iyo Wardhiigleey qeybteeda Madaxtooyada Filla Soomaaliya ay ku taallo. Wuxuu toos u arkaa laamiyo aad looga shaqeeyay dhismahooda hadeerna cidlo darteed haawanaya, oo geedo geesahooda kasoo baxay ay wada qarin rabaan.

Wuxuu aad u arkaa Baar Fiyaat, Tiyaatarkii Qaranka iyo Ceelgaab oo xilligii nabadda maalin kasta ugu yaraan hal milyan oo qof ay isku daba marayn jirtay, hadeerna wax nuuxsanaya ay ka jiraan kaliya bac qafiifyo geedo ay ku bideen ka kor balafleynaya.

Wuxuu u jeedaa Badweynta Hindiya oo buluuggeedu ku darmay buluugga cirka. hirarkeeda is garaacaya iyo xeebaheeda caro cadka ah, ay ka faaiideystaan kaliya maraakiib shisheeye oo kalluunkii Soomaaliyeed shabaqyo aduunka mamnuuc ka ah in lagu kaluumeysto baabah uga dhigay.

Wuxuu u jeedaa guryo waaweyn oo cidla daraadeed ay daanyeero dageen, intii dagaalada sokeeye ay socdeenna aysan cidi cag dhigin.

Yuusuf magaalada quruxdeeda iyo dhibka hadeer haysta markuu cabaar daawanayay ayeey indhahiisa ilmo soo fariisatay.

Muno cambe shiidan oo aad u macaan ayeey garaafo ku keentay, oo miis dhalo ah oo kuraasta balakoonka saaran dhexyaalla saartay. Galaas ayeey shubatay isna u shubtay.

Waxay labadoodu eegayaan magaalada ka hooseysa, eegmo naxariis lehna waa isku xadayaan. Midkood ma doonayo in uu hadalka bilbaabo.

Sheekada dhexmaraysa waxay ku egtahay kaliya in laga hadlo canbaha macaankiisa, magaalada hoostooda ka muuqata meelaha ay ishoodu ka qabato magacyadooda, iyo Yuusuf oo hadba u sheegaya Muno quruxdeeda iyo Muno oo ku jawaabaysa “adigaanba iga dhicin”, intaas oo dhanna waxaa si cod gaaban ah u daaran heesta ‘Anigu wali sidiibaan ubax kugu salaamaa’ ee uu ku luuqeeyo fanaanka Cabdulqaadir Jubba.

“Horta, Muno, waxaa fiican, aniga fikirkeyga, in hadeer inta sheekadu cusubtahay aan meel wax isla dhigno, si warku u cadaado” ayuu Yuusuf oo Muno dhankeeda usoo jeestay yiri.

“Wallaahi waa hadal fiican, aniga xataa waan rabaa in aan hadal isla meel dhigno. Adiga marka Yuusufow maxaad is leedahay, soo daa bal warkaaga” ayeey Muno oo ku faraxsan in uu Yuusuf hadalka bilaabay tiri.

“Aniga horta waxaan jiraa 18 sano, hadeerna dugsi sare ayaan dhigtaa, adigana waa sidoo kale. Aniga fikirkeyga wuxuu yahay, in aan guursado markii da’ ahaan aan gaaro 25 sano. Xiligaas waxaan aaminsanahay in wax kasta ay isku toosi karaan haddii dadaalkeeda aan la imaado”, “sax weeye aboowe” ayeey Muno tiri iyadoo Yuusuf intuu hadalka waday inta istaagtay babaay mashadoonyo ah, oo miis u dhaw yaalla soo qaaday Yuusuf hadeer u dhiibaysa.

Yuusuf oo hadalkiisa sii watana wuxuu raaciyay 25 markaan gaaro “iskuul waa dhamaaday, jaamacad waa dhamaatay, shaqana waan helay oo waan isku filnaan karaa”.

“Masha Allah aboowe, aniga xataa sidaas lafteeda ayaan ku fakarayay. 25 sano in aan ku guursado ayaan doonayaa, oon hadhow ahaado qof isku filan, oonan nin ku tiirsanayn”.

Labadooda qorshahaas waa la dhaceen, waana ku ballameen in ay isi sugtaan.

Taleefanka reerka ayaa soo dhacay Muno oo dhangalawoow cusbo ku qasaysa ayaa intay Yuusuf u dhiibtay taleefankii aaday.

“Hello!”

“Hello, Muno, Ciise waaye, seetahay?”

“Fiican aboowe, adiga seetahay, fiiri, caawa aan kusoo waco maanta mashquul aan ahay” ayeey Muno hoos u tiri.

“Gabar aan qaraabo nahay aa in aan sheekeysanno iisoo wacday, laakiin, Yuusuf oo ii fadhiya maan sheeko gali karaa” ayeey Muno ku qancisay Yuusuf.


LA SOCO QEYBTA 8AAD.

Aragtidaada ka dhiibo