Home » SHEEKOOYIN » U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 6aad Date :February 1, 2018 Author :admin 216 views

U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 6aad

Waa sadexdii galabnimo, adinka dhowr masaajid ayaa la maqlayaa. Yuusuf banaanka ayuu kasoo kacay, oo guriga dib u galay. Wuxuu bilaabay in uu labisto oo tukado. Wuxuu ku talo galsanyahay in ugu danbeyn afarta galabnimo uu Xamar Jadiid gaaro.

Dharkii saaka barqadii uu sida aayarka ah u saaray katabaanka buu soo dajistay. Shaarkii uu ganta katabaanka suray, oo gantii ay ku sawirantay, sida bac caruur yari gees ka nuugay si uu u dilaaciyo, ayuu meesha yartaa ka feereeyay, oo jiq isku siiyay.

Jidka guriga Yuusuf hor mara, laamiga baska laga raaco ayuu toos u galaa. Gurigooda iyo laamigana waa lix daqiiqo oo lug ah kaliya.

Jidka labadiisa dhinac waxaa kasoo wada jeeda guryo fillooyin ah, oo garbaha isku hayya. Dhowr guryahaas ka mid ah ganjeelladooda waxaa kasoo dareeraya, oo jidkii dhiiqeeyay, biyo saabuuneysan oo dhar lagu soo dhaqay.

Yuusuf markuusan sida galabta oo kale meel ka daahsanayn, ciddii biyo wasaqa soo daadisa buu inta ku leexdo u sheegaa in ay qotaan god biyaha ay isaga shubaan, sababtoo ah dad ka qaarna biyuhu waa najaaseeyaan, qaarna, sida waayeelka, waa kufiyaan.

Inta badan caruurta ayaa marka uu jidkaan marayo kadaba qeylisa, isaguna qaarna wuu salaamaa, qaarkii kusoo ordana kor ayuu u qaadaa.

Oday inta badan kursi ku fadhiya harka geed ka baxaya guryaha midkood hortiisa, baa markaas oo kale yiraahda “markii sidaas oo kale aan kuu qaadi jiray Yuusufow hadeer dhaw bay ahayd”, markaas buu Yuusufna ugu jawaabaa, “anna mar dhaw baan adeer ku xanbaari doonaa”, odaguna wuxuu la qeyliyaa “cudur aad igu xanbaarto Alle iima keeno”.

Yuusuf laamiga markuu soo istaagay, wuxuu lakulmay caasi faaruq ah. Si boobsiis ah ayuu shirka uga galay. Shirku waa meesha ugu nafiska fiican caasiga, isla markaana ugu nadaafadda roon. Gudahase qofkii ka raaca, sida laba kursi oo cariiri ah dhexdooda uu isugu dirqinayo, marna dad meel luuq ah fadhiya uu uga tilaabsanayo ayuu kasoo dagaa isagii oo dharkisii ay jactadeen, catar uusan isagu marsanna uu kasoo kaf leeyahay.

Cabaar markuu saarnaa, dhowr caasina ay baxeen, buu Yuusuf ka shallaayay sababta uu u raacay caasiga faaruqa ah oo rarka u baahan.

Yuusuf hadeer uun buu xasuustay sidii Muno raadinteeda uu u bilaabayba in ay go’aan kasta saamayn ku yeelatay. Maantana intii uu islahaa labiska aad Muno kula kulmeysid yeysan kaa jactadin buu go’aan kaloo qaldan qaatay oo uu caasi rar u baahan fuulay.

Caasigii markuu buuxsamay buu darawalkii galabtoo dhan caasiga marna sheelareynayay, marna siksikinayay, inta dhowr kun oo shillin la siiyay ka dagay, oo nin biibito meesha ku tiillay ka shaahayay, oo galabtoo dhan kirishbooyga xaarxaarinayay inta isteerinkii kusoo booday gaarigii dhaqaajiyay.

Yuusuf Xamar Jadiid wuxuu soo gaaray shantii galabnimo, markiiba wuxuu isku sii daayay tukaankii Barre. Yuusuf in uu Barre Qamiis kasta u tago caado ayeey ka noqotay, hadeerna aad bayba u anfacday oo Muno maadaama uusan gurigooda toos u tagi karin, tukaanka ayuu ku sug is leeyahay.

Galabtase tukaanku waa xiranyahay. Tukaanka Dhuunbe inta hor istaagay buu u dhawaaqay “Dhuunboow, Barre meel ku sheeg”. “Suuqa sidii uu saaka u aaday sooma laaban, adeegii uu doonayna nin xamaali ah baa aniga ii keenay” ayuu Dhuunbe mugdiga kasoo dhex yiri.

Qoraxduna waa sii dhacaysaa, Muno in uu helo iska dhaafe meel uu fadhiisto buu weysanyahay. Yuusuf wuxuu go’aansaday in guriga Ciise Timajilic, oo ah guriga kale oo kaliya uu xaafaddaan ka yaqaanno oo taleefanna leh in uu Muno ka wacdo.

Si dadkii guriga joogay ula muuqatay kadis buu gurigii Ciise Timajilic dhexda kaga istaagay, albaab kase wuu garaacaye Ree Xiirane iyagaan maqal. Samsam oo ah gabadha cidda u yar buu weydiiyay in uu Ciise joogo. Samsam waxay u sheegtay in Ciise uu hurdayo.

“Saacaan wallaahi baadan iisii hurdayn” Yuusuf oo ku gunuunacayaa baa albaabkii Ciise garaacay. ‘Wallaahi hadaan maanta kuusoo baxo in aad yaabi doonto” ayuu Ciise kasoo dhex yiri qolka, isagoo u heysta in caruurta mid ka mid ah uu garaacayo albaabka.

“War waa Yuusufe fur albaabka” ayuu Yuusuf si qeylo ah u yiri.

“Abaayadiis hadhow aan kusoo wacaa” ayuu Ciise si cod hoose ah ku yiri qofkii taleefanka dhinaca kale kasoo hadlayay, si tartiib ahna isu saaray taleefanka.

Ciise oo wajiga u kaduudaya, codkiisana jiid jiidaya si qof mar dhaw hurdo ka kacay baa Yuusuf albaabka ka furay.

“Ciise saaxiib, haddii aad hurdaysay sidaan ogaa uma qeyliseene, ii dhiib taleefankaas”, ayuu yiri Yuusuf oo is maqiiqaya.

Waa lixdii oo rubuc la’. Yuusuf intuusan maanta Muno helin baa gabalkii ka dhici rabaa, wuxuuse xoogga saarayaa in uu taleefanka ku helo inta aanan maqribka la adimin.

Xarigii leenleenka buu soo jiiday, si uu taleefanka usoo dhigto sariirta Ciise maahane midda kale ee qolka dhinaca kale ka taalla. Batoonka la taabto marka la rabo in lambarkii u danbeeyay aad wacatid baa gacantu uga dhacday. Waxaa shaashaddii taleefanka ka muuqday lambar uu garaacistiisa dusha ka xifdiyay …

…651288.

Waa lambarkii Muno, sida muuqatana taleefanka Ciise Timajilic lambar laga waco waa kii u danbeeyay.

Yuusuf intuusan gacanka taleefanka dhagta saarin buu Ciise dhankiisa eegay.

Ciise oo dhididaya baa Yuusuf kor taagan. Ciise haddii la weydiiyo sababta uu guriga Muno u wacay, wuxuu ku jawaabo ma garanayo.

“Ciise, ma guriga Barre baad hadeer wacday?”.

Ciise oo magaca Barre markii lasoo hadal qaaday fikrad cusub soo gashay baa ku jawaabay “haa Barre aan rabay, laakiin suuqa uu ku maqanyahay”.

Yuusuf taleefankii ayuu ku jeestay isagoo yaab foolka la kaduudaya, dhagtana saartay.

Taleefanku waa dhacayaa, qof qabanaya lama arko, in uu dhigana ma doonayo.

Eedaankii salaadda Maqrib baa soo bilawday in uu gees kasta ka yeero. Yuusufna waxaa soo galay walwal. Ma uu rabo in sheekadaan ay maanta la dhaafto. Walwalka hayya waxaa uga sii daraya dhafarkii xalay, haddii uu maanta Muno waayana wuxuu ka baqayaa in uu caawana jiifan waayo.

Iyagoo qolkii Ciise dhex fadhiya, Ciisana uu soo jeedinayo in uu Yuusuf inta geesi iska dhigo uu Muno gurigeeda ugu tago, Yuusufna tala xumada Ciise la yaabanyahay, diidanyahayna, baa taleefankii soo dhacay. Yuusuf baa ku booday oo markiiba “hello” ku yiri cod qeylo ah, oo qofkii maqlaa uu gabar moodayo.

“Hello, Ciise, raali noqo taleefanka waan qaban waayay, oo qubeys baan ku jiray bay Muno lasoo booday”.

“Ciise maahan, waa Yuusuf” ayuu Yuusuf ku jawaabay, Ciise dhankiisana eegay, isagoo wajigiisa ka dhigaya sidii qof leh “labadeennu waan isku danbeynaa tima yaleexoow”, Ciise oo markaas marna sariirtiisa fariisanaya, marna ka kacaya, hadbana dhinac qolka ka istaagaya, oo lugaha isku sahaya sidii qof kaadiyi ay kasoo baxsan rabto, ayay Yuusuf indhihiisu qabteen.

“Hello, Yuusuf aboowe seetahay? galabtoo dhan baan xaafaddaada kaa wacayay, oo waanba kuu baahnaa” ayeey Muno lasoo booday.

Yuusuf oo mooddo in culeys hayay uu ka dagay baa ku jawaabay “Run ii sheeg’ isagoo sariirta sifiican usii fuulaya, darbiga sariirta ka danbeeyana isku sii tiirinaya.

“Haa wallaahi, fiiri, bacdal maqrib guriga ma iigu imaan kartaa? Hooyo iyo Aabe iyo Xaseey Afgooye bay saakay aadeen oo laba maalmood ku maqnaan doonaan. Aniga iyo Barre baa guriga nalkaga tagay” ayeey Muno Yuusuf u sheegtay. Isagoo markaan farxad kala badbatay buu “hayye” ugu jawaabay, oona macsalaameeyay, taeefankiina isi saaray.

Inta istaagay buu Ciise ku yiri “dhidid iyo shuuq badnidaa? meesha ma daroogaad ku cunaysay, war daaqad iska fur, oo huurkaan iska leyri”, albaabkana ka dagay.

Guriga Ciise iyo kan Muno laba jid oo kala jeedda ayeey ku kala yaallaan. Yuusuf luuq yar oo guriga Ciise barbarkiisa mara ayuu raacay si uu ugu dhaco jid cadde weyn oo guriga Muno hor mara.

Luuqqa markuu galay, ayeey Shamso oo iskool ay luuqadda Carabiga ka barato ka timid u jeedday. Waxay is tiri armaad ka daba oroddaa. Hadana hoos bay waxay iska tiri “anoo kasii daba ordaya hadaan kufo, soo ceeb tii ugu weyneyd maahan, gurigoodana iska gashay.

Yuusuf markuu luuqii waxyar kusii socday, buu xasuustay in ay Muno ballameen maqribka ka dib, isla markiinna soo kala jiireeyay, si uu guriga Ciise sallaadda ugu tukado.

Shamso markii ay gurigoodii gashay bay inta jalbaabkii iska xayuubisay ganbar deedka yiillay ku fadhiisatay. Oo intii qof qubeysanayay ay sugaysay in uu musqusha soo fiiraaqeeyo billawday in ay Carabigii ay soo baratay ku ceshato.

Yuusuf baa albaabka kasoo galay Shamso oo madax qaawan oo si qeylo ah u leh “masmuka, ismii Shamso”, kuna yiri “weey, Shamso, iskuul Carabi ah miyaad ka timid?” isagoo kaftamayana sii raaciyay “Carabiga Qaramada Midoobay miyaad rabtaa in aad uga shaqaysid?” qolka Ciisana isagoon istaagin horay usii galay.

Shamso iyada oo sida ay u egtahay, iyo waxa ay aqrinaysay, in wiilkii ay rabtay uu arkay aad uga xun bay qolkeeda gadaal u gashay kuna gunuunucday “isaga Yuusuf albaab la garaaco ma yaqaan miyaa? Muxuu maalin walba dalakh usoo yiraah cid islaameed gurigooda?”.

“Saaxiib bax weyso ii shub’ buu Yuusuf Ciise ku yiri, bilaabayna in uu kabaha iska bixiyo.

Cutubka 7aad


Maqribkii markuu tukaday ayuu Yuusuf wacay Muno, una sheegay in ay albaabka soo istaagto. Wuxuu ka baqayaa in isaga oo guriga garaacaya ay darisku arkaan. Munana halkaas uu dhib kaga yimaado haddii waalidkeed loo sheego.

Guriga Muno markuu usoo dhawaaday buu arkay Muno oo guriga jardiinka ku hor yaalla fadhisa, oo isaga sugaysa. Socodkii buu boobsiiyay isagoon iska warhayn, xiiso uu gabadhaan u qabo daraadeed.

Iyana markii ay aragtay isagoo soo xiimaya bay ganjeelkii furtay oo uga sii hor martay, isna dhowr ilbiriqsi kadib buu ka daba galay.

“Yuusuf yaa kusoo ceyrsaday aboowe?” ayeey weydiisay iyadoo la yaaban xawaaraha uu ku socday. “Qofna abaayo, maxaad aragtay?” ayuu ku su’aal celiyay isagoon warba u hayn in uu socod dheereynayay.

Muno waxay ku hogaamisay Yuusuf qolkeeda qeybta kore ee guriga ku yaalla. Laakiin Yuusuf baa ka codsaday in ay deydka jardiimada ku yaalla hoostooda iska neecaawsadaan maadaama guriga laga kala maqanyahay. Iyana waa ka yeeshay, oo nalkii banaanka u daartay, kushiinka dhinaciisana aaday si ay shaah ay hore usii karisay ugu keento.

Guriga Muno deydkiisa, markii nalka la daaray, qurux cusub buu yeeshay. Kaahii nalalka baa geedihii dhalaal u yeelay. Leerar jidadka yaryar ee deydka ku yaalla ku tixanna, waxay u ekeeyeen guriga dhan magaalo aad u qurux badan oo laga soo eegay diyaarad korkeeda.

Muno jikada ayay kasoo baxday. Waxay xirantahay oo uu hadeer uun leerka dartiis ku arkay, dirac baati ah oo gaduudan. Muno midabkeeda gaduudan iyo diraceeda iyo nalku markay isku dhaceen waxay u ekaatay ubaxa gaduudan ee lamaanaha is jecel ay isku dhiibaan, taas oo keentay in Yuusuf uu ku hanweynaaday in jawaabta uu ka sugayo Muno ay “Haa” tahay.

Muno inta Yuusuf shaah u shubtay, iyana shubatay bay Yuusuf hortiisa jardiinka ah fadhiisatay.

Shaahii buu dhakabsi ku bilaabay Yusuuf isagoo madaxiisa ay dhex ordayaan dareemo kala duwan oo is diidaya.

Mar wuxuu is yiraahdaa, waa ku ogolaanaysaa, oo haddii ay ku diideyso gurigeeda kuuguma yeerteen. Marna wuxuu ka baqaa in ay diido. Wuxuu u egyahay qof shaaha cabistiisa isku mashquulinaya in uu hadal bilowdana aanan rabin. Marka kaliya uu hadlana wuxuu Muno weydiinayaa magacyada geedaha guriga ku xardhan qaarkood.

Taleefankii reerka baa barandada ka dhacaya, markii dhowr jeer ay Muno is moogeysiisay bay istaagtoo aaday.

“Barre ayuu ahaa wixii taleefanka soo wacayay” ayeey Muno ku tiri Yuusuf iyadoo jardiinkii sii fadhiisanaysa.

“Muxuu sheegay?” ayuu Yuusuf weydiiyay. “Hadeer buu suuqa sidii uu saakay u aaday ka yimid, alaab tukaanka Dhoonbe maanta loogu dajiyay buu xareysanayaa, wuu soo socdaa”.

“Wuu soo socdaa” markuu maqlay ayuu Yuusuf bilaabay siksikasho iyo in uu dhowr jeer “haye, haye” yiraahdo. In labo daqiiqo ahayd markuu meel sheekada uu ka bilaabo uu garan weysanaa buu yiri “Muno, abaayo waad ogtahay sababta aan caawa kuugu imid, waxaan jeclahay in hal usbuuc uu kugu filnaaday, ood jawaab ii heysid?”.

“Yuusuf aboowe, aniga horta jawaab caawa waan kuu hayaa, laakiin ma doonayo in aad iga xumaatid, oo walaalnimadeenna ay meesha ka baxdo”.

Intaas markii ay tiri buu Yuusuf bilaabay neef tuur sidii in uu hadeer orod kasoo fariistay, shaarkiisana furay labada guluus oo kore si uu u leyr u qaato.

Muno oo sii wadata hadalkeeda baa tiri “sidaad la socotid, waxaan ahay ardayad, waxaana jeclahay in aan waxbarashada ka gaaro illaa heer jaamacadeed, kadibna xitaa aan ku mashquulo sidii aan shaqo fiican u abuuran lahaa”.

Muno inta ay hadalka daldalayso, Yuusuf wajigeeda wuu eegayaa, wuuna u jeedaa in faruuryaheedu ay nuuxnuuxsanayaan, laakiin waxa ay sheegeyso ma maqlayo. Aduunkiisii dhamaa baa kusoo yaraaday. Waxa uu samayn doono ma uu garanayo, Barre oo soo socdana, in uu guriga kusoo gaaro, isagoo qalbigiisu maqane jooge yahay aad buu u dhibsanayaa.

“Yuusuf ma i maqashaa?” ayeey Muno weydiisay inta dareentay in uu maahsanyahay. “Haa waan ku maqlaa” buu ku yiri cod u eg sidii in ceejo dhowr daqiiqo lagu hayay.

Iyadoo sii wadata hadalkeeda, isna markaan uu si fiican u dhagaysanayo bay tiri “Marka aboowe intaas oo dhan markaan isku dardaray, oon maskaxdeyda ka shaqaysiiyay waxaan go’aansaday…”, markii ay intaas marsiinayso ayuu ka yimid dhidid waa weyn oo shaarkii ka qooyay, neef qaad sax ahna bilaabay sidii cunug oohin bilaabi raba.

“…in aan xiriir wada samaysanno, oon lamaane nolosha wadaaga noqonno” ayeey kusoo gabagabeeysay.

Yuusuf oo aamini weysan hadalka Muno afkeeda ka dhacay, baa istaagay, oo qosol bilaabay iyo in uu inta faraha ku taagtaago yiraahdo “huuh, wallaahi mar baan is iri, tanu galbatay, hadana jawaab aanan filanayn baad isiisay”.

“Yuusuf aboowe qof adiga kaa wanaagsan oon xiriir la samayn lahaa ma jiro. Dhinac kasta waad iga qancisay” bay jawaabtii kusii sugtay.

Yuusuf oo markaan inta nafisay, safaleeti dhididkii isaga qalajiyay, shaarkiisiii guluusyada u xirtay, lugaha is dulsaartay, shaah kalena shubtay baa yiri “Muno, abaayo, caawa amaantaada hadaan bilaabo waaga ayaa noo baryaya. Wax kasta oo adiga kugu saabsan aad baan ula dhacsanahay, jacaylka aan kuu qabana uma malaynayo in Cilmi Boodheri uu xitaa Hodan u hayay”.

“Waryaa iga dhaaf beenta iyo turufatoornimada” ayeey tiri Muno iyadoo gacanta dhankiisa u filqeysa, albaabka oo lasoo garaacayna aaday dhankiisa si ay u furto.

Yuusuf halmar bay daalkii, dhafarkii iyo caajiskii dhamaa kusoo baxeen, wuxuuna rabaa in uu gurigiisa aado caawana si fiican u seexdo, in uu Muno caawa la sheekeystana wuu rabaa, si uu yeello wuu garan weysanyahay.

“War ninka guriga dhex fadhiya ma Yuusuf baa? walaalow gurigeenna ma noo dhaafaysaa mise Maxkamadda Xararyaalle baan kugu soo xirnaa?” buu Barre kasoo yiri albaabka dhankiisa isagoo dhiiqadii Suuqa Bakaaro lugaha ku xamaalaya.

“Barrow ma habar qudbosiro ah baad dhiiqada Bakaaro ku dhex qabtaa, sidii aad saaka u baxday wa adiga hadeer socda adoo lagu moodo in aad maantoo dhan kirishbooydii basaska lasoo lagdameeysaye?” ayuu Yuusuf isaga celshay Barre, oo tubada biyaha lugaha isaga meyraya.

“Muno, macaanto, aad baan u daalanahay, waan iska hoyaadayaa, Berri aan isu nimaadno, maxaad ka tiri?”

“Haye, aboowe waa inoo berri, xaafadda iigu imoow halkaan baan waqti ku qaadanaynaa”

“Warku waa dhanyahay qaaliyeey, waa inoo berri insha Allah”.

“Dhiiqa weyne Barrow, habeen wanaagsan, waxaa igu ballan ah in aan wada xisaabtannee” ayuu Barre ugu booteeyay.

Barre oo luqluq iska sii tufaya baa Yuusuf oo albaabka kasii baxaya ka daba yiri “habeen wanaagsan seedi”.

Yuusuf dhafarka hayya, wadnaha ayaa jiitamaya, intuu baska saarnaa ayaa daalkiisu wuxuu soo xasuusiyay hees uu qaadi jiray Maxamed Saleebaan Tubeec. Farxadda uu dareemayo, geesinnimo cusub ay soo galisay daraadeedna wuxuu bilaabay in uu ugu heeso sidii in uu masrax saarananyahay.

“Habeennadan Dhamaantood

Waan Dhacaa Kacaayo

Dhugashadan Indhuhu

Way Ku Dhaygagaanee

Dhalanteed Riyaa

Laygu Hor Dhigaayoo

Dhabankiyo Gamcuhu

Maysku key Dhegeen!”

Dadkii baska saarnaa waxay u kala qeybsameen wax codkiisa la dhacay oo heesta la jiibiyay, wax ka aamusay oonan heesta aqoon laakiin madaxa camiraad la ruxaya iyo wadaad gadaal saarnaa oo “war Alla ka baqa” markuu cabaar ku celceliyay jiirada masaajidka Salaama ee Baar Ubax isaga haray.

LA SOCO QEYBTA 7AAD

Aragtidaada ka dhiibo