U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 31aad

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Yuusuf iyo Adeer Cali inkastoo ay xilli hore Malaysiya yimaadeen, hadana guryihii ardayda loogu talo galay waa ka buuxsameen. Maadaama lacagtii jaamacadda ay dhiibeen, guri sadex qol iyo fadhi ah oonan ka mid ahayn guryaha ardayda loogu talo galay baa isla qiimaha ardada kale laga qaaday lagu siiyay.

Labadooda midba qol buu camirtay. Sariiraha, katabaanada, iyo armaajooyinka ka sokow waxaa mid walba qolkiisa u yaalla miisas iyo kuraas ay wax ku aqristaan.

Qolka fadhiga markii la fiirsho lama moodo guri ay laba wiil oo kaligood ahi daganyihiin, ee in ay saaka laba gabdhood oo xaas ah ay ka tooseen baa loogu dhaaranayaa.

Fadhiga waxay dhigteen saalooto ka kooban kursi sadex qaad ah, mid laba qaad ah, iyo mid hal qaad ah. Miis dhalo ah baa kuraasta dhex yaalla, telefishankuna wuu horyaallaa. Salootada sadex qaadka ah waxaa labadeeda dhinac yaalla laba miis oo yar yar. Inta badan miisaskaas waxaa saaran buugaag aqris uu ku socdo. Darbiga Qolka fadhiga waxaa ku dhagan dhowr sawir oo magaalada Xamar ah xilligii sideetamaadkii.

Albaabka hore markii guriga laga soo galo, oo fadhiga loosoo gudbo waxaa kaa hor imaanaysa maktabad yar oo toban iskifaallo oo is kor saaran ka samaysan. Buugaagta saaran tiradooda markii la arko waxaa la moodaa in ay Yuusuf iyo Cali muddo gurigaan daganaayeen. Laakiin, labadooda buugaag jecli iyo magaalada Xamar oo helidda buugaagta ku dhibanayd darteed bay usbuuc kasta tukaamada buugaagta lagu gado kasoo gataan wixii buug ah ooy hadba kasoo helaan.


Magaalada sahal bay kula qabsadeen oo Ingiriisigii ay biribaatiyadii Xamar kasoo barteen baa aad u anfacay. Labadii maalmood oo hore shaki baaba ka galay in luuqadda ay soo barteen ay sax tahay, markii waxa ay sheegayaana la fahmi waayay, iyaguna dadku waxa ay sheegayaan ay garan waayeen. Wax yar kadibse waxaa u cadaatay in aqoontooda luuqadeed ay fiicantahay, oo ay boor ka qaadid yar u baahnayd kaliya. Maanta iyagaaba ardada cusub iyo dadka magaalada danaha ka leh caawiya oo safaaradaha iyo xarumaha kale ee dowladda u turjuma.

Maalmahoodu waa u kala qaybsanyihiin. Shan beri jaamacadda, oonan ka fogayn, bay aadaan. Jimcaha masaajid jaamacadda ku dhex yaalla bay khudbada ku tukadaan hadana fasaladooda isaga laabtaan. Sabti iyo Axaddana wax akhris, iyo magaalo soo kala barasho bay ku mashquulaan.

Yuusuf cilmiga dhaqaalaha buu bartaa, halka Adeer Cali uu sharciyada caalamiga ka barto.

Nolol isku dheeli tiran, oo jihaysan bay samaysteen, waxbarashadana si fiican bay ula qabsadeen, ugana heleen.

Waa markii ugu horay oo labadooduba ay Soomaaliya ka baxaan. Waxay aad ula yaabaan horumarka iyo quruxda magaalada Kuwala Lambuur. Jidadkeeda iyo dhismayaasheeda baa aad u cajab galiyay. Maqaaxiyadeeda iyo biibitooyinkeeda qaxwada laga cabo baa aad usoo jiitay oo iska jecelyihiin in ay wax kusoo aqristaan.

Markii ay arkaan sida dowladda Malaysiya ay u shaqaynayso, iyo sida xushmadda leh oo mucaaradkeeda iyo muxaafidkeeduba ay u doodayaan, wadankooda dhisnaantiisana ay uga wada go’antahay bay hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya soo xasuustaan, habaarna huwiyaan. Maadaama tuug kasta reerkiisu ay ilaalinayaan, wax kasta uu geeystana xaal mastuur Soomaaliyeed lagu xalinayo bay danbigoo dhan qabyaaladda dusha ka saaraan, oo isku raacaan in Soomaaliya ay qabyaaladi la hartay.

Adeer Cali asxaab badan buu durbaba yeeshay, halka Yuusuf uusan maskax u hayn la qosolka dad cusub. Dhowr wiil oo gal gal badan, aadna u fur furan baa qasab Yuusuf isku bartay. Inta badan waxay jecelyihiin in ay soo wareejiyaan magaalada, isaguna markuu cabaar la joogo buu kaftankooda inta ku iloobo culayskii haystay bilaabaa in uu daldalmo, oo kaftankii iyo bashaashnimadii lagu yaqiinay lasoo baxaa. Mar mar wuxuu ku shakiyaa in Adeer Cali uu isagu nimankaan kasoo adeejiyay si ay u maaweeliyaan. Hadana wuu ku farxaa oo ku mahdiyaa in uu helay saaxiibo farxadiisa jecel. Isagoo is qasbaya, ogna muhiimadda ay leedahay la cawaynta bulshada buu raacaa oo lasoo qaxweeyaa.

Waa Arbaco Adeer Cali maantoo kale galab dheer bay casharadu usoo dhamaadaan. Maantoo kale kaligiis buu guriga wax isaga aqristaa, wixii dhar ah oo ka wasaq ahna dhaqdaa. Hadduu waqti usoo harana cuntadii labada maalmood ee soo socota la cuni lahaa buu diyaariyaa.

Yuusuf casarka kadib buu fasal galaa oo saacad iyo bar kadib kasoo baxaa. Saakoo kalana xilli hore buu galaa oo waa maalinka uu usbuuca u necebyahay. Tobanka subaxnimo illaa iyo casarkii wax fasal ah malahan, oo maktabadda jaamacadda buu wax ku aqristaa.

Intuu casharku u socday buu maqlayay gugac aad u qeylo badan oo hadba cirka is qabsanaya. Xiligii Monsuunka oo daahay baa wadanka xareed meel kasta waray. Fasalkiisii markuu usoo dhamaaday buu toos gurigii usoo abaaray si uusan meel cidla ah, inta roob ku helo, ugu jid go’in.

Jaamacadda iyo gurigu ma kala foga, oo guryaha ardayda oo jaamacadda dhisme ahaan ku xiga buu gurigoodu kusii dhaganyahay. Intuusan gurigii soo gaarin buu roob uusan weligiis arkin, oo xoog intuu ka qabo dadku ay socon la’yihiin la kulmay. Waa galab dheer oo xiligaan oo kale qoraxdu waa soo jeedi jirtay, laakiin daruuro roob irmaan oo cirka badankiis ku gadaaman baa hawadii mugdi ka dhigay. Dabaysha socota xoogeeda biyaha roobka bay dadka, sidii in lagu shabinayo, ku dharbaaxaysaa, mararka qaarna dadka tabarta daran waa kufin tagaysaa.

Yuusuf isagoo durbaba qoyay, shaar cad uu xirnaana garankuu hoos ka watay looga dhex jeedo buu hadba darbi isku aadinayaa, oo gawaarida laamiga maraysa iska ilaalinayaa in ay biyo kusoo sayriyaan. Si dabaysha socota aysan qabow u galin buu boorsada iskuulka madaxa saartay oo roobkii isaga dhigayaa.

Roobku waa sii xoogaysanayaa, qeylada gugucu waa soo dhawaanaysaa oo sii kordhaysaa. Tukaamada laamiga ku tixan xoogooda waa la xirxiray, kuwii horay talada dowladda u qaatayna maanta lamaba furin.

Markii ay sidaan oo kale cimilada awgeed uu jawigu mugdi u yahay, Yuusuf aad buu u murugoodaa. Dhibkii Muno ka raacay buu sidii filimkii madaxiisa kaga soo ceshtaa, oo cidlada haysaa sii toban jibaaranta. Reerkiisii, gaar ahaan, waxaa la yaab leh, walaalkiis Hanad buu aad ugu xiisay. Malaha, maadaama uu Hanad yaraa, qaadistiisii, shushumiskiisii iyo carcarafsigiisii buu u xiisay.

Roobkii duufaan cabsi leh buu la yimid. Yuusuf waa dhaqaaqi waayay. Intuu sugayay in roobku kala yaraado bay maskaxdiisii xusuus la fooftay. Hoteel Shaamoow buu dhex tagay oo laba usbuuc ka hor Adeer Cali iyo Muraayo ay ku aqal galeen. Waa markii ugu danbaysay ay saaxiibkiis Barre is arkaan.

Maalinkaas Barre arooska markuu kasoo qeyb galayba, intuusan sidii lagu yaqiinay qaadumayn galin, buu Yuusuf bilaabay in uu gees kasta ka eego. Markuu helay isagoo hooyadiis kushiinka la ag taagan buu inta gees ula baxay u sheegay sida uu uga xunyahay dhibka soo gaaray. Wuxuu aad uga dhaadhiciyay in isaga awoodiisa ay ka weyntahay go’aanka aabihiis iyo kan walaashiisba. Wuxuu u sheegay in uu dhowr jeer Muno kala hadlay in aysan ka bixin balankii ay Yuusuf la gashay, laakiin Muno lafteeda aysan waxba awoodin, oo haddii iyada taladeedu soconayso Taleex kama soo tagteen, ama markii horeba in ay ku dhuumato uma baahateen.

Wuxuu is dareemay isagoo qoyaankii roobka illin ku daray markuu xasuustay xanuunka wajiga saaxiibkiis Barre ka muuqday. Wuxuu ogyahay in nasiib xumo ay ku dhacday maahane, uusan isagu dadaal yaraysan. Mar uu cabaar meeshiisii dhakanayay, roob yaraanayana uusan u jeedin buu isagoo ordaya, marna dadaalaya jidkii kusoo dhacay.

Yuusuf wuxuu is istaago, marna simbiririxantago, gurigoodii buu soo galay isagoo wada difqaya, madaxuna dabeeshii kusoo dhacday la xanuunayo.

Isagoon meel kale ku leexan buu qolkiisii u gudbay si uu dharkaan qoyan isaga soo badalo. Albaabka qolkiisa uu furayba Muno baa sariirtiisii dul fadhisa.


LA SOCO QEYBTA 32AAD

W/Qorey: Burhaan Burhaan