Home » SHEEKOOYIN » U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 5aad Date :January 26, 2018 Author :admin 297 views

U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 5aad

Cutubka 5aad


“Hello!”.

“Hello!”.

“Hello, badnidaa maad hadashid?” Muno oo la yaaban qofka taleefanka soo wacay oo hadana, markii hore aamusay, markii danbena codka badashay baa su’aashay qofka taleefanka dhanka kale kaga soo hadlaya. Ciise Timajilac oo neef ay kasoo go’day baa ku jawaabay “Muno waa Ciise, waxaan ka baqayay in uu kii kula dhashay, Xaseey, uu yahay qofka taleefanka qabtay, waxaan ka baqay in uu codkeyga inta aqoodo isoo raadiyo”.

Ciise oo hadalkiisa sii wata ayaa Muno weydiiyay halkii ay u mareysay sheekadii ay taleefanka ku bilaabeen. Muno oo fahansan waxa uu ka hadlayo, aanse doonayn in ay u jawaabto baa is moogeysiisay. Muno waa rabi lahayd in ay Ciise la sheekeysato, laakiin gurigooda oo martiyi joogto daraadiis bay is lahayd taleefanka gabagabee.

Ciise oo malaha dhowr jeer uu Muno soo wacay haleeli waayay, baa isku dayay in uu lasii hadlo, jawaabna uu ka helo. Ciise Muno aad ayuu uuga helay, wuxuuna aaminsanyahay in haddii uu culeys saaro uu isagu Muno hanan doono. Ciise waa ogyahay saaxiibkiis Yuusuf in uu Muno doondoonayo, Yuusufse ma oga in lagula tartamayo gabadha.

“Ciise, aboowe anaa kuu sheekeynayee caawa isoo wac, marti baa noo joogta oon soo dhaweynayaaye” “Haye, abaayo, meeqa saac? taleefanka haka ag fogaanin yaah, ma rabo in aan Xaseey madaxa isla galnee” ayuu ku kaftamay isagoo qosol iska qasbaya.

Ciise, Muno wuu la balamay, wuxuuna isku diyaariyay in uu caawa sideeda uu taleefanka leenleenka ah qolkiisa soo gashto inta albaabka xirtana uu Muno waco isagoon cid qashqashaadaysa aysan jirin.

Ciise walaashiis Shamso, waxay hor maraysay Ciise qolkiisa markuu taleefanka ku hadlayay, waxay maqashay nuxnuxdiisa. Waxay rabtaa in ay ogaato qofka uu Ciise sida hoose ula hadlayo, way dareentay in ay gabar tahay, waxaysa danaynaysaa in ay ogaato gabadha ay tahay.

Ciise albaabkiisa, labadiisa faliiq meesha ay iska saaranyihiin bay dhagta saartay, oo hadalkiisii dhuuxday. Hami iyo fikrad baa soo gashay Shamso markii ay ogaatay in qofka Ciise uu la hadlayo ay Muno tahay.

Shamso waxay go’aansatay in ay Yuusuf u sheegto sheekada Ciise iyo Muno ka dhaxaysa, si ay iyadu Yuusuf meel cidlo ah kaga hesho, galabtase waa xilli danbee waa iska joogtay, kuna talo gashay in berri markii iskoolka laga soo baxo ay u istaagto meherada aabeheed hortiisa.

Waa maalin Arbaco ah, Yuusuf wuxuu dhex fadhiyaa fasalka afaraad ee dugsiga sare. Waa sannadkii ugu danbeeyay, durbana waxay dhamaysteen dhowr bilood. Kursi dheer oo alwaax aanan sifiican loo simin ka sameeysan, sadex qofoodna ay si dirqi ah ku fadhiistaan buu wuxuu ku fadhiyaa leenka dhexe safkiisa hore. Safka hore, waa booska uu kasoo fariistay fasal kasta uu soo maray. Waxay isku kursi fadhiyaan Sahal iyo Muumin. Sahal waxay wada fadhiisanayeen illaa iyo dugsiga dhexe labadii fasal oo u danbeeysay.

Muuminse sannadkaan bay is barteen, oo iskuulka dhan fasalka uugu danbeeya dugsiga sare buu kaga soo biiray. Muumin waxbarashadiisii inteedii badnayd wuxuu kusoo qaatay magaalada Beledweyne, ee gobolka Hiiraan. Nin adeerkiis ah oo u balan qaaday in uu jaamacad ka dhiibayo baa kula taliyay in uu Xamar sannadka ugu danbeeyo ku qaato si ay ugu sahlanaato in uu jaamacad fiican helo.

Yuusuf aad buu u jecelyahay in uu waqti la qaato Muumin, sababtoo ah Muumin Yuusuf wuxuu kusoo kordhiyay waayo aragnimo cusub maadaama uu magaalo kale ka yimid. Waase wadaad baashaalka, kaftanka iyo faduusha gabdhaha wacdi kaga qasa.

Macallinka dhiga taariikhada Islaamka, ayaa cashar bixinaya, wuxuu ka hadlayaa dagaaladii Asxaabta iyo gaalada. Yuusufse albaabka ayuu fiirinayaa oo casharka dhan wuu ag marayaa. Wuxuu u jeedaa dhowr gabdhood oo inta maamulaha iskuulku kasoo saaray fasalkooda, barxadda fasalada dhan hortooda ah uu dhoobay, uu ku bilaabay in gacmaha uu ka jeedaliyo.

Yuusuf wuxuu aad u eegayaa gabdhaha mid ka mid ah oo sii jeedda, oo jirkeedu ula keeday Muno. Maamuluhu gabarba mar buu gacanta taag leeyahay, oo sadex jeer jeedalka kala dhacayaa. Yuusuf ma fahansana sababta keeni karta in qof weyn loo garaaci karo, qalad kasta uu galo. Markasta uu arday la garaacayo uu arko Muumin iyo Sahal buu kala doodaa in ay qallad tahay. Maanta laakiin uma soo jeedo doodaas oo qofka la garaacayo in ay Muno tahay buu rabaa in uu hubsado.

maamulihii qoftii Muno u ekeyd ayuu soo gaaray, oo iyana markeeda uu gacanta ka jeedaliyay. Xanuunka usha ooy la boodbooday daraadeed bay Yuusuf indhihiisu wajigeeda ku dhaceen. Wuxuu hoos iska yiri “anna isidii aan ku heli lahaa baan weysanahay, oo aduunkoo dhan iyadaa igula qurxoon, nin meeshaan ahna meel meeshaan ah buu tumayaa!”.

Waa markii ugu horeysay uu Muno arko tan iyo Jimcihii markii uu ka codsaday in ay go’aan kasoo gaarto xiriir ay wada yeeshaan. Intii tumistu ay socotay buu inta istaagay fasalka gadaal ka fadhiistay, si aysan iyadu u arag ceebna u dareemin.

Gambaleelkii ugu danbeeyay baa dhacay, ardaydii oo dhanna sidii caano buux dhaafay bay halmar iyagoo dhar cadcad barxadda iskuulka soo harqiyeen.

Ardada dhan waxaa u horeysa Shamso oo la moodayo in gambaleelka hortiisa ayba sii baxday. Waxay rabtaa in ay Tukaanka aabeheed uu ku iibiyo qalabka dayactirka gawaarida ay tagto inta uusan Yuusuf halkaas bas ka raacin.

Tukaanku wuxuu ku yaallaa boosteejada basaska laga raaco lafteeda oo dadku isaga ayeey hor istaagaan. Tukaanka far waaweyn baa kula qoran “Xiirane”. Ciise Timajillac aabihiis oo bidaar aad u weyn leh bay dadku u baxsheen Xiirane, markuu neynaastaas caan ku noqdayna tukaankii buu magac uga dhigtay. La yaabna ma lahan markaad tukaanka joogtid in aad aragto qof ku maahmaahaya “Timo jilicsan bidaar baa u danbeysa!”.

Shamso tukaanka inta si halhaleel ah u gashay, bay qol gadaale dharkii iskuulka inta iska saartay cabaayad iyo garbasaar juq isku soo siisay, wajigana soo dhaqatay si aanan loogu malayn in ay hadeer iskuul ka timid. Tukaanka hortiisana sheeko la gashay islaan shushumoow, bajiye iyo basbaas boosteejada ku gada.

Boosteejadu waa geed weyn oo tallaal ah hoostiis. Islaanta ka sokoow waxaa hoos dhooban gaari gacan leey meesha alaab ay xamaalaan ku gaadda. Nin ree miyyi ah oo dhulka fadhiya baa caday iibinaya. Doobi dharka lagu dhaqana tukaanka Xiirane buu ku dhaganyahay oo isna boosteejada ayuu kusoo jeedaa. Dhowr caasi iyo dhowr bas baa soo istaagtay oo dad meesha ka qaaday, hadeerse waxaa taagan bas faaruqa oo maalin kasta xiligaan isku soo aadiya, ardada si uu uga faaiideysto.

Shamso islaantana waa la sheekeysanaysaa ilna waxay ku haysaa ardayda boqolaalka ah ee jidka soo yaacaysa. Wiilasha shaararkooda cadcad baa dawaqiyay waxayna ka baqaysaa in ay Yuusuf kasoo dhex saari weyso.

Shamso islaantii waa kasoo ag kacday, dhinaca jidka oo midigta ka xiga bay waxyar u sikatay, jidkana toos u eegtay iyadoo qoorta dheereyneysa madaxana hadba dhinac u jeedineysa oo is leh “wiilku maba soo bixin miyaa?”.

Halmar bay Shamso Yuusuf ka aragtay agteeda isagoo socda oo dhowr wiil dhexda kaga jira. Waxay is tiri inta boodid islaanta sheeko la gal, Yuusuf markuu kuusoo dhawyahayna isaga la hadal. Tillaabadii ay gadaal u qaaday bay lugta ku ridatay baaldi islaantu weelasha basbaaska ay ku biyo raaciso. Lugta kala bax bay is tiri, markaas bay inta baaldigii qarka kaga istaagtay iyadoo sii kufeysa biyihii wasaqda ahaa madaxa isaga shubtay, dhulka markay ku dhacdayna carradii oo dhan wajiga kusoo qaadatay.

Aradadii dhamayd qosol iyo farataagtaag bay bilaabeen, Yusuufse inta kasoo dhex cararay buu gabadha dhacday istaajiyay, caradiina caag kulalihi ah oo biyeeysan oo meesha yiilay kaga biya raaciyay, wajigeediina aqooday markii ay ciidii ka dhaqantay.

“Shamso, see wax u jiraan abaayo, iskuulka miyaadan maanta aadin?” ayuu weydiiyay. “Waan xanuunsaday oo saaka ayaan kasoo tagay” ayay ugu jawaabtay iyadoo ceeb meel ay is geyso aqoon weysan. Inta markiiba sii jeesatay bay tukaanka aabeheed ku carartay, oo qolkii danbe usii gudubtay.

Yuusuf tukaankii buu ka daba galay, oo aabeheed oo maqalka fadhiya ku yiri “adeer Xiiirane, Shamso bal u tag oo soo arag in ay fiicantahay, banaanka ayeey ku kuftaye”, banaankana inta u baxay, bas sii dhaqaaqi raba orod ku fuulay.

Shamso, inta bac dharkeedii iskuulka kusoo aruursatay, oo dhiiqadii iska soo nadiifisay bay qolkii kasoo baxday. Aabeheed oo tukaanka kasoo baxay, oo iyada soo aaday oo “sidee tahay?” weydiiyayna iyadoon u jawaabin, oo indhaheedu gadgaduudanyihiin sidii qof ooyay qolka hortiisa kusii dardartay, oo gurigoodii toos u aaday.

Yuusuf baskii wuxuu ka dagay, isagoo farxad gooni ah ay heeyso, sababtoo ah waa Arbaco, waa maalintiii iskoolka u danbeysay, Muno ayuuna jawaab ka sugayaa, wuxuuna ku hami weynyahay in ay ka ogolaato codsigiisa.

Inta badan galabtoo kale, dharkiisa intii uu usbuucii dhamaaday oo dhan xirtay ayuu dhaqdaa. Yuusuf gurigooda, qof kasta isaga ayaa dharkiisa dhaqda, oo aabihii uma ogola in gabdhaha, iyaga laftooda wax barta, shaqo loo diro. Dharka markuu kasoo jeestana inta qubeysto ayuu hadana timaha soo jartaa, si Qamiista galinka hore shaqada u taalo oo dhan ay ahaato in dharkii shalay galab uu dhaqay uu feereysto.

Berri waa Qamiis Yuusufna hurdo fiican waa kasoo dhici la’dahay xiiso hayya dartood. Mar wuxuu soo qaataa buug si uu isugu caajisiyo, markay u shaqayn weysana, wuxuu isku dayaa in uu guriga dhexdiisa uu cabaar warwareego bal in uu daalo. Wuxuu gurigooda geedka weyn ee ku yaalla, jardiimada hoostooda ah uu mid ba mar fadhiisto, marna uu mowlaca dhex yuuraro, waxaa qabatay hurdo aad u ba’an. Qolka uu guriga ka seexdo waxaa la seexda laba wiil oo kale, oo iyagu caawa fiidkii seexday. tartiib buu usoo galay si aysan u kicin, oo sariirtiisii oo qabowday intii uu banaanka ku maqnaa seexday.

Cutubka 6aad


“Kaalay saaka ma dalqo ayaad jaraysaa maxaa saacaan ku soo kacshay?” ayeey Nuurto, oo ah shaqaalaha cidda, weydiisay Yuusuf. Nuurto waxay la yaabtay Yuusuf oo Qamiista iyo Jimcaha lagu yaqiinay in uu tobanka illaa koob iyo tobanka barqanimo hurdo ku gaaro, waxa saaka uu lasoo kallahay. Yuusufse, saakay adinkii kadib hurdo kuma laaban. Markuu labistay, oo is tirtir iyo is naashnaash iskala daalay buu xasuustay in ballantu aysan ahayn in uu Muno gurigooda uu tago.

Meel ay ku ballameen lama arko. Taleefan xattaa ma jiro ay ku ballameen in ay ku hadlaan!

Maadaamase usbuuc dhan laga joogo wuxuu go’aansaday in uu saaka waco, weydiiyana in uu xaafadooda imaan karo si ay jawaab u siiso.

Yuusuf adeerkiis Cali baa taleefanka ku hadlaya. “Adeer, taleefanka ma i siin kartaa, meel baan rabaa in aan wacdee, ilbiriqsiyo yar uun baan ku hadlayaaye” ayuu Yuusuf ka codsaday adeerkiis.

Adeer Cali oo da’ ahaan ku fil ah Yuusuf baa ku jawaabay, “aniga ma war jecli baan taleefanka u haystaa, haddii aanan u baahnayn? Naga fadhiiso meel anaga ku siinayna markaan dhamaysannee”.

“Haddii aadan adeerkey ahaan lahayn, inta saas iila hadashid nabad uma sii fadhiseen, oo saacaan dhulkaad ooli lahayd” ayuu Yuusuf ku booteeyay, koob shaah ahna jardiimada la fadhiistay. Adeer Cali oo taleefankii kusii dheeraaday buu hadba ku yiraa “war yaa Alla yaqaan oo qofkaan taleefanka nooga qaada saakay?”.

Adeer Cali 15 daqiiqo kadib ayuu bogay hadalkii, xarigii taleefanka iyo madaxiisana inta soo qaaday, Yuusuf oo koobkii shaaha ahaa ee sadexaad maraya soo ag dhigay.

Yuusuf isagoo markaan cabsi waxyar la gariiraya ayuu taleefankii wacay, 651288, lambarka Muno wuxuu ka bartay korka. Mar kasta uu taleefanka isticmaali tagana wuxuu arkaa isagoo garaacay, xataa isagoo dad kale raba in uu waco.

“Hello!” ayuu yiri taleefankii markii la qabtay.

“Hello! Yuusuf, midkaan aduunka ka doortoow” ayaa laga yiri dhinicii kale ee taleefanka.

Yuusuf farxad daraadeed wuxuu damcay in uu taleefanka inta dhigo, Xamar Jadiid orod ku tago. Inta aayar si fiican u neefqaaday buu yiri “abaayo waxaan u malaynayaa midaas macnaheedu waa jawaabtaada oo “haa” ah, soo maaha mise qalad baan wax u fahmay?

“Waa runtaa” baa taleefanka dhiniciisa kale laga yiri Yuusuf oo si fiican u dhagaysanaya markaan.

“yaah!” ayuu Yuusuf yiri isagoo raba qofka taleefanka ka dhex hadlaya in uu mar kale hadlo.

“Waryaa Yuusuf, jacayl baad la qafiifi rabtaaye” ayuu Barre taleefanka ka dhex yiri, isagoo qosol la rafanaya. Yuusuf dareen isugu darsan ceeb iyo xanaaq baa galay, isagoon hadal kale sii galinna ku yiri Barre, “iigu dhiib Muno taleefanka, eey yahow, gaalka ah”, xanaaqna la dhididay, dhaarna naftiisa ugu maray in isaga iyo Barre aysan saaxiibnimo danbe ka dhaxayn karin. Misana, wuxuu hoos iska weydiiyay, “Siday sidaas ku suurtoobaysaa haddii aan walaashiis doon doonayo?

Muno oo gurigooda ka dhex qeylyeysa, una dhawaaq iyo sawaxan eg sidii qof suuqa kusoo kululaaday buu hadalkeedii maqlay.

Wuxuu is weydiiyay, qof saakay u kallahay suuq, hadeerna isagoo daallan yimid, shaqo iyo cunto karisna ay sugeyso miyaad sheeko jacayl ah la gali kartaa hadeer, go’aanna ku gaaray in uu galabta waco.

Isagoon macsalaamayn, ayuu taleefankii ku damiyay Barre oo Muno ugu dhawaaqaya in ay taleefanka u timaaddo.

Yuusuf wuxuu ka kacay jardiinkii uu fadhiyay, ee geedka weyn ku hoos yiillay, ee uu taleefanka kula hadlayay, markaanna kaliya ogaaday in qoraxdu ay soo kululaatay. Saacaddu waa tobankii barqanimo. Inta deydka guriga dhex istaagay isagoo labisan buu is weydiiyay wuxuu qaban karo hadeer.

Hurdo kuma laaban karo oo waa barqo cad. Magaalada ma aadi karo oo wuu soo daalayaa. Boorka magaalada darteedna labiskiisa dhalaalka wuu kasoo yaraanayaa. Xamar Jadiidna ma aadi karo oo wuxuu ku aadayaa xilli la wada qadaynayo.

Qolkiisa ayuu gudaha u galay, dharkii ayuu iska soo badalay, macawuus iyo funaanad buu soo xirtay, gurigooda hortisa geed ku yaalla inta fadhiistayna raadiye iska daartay, oo isku maaweeliyay codka wariye Maxamed Shiil oo si habsami leh uga soo jeedinaya barnaamij saynis ah idaacadda HornAfrik ee magaalada Muqdisho.


LA SOCO QEYBTA 6AAD

Aragtidaada ka dhiibo