U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 29aad

Arimaha Bulshada SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Muno iyada wiilka la siinayo lagalama hadlayo oo aabeheed isagaa taladeeda la wareegay. Inkastoo Jaamac Sandhool gabar la soo doonto oo la bixiyo uu waligiis doorbidi jiray, hadana xiligii uu Muqdisho iskuulka sare ka galay buu qaatay fikir cusub oo ah in gabadhii si edeb leh wiil ay rabto u keensato, la siiyo.

Inkastuu caruurtiisa u doorbidi jiray in ay lamaane beeshooda ah keensadaan, hadana haddii beelaha kale ee u dhaw dhaw qof ah ay la yimaadaan wuu u ogolaan jiray, taas oo keeni jirtay in odayaasha beeshiisa ah ay isaga ku dacaayadeeyaan in uu yahay nin dhaqankii ka tagay. “Xiligaan hadeer la joogo dad lama qasbi karo” buu isku difaaci jiray oo odayaasha ku oran jiray.

Muno arinteedii baa Jaamac Sandhool dhawaan oday dhaqameed ka dhigtay, isagoo waayahaan danbe qiran jiray in odayaashu ay ka saxnaayeen.

Mukhtaar waxaa loo sheegay in xiliga meherka laga dhigayo ay isaga ku xirantahay, isaguna wuxuu u sheegay odayaasha in arimo ka kala xayiran uusoo xalisan doono sida ugu dhaqsaha badanna uu ula soo xiriiri doono.

Mukhtaar laba labayn baa Alle u keenay. Wuxuu ka baqayaa in gabadhaan Alle uu lasoo doontay ay sahal ku dhaafto. Mar wuxuu damcaa in uu Xamar inta tako, oo gabadha soo mehersado isla maalinkiiba uu iska soo laabto, laakiin markab in uu dekedda Dubaay kasoo baxo loo diidanyahay arimo canshuureed dartood buu ka baqayaa in hadduu ka tago ganaaxu kusii bato. Markii danbe wuxuu goostay in uu arinka markabka xaliyo maadaama gabadhii in la siiyay ay u egtahay.


Muddo laba bilood sii cagacagaynaysa buu Yuusuf weysanyahay arageeda gabadhii uu gabdhoo dhan ka calmaday. Ma maqna, Kamana dhuuman, ee dadbaa shaqo ka dhigtay kala qarintooda.

Iskuulka isagu awalba ma ahayn dhalinyarada barxadiisa fadhiisata, ee gabdhaha isha la raacda. Hadduu hadeer barxadda soo fadhiisan lahaana iyadaan bareeggii fasalka kasoo bixin. Wixii sambuus iyo bajiye ah ooy u baahantahay saaxiibadeed baa fasalka ugu dhex geeya. Markii gambaleelka ugu danbeeya uu dhoco sida ardada kale sooma dagdagtee fasalkeeda bay ku nagaadaa, oo heshiiska ay la gashay Xaseey si uusan dadka dhexdooda ugu jiid jiidin baa sidaas ah. Markii uu iskuulku firaaqoobo bay inta soo baxdo gaari yar oo guri iskuulka kasoo horjeeda harkiisa u yaalla gurigeeda lagu geeyaa.

Inkastoo imtixaanaadkii ay soo dhawyihiin, aadna ay muhiim u tahay in sannadkaan iskuulka u danbeeya buundoyin fiican la helaa si jaamacad qiimo leh loo helo, Yuusuf wuu seegseegayaa oo Muno baadigoobkeeda iyo arinkeeda baa madaxiisa mashquul ku haya.

Wax aqriska uu ka habsaamayo iyo Muno maqnaashaheedu waa laba xanuun oo midkii uu xasuustaaba uu damqinayo. Wadna xanuunkiisu dhamaad malahan, oo labadaan xanuun baa isu bedbedalaya.


Waayahaan danbe wuxuu caadaystay in uu Barre u yimaado markuu firaaqo yar helaba. Wuxuu ku hami weyn yahay in uu Muno oo tukaanka adeeg kasoo doontay ay iska soo hor baxaan. Maqribka kadib fiid kasta buu isagoo niyad jabsan inta buugaagtiisii uu tukaanka ku aqrisanayay aruursado iska hoyaadaa isagoon Muno il saarin.

Tukaanka Barre iyo guriga Yuusuf basku wuxuu u dhaxeeyaa, hadduusan jidku xareed waran la xirnayn, in ka yar labaatan daqiiqo. Sida caadiga ah dhib kuma qabo jidkaas iyo baska uu saaranyahay, laakiin markuu tukaanka Barre kasoo laabto isagoon Muno soo arkin, wuu dhibsadaa dadka baska saaran sheekadooda. Eray kasta oo afkooda kasoo baxa maalaayacni bay ula ektahay. “Iyagoon nacnaclayn gurigooda armay tagi karaan?” buu isi su’aalaa. “Miyaysan shaqo kusoo daalin, waa ayagaan sidii hadeer in ay hurdo kasoo tooseen iskula daldalmayee!” buu uurka iska yiri iyadoo oday uu waji garanayo uu baska soo fuulayo.

Odaygu waa nin ay dhowr jeer bas isla raaceen, oo dadka fadhi ku dirirka ku fiican, jecelna ah. Markuu ogaaday in ninka baska isagoo kirishbooyga erayeynaya soo fuulaya uu yahay odagii nacaybka Madaxweyne Cabdiqaasim ku qafiifay buu damcay in uu baska ka dago. Wuxuu ogyahay in uusan u dulqaadan karin dhagaysiga fadhi ku dirir meel uu u socdo aanan la garanayn. Laakiin in uu iska saarnaado wuu ku qasbanyahay oo lacagba inta uu kirishbooyga u dhiibay buu ka watay.

Inta albaabka kasoo sikaday, oo kursi darawalka agtiisa ka banaanaaday u tilaabsaday buu buug uu ku madadaasho lasoo baxay. Intuusan baalkuu islahaa aqriso soo rogin buu maqlay “maxaa tiri aa?” odagii oo hadal ku bilawday. Cid su’aal weydiisay malahan, laakiin su’aashaas hadalkuu ku furfurtaa si uusan ugu ekaan nin sheeko aanan lala hayn dhexda kaga dhacay. Odagu cid su’aashaas qiyaanada ah uga jawaabto ma waayo. Mid kursiga ka danbeeya fadhiya baa ku jawaabay “moogiye, maxaad tiri?”. Odagii waa siduu rabaye hawshiisii buu la kala baxay.

“Waryaa toban sano buu wadanku burbursanyahay, markii aan is lahayn madaxweyne aduunku aqoonsanyahay baad hesheen buu sidii wadaadadii gardheereyaasha ahaa xanaaqsanyahay, oo gaaladii u naqsanayaa, oo markuu afka kala furaba Itoobiya canbaaraynayaa. Bal maa is debciyo, oo qolo kasta iskala camirto inta wadankiisu ka hagaagayo”

Isagoo hadalkiisii sii wata buu yiri “hadduu naag gaala ah oo salaan usoo taagtay ka diidayo, bal muxuu markii hore isku sharaxay? Sidee rabaa in uu wadan dhan ku hogaamiyo, oo shirar caalami ah uga qeyb galo hadduu sidii Wahaabiyadii salaanta la xishoonayo?”

In Madaxweyne Cabdiqaasim uu naag gaalo ah oo salaan usoo taagtay ka diiday waa xan faaftay oo cid cadayn u haysa aysan jirin. Waxayna noqotay qodob lagu duro madaweynaha iyagoo dadka kasoo horjeeda ay ka dhiganayaan fursad ay kula dacaayadeeyaan wadaadnimo isaga lagu xanto.

Yuusuf isagoo madaxu qarxi rabo, labada nin doodoodana si kasta uu yeelay uu iska dhagatiri weysan yahay baa Albaraka lasoo gaaray. Sidii qof biyo hoostood qasab loogu hayay, oo neeftu ku yartahay buu isagoo ganmaya baskii kasoo degay, oo gurigoodii qabtay isagoo weli isla hadlaya.


Ciise Timajilic wuxuu maqlay in Yuusuf uu waayahaan danbe, Barre galab kasta u yimaado. Wuxuu maqlay in uu casharada Barre la aqristo. Ciise aad buu u danaynayaa in uu Yuusuf la kulmo ,una sheego sida uu uga xunyahay waxa labadooda dhex maray. Saaxiibkiis Yuusuf aad buu ugu xiisay, in sidii hore ooy isku ahaan jireen isku ahaadaan buu rabi lahaa. Ciise waayihii danbe oo dhan, aabihiis baa qasbayay maahane, isagu Muno calooshiisa wuu ka jaray. Midaas buuna rabaa in uu hadduu Yuusuf mar arki lahaa ka dhaadhiciyo.

Gurigoodii buu afartii galabnimo kasoo dhaqaaqay isagoo sidii nin iskuul u socda qaar ka mid ah buugaagtiisii xambaarsan. Barre buu albaabka kaga soo galay oo tukaankii inta nadiifiyay raba in uu carro uu kasoo xaaqay banaanka ku daadiyo.

Barre markiiba wuu dareemay in uu Ciise galabta Yuusuf gaadayo. Barre ma doonayo in uu Ciise la kulmo Yuusuf waayo wuxuu ogyahay dhibka hadeer Yuusuf haysta. Wuxuu kaloo is leeyahay Ciise aragiisu Yuusuf dhibkii isaga iyo Ree Xiirane soo dhex maray bay soo xasuusin doontaa xilli imtixaanaadku ay soo dhawyihiin.

Barre tukaankii markuu kusoo laabtay buu Ciise shaah uga dirsaday biibitada Mako ee isaga ku dhagan. Intii uu baakad uu qashin ku qaaday banaanka ku jafayay buu u jeeday Mako oo jalmad dabka u saaran qorfe iyo hayl u tumanaysa. Wuxuu is leeyahay inta ay jalmadda dejinayso Ciise hakaa mashquuliso. Markuu Ciise albaabka ka degay buu Yuusuf gurigoodii ka wacay. Takeefankii waxaa qabtay Yuusuf oonan galabta soo socon, kuna talo galsan in uu labada beri ee soo socota si xoog leh qolkiisa oo hoosta uga xiran wax ugu aqristo.

“War waqti ma hayee, i dhagayso. Ciisaa jooga, oo in uu ku arko raba” buu Barre warkii ku furfurtay.
“Muxuu iga rabaa balaayadu?” buu Yuusuf lasoo booday.
“In uu malaha kula heshiiyo buu rabaa” buu Barre ku qaboojiyay, una sheegay in uusan soo bixin. Yuusuf oonan awalba galabta soo socon baa Barre u sheegay in uusan sadexdaan berri soo socon.

Yuusuf taleefanka wuxuu qolkiisa usoo gashtay in uu Barre waco oo uu u sheego arin kusoo siyaaday xalay.

“Saaxiib Barroow in aan kusoo waco baanba rabay..” markuu intaa yiri buu Barre dafay oo yiri Ciisaa hadeer soo laaban rabee aan kusoo waco markuu iga tago”, Yuusufna waa aqbalay oo wax aqriskiisii isaga laabtay.


Yuusuf xalay markuu Xamar Jadiid kasoo laabtay buu kasoo dul dhacay aabihiis iyo Adeer Cali oo salli ku wada fadhiya, sidii dad arin muhiim ah ka hadlayana inta isku soo dhawaaday hadal aad u cod gaaban la nux nux leh. Aabe Warfaa Cumar isagoo lugi u laabantahay, lugta kalena ay taagantahay bay gacan uu tusbax ka laalaadinayo jilibka taagan u kor saarantahay. Cali sal muggii buu u fadhiya oo labada lugoodba waa u laabanyihiin. Hoos buu eegaya oo warka dhuuxayaa.

Yuusuf markuu soo galay baa aabihiis oonan warkii uu ku dhex jiray joojin gacanta ugu yeeray, oo markuu soo ag istaagay saligii laba jeer dhankiisa midig dharbaaxay si uu halka uu dharbaaxayo Yuusuf u fadhiisto.

Yuusuf iyo Cali waxaa loo sheegay in iskuulku markuu dhamaado ay jaamacad Malaysiya ka gali doonaan. Aabe Warfaa wuxuu labada wiil u sheegay in Jaamacad aad u wanaagsan, oo Jaamacadda Banaadir ee isagu uu macalinka ka yahay xiriir la leh, ay ka balanqaaday in deeq waxbarasho ay laba qofood u siinayso. Wuxuu u sheegay Cali iyo Yuusuf in ay imtixaanaadka ku dadaalaan si ay dhibco wanaagsan u helaan. Arinkaan baa ku sababay in Yuusuf uu gurigooda iska joogo, si xoog lehna uu wax u aqristo, isagoo niyadiisa, isku dayaya, in uu arinka Muno ka saaro.

Adeer Cali isagoo ka faaiidaysanaya fadhigaan buu walaalkiis Warfaa Cumar mahadcelin kadib u sheegay in ay gabar aad u wanaagsan wada socdaan, maadaama uu baxayana uu doorbidayo in gabadhaas loo doono, laguna nikaaxo.

Cali intuu hadlayo Yuusuf waxaa madaxiisa dhex ordaya fekerro ayka mid yihiin “ar Adeer Cali maxaa baddaas galiyay, armaa jaamacadda loo diidaa. Adeer Cali geesisanaa! Bal arag wuxuu aabe u sheegayo. Alla aabe armuu caawa nagu xanaaqaa!”. Intaasba ma dhicine, Warfaa oo dhoola cadaynaya baa Cali u hambalyeeyay, kana ballan qaaday in uu gabadhaas u doonayo markay imtixaanaadku dhamaadaan.

Yuusuf markuu intaas arkay bay inta geesinimo yari gashay damcay in uu isna aabihiis Muno in uu u doono weydiisto. Hadana, isla isagii baa is weydiiday “horta Muno halaguu doonee, meel maku sheegtaa, mase laguu ogolyahay?”.


Barre markuu taleefankii kusoo celiyay buu Yuusuf sheegay in uu Malaysiya jaamacad u aadi doono imtixaanaadka kadib. Barre waa u hambalyeeyay saaxiibkiis, kana codsaday in ay Qamiista is arkaan si ay u dabaal dagaan.

Barre saaxiibkiis fursadda soo martay aad buu ugu faraxsanyahay. Isagu horay buu qorshe u samaystay. Intuu shaqaynayay lacag uu aruursaday, iyo kuwo uu hanti kale gashtay, buu rabaa markuu iskuulku dhamaado in uu inta isku wada duwdo, tukaankana nin uu horay ula heshiiyay ka iibiyo uu ganacsi Nayroobi iyo Hoonkoon ka bilaabo. Barre mar hore buuba rabay in uu ganacsi iska galo, laakiin aabihiis baa ka diiday in uu ganacsi bilaabo isagoon dugsi sare dhamayn.

Caawa markuu soo rawaxay buu inta soo qubaystay, oo dharkii iska soo badalay qolkii Muno toos u aaday. Cabaar markuu la sheekaystay, kana qosliyay buu u sheegay in Yuusuf uu Malaysiya u socdo oo uu halkaas waxbarasho jaamacadeed ka helay. Barre sheekadii Muno waa u dhameeyay, wuxuuna la yaabanyahay sida aysan wax dareen ah u muujinayn. In ay ka naxday iyo in ay ku faraxday Yuusuf jaamacadiisa lama kala garanayo. Barre mar uu cabaar Muno eegayay buu qolkiisii iska aaday isagoo walaashiis waxay damacsantahay fahmi weysan.

Muno mar ay is leedahay Barre qolkiisii buu galay bay inta soo degtay aabeheed u timid. Iyadoo qof culays ka dhacay u eg, oo aad u faraxsan bay aabeheed ku tiri “hambalyo aabe!”. Aabeheed wuxuu hayay inta joojiyay, oo iyadii soo fadhiiso yiri buu weydiiyay hambalyadu waxa ay ku saabsantahay. Muno waxay aabeheed iyo hooyadeed oo markaan soo ag istaagtay u sheegtay in ay aqbashay wiilka la siiyay. Waxay codsatay in iyada iyo wiilka la isla hadashiiyo si ay sifiican isugu bartaan.

Jaamac Sandhool farxad buu meel uu is geeyo waayay, una mahad celiyay gabadhiisa. Markiiba Mukhtaar buu wacay oo Muno u dhiibay. Muno sidii in wiilka iyo iyada ay horay sheeko uga dhaxaysay bay qosol iyo kaftan la gashay, oo Mukhtaar in ay ku camirato bilawday. Waxay ku dacaayadaynaysaa in gabar loo doono maahane uusan isagu ku dhicin in uu kartidiisa wax ku shukaansado. Mukhtaar oo farxadda haysa aanan hadalada Muno kala jeclayn baa sheekadeeda iska dhagaysanaya oo “waa runtaa ku haya”.

Jaamac Sandhool markii ay Muno inta taleefankii dhigtay qolkeedii ku laabatay buu inta go’iisii shaalka ahaa garabka saartay, albaabka ka degay, oo Ree Guure Beyle u galay. In uu farxadda ay Muno caawa soo hoysay uu Guure la wadaagayo waxaa lagu garanayaa odayaasha guuxa qosolkooda baa guriga Ree Jaamac Sandhool soo gaaraya.

Xaseey oo malaha soo wad wata baa hooyadiis agteeda kala qeyliyay “yaa odaga baqtigaa naga aamusiya?”.
“Waryaa ma aabahaa baad oday baqtiya leedahay?” bay hooyo Cibaado Dhuunkaal iyadoo aad ula yaaban, kana niyad jabsan Xaseey weydiisay.
“Aabe kama hadlayee, odagaas Guuraa oo gaalka ah baan ka hadlayaa” buu ku jawaabay isagoo markaan kasii daray, xanaaquna uu si muuqdo wajigiisa u saar saaranyahay.


LA SOCO QEYBTA 29AAD

W/Qorey: Burhaan Burhaan