U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 28aad

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Hooyo Cibaado iyo aabe Jaamac hal mar bay gaarigii kasoo wada dageen oo cagaha dhulka wada dhigeen. Hooyo Cibaado albaabkii gaariga markiiba waa xirtay halka aabe Jaamac uu albaabkii oo furan Muno dhankeedii soo aaday.

Muno inta soo haaday oo dhowrkii mitir ee gaariga iyo halka ay taagantahay u dhaxeeyay laba tilaabo ka dhigtay hooyadeed isku duubtay. Intaas ay hoooyadeed salaamayso waa ooyaysaa oo garbasaarkii hooyadeed qooyneysaa. Xiiso ay u qabto kaliya maahane, markii ay hooyadeed u jeeday bay korkeeda ka dareentay nabaadguur, wajigeedana daal iyo dhafar. Waxaa markiiba soo hor istaagay waalidkeed oo waayay daryeelkii iyo luga u riixriixiddii ay iyada ku haysteen, maqnaanteeda welwelka uu galiyayna ku hurdo seegay.

Hooyadeed bay ka fuqday oo aabeheed hab sii is tiri. Markiiba inta iska qabtay buu isagoon ju’ u oran albaabkii furnaa ee gaariga gacanta ugu fiiqay.

Muno markiiba waa dareentay in ay gaariga fuusho in uu odagu rabo, oo xanuunka halgaadda ah ee xabadka ka qabsaday baa taas tusiyay, laakiin waxaysan ogayn waxa uu ka damacsanyahay haddii ay raacdo.

Barre oo qof baxsan u eg iyo Yuusuf oo wuxuu sameeyo garan la’, wuxuu samayn karana aysan jirin baa hal dhinac taagan. Hooyo Cibaado oo u eg in ay la yaabantahay Munada aabeheed halka uu u tilmaamayo aanan u dhaqaaqayn baa kaligeed dhanka kale taagan.

Muno waligeed aabeheed war kuma soo celin, wuxuu u dirana orod bay ku doontaa, laakiin dhibkii ay soo martay iyadoo og, arinka ku dhici doonana aanan ogayn haddii gurigii lagu laabto, baa amakaag iyo ashqaraar iyadoo afku iskiis u balaqmay aabeheed ag taagan.

Hoos bay waxay iska leedahay “walba aabe gaariga fuul afkiisa ha iga yiraahdo, gaari dhib ii horseedi kara seenyaalayn kaligeed kuma fuuli karee”.

Cabaar mar qofba qofka kale uu eegayo, cid talo haysana aysan jirin, hooyo Cibaadana in ay dadka soo kala dhexgasho diidantahay bay Muno gaarigii fuushay.

Barre inta Yuusuf il naxariis leh ku eegay buu gaarigii iska fuulay isagoon waxba oran. Hooyo Cibaado kol hore bayba gaarigii fuushay oo waxaa hadeer dhulka taagan aabe Jaamac oo sidii raacdo reebtadii digtoon, iyo Yuusuf oo wajigii inta ka fiiqmay ceeb iyo ciil raba markuu gaarigu dhaqaaqo in uu boohin afka labadii yeero.

Jaamac Sandhool markuu qof kasta gaarigii ku hubsaday buu isna aayar fuulay. Yuusuf oo wali meeshiisii taagan bay bartiireeyeen oo gabadhii dhowrka bilood la qarinayay la mirqeen.

Fatxi shaqo yar oo guriga ka dhinnayd bay sii dhamaystiraysaa oo rabtaa inta aysan ree Jaamac Sandhool imaan in ay guriga nal iyo nuur ka dhigto. War uma hayso hoogga iyo ba’a banaanka ka dhacay. Mar ay gurigii dhamaystirtay wax imaanayana aysan u jeedin bay deydka guriga usoo baxday iyadoo is leh banaanka Muno ugu tag. Deydka ay soo galaysaba waxaa ganjeelka kasoo galay Yuusuf oo si u qamandhacaysan haddii ay sii fiirisayna indhuhu gadgaduudanyihiin. Fatxi oo la qaylin rabta “yaa dhintay?” buu cod googo’aya si hoose ugu yiri “Muno waala watay” iyadoo illin iskeed isku xilqaantay ay wajigiisii oo weli qoyan si sahlan ugu dareereyso.

Fatxi inta soo oroday bay wiilkii hab siisay, una sheegtay in ay wax walba hagaagayaan. Fatxi maadaama arinta Muno iyo Yuusuf ay si hoose ula socotay aad bay uga naxday in Muno la waday, oo iyada lafteeda baa oohini kasoo dhawdahay, Laakiin Yuusuf in ay caawiso oo u noqoto qof qalbiga u dajiya bay isku celinaysaa.

Wiilkii inta fadhigii Ree Jaamac Sandhool loo diyaariyay geeysay, oo cabitaan qabow u geysay bay qorshayaal ay madaxeeda ka dhex heshay intii ay cabitaankii diyaarinaysay midba mar usoo bandhigtay.

Yuusuf markuu Fatxi qorshayaashii ay usoo bandhigtay wada dhagaystay, mid u cuntantana ka waayay buu inta gadaal kursigii uu ku fadhiyay ugu sii fadhiistay cirka dayay isagoo xanuun badani wajigiisa ka muuqdo.


Dareenka calool xumada, xanaaqqa iyo cabsida isugu jira ee Yuusuf haya wuxuu madaxiisa ku dhaliyay fikrado laftoodu cabsi leh. “Aduunkaan joogistiisu qiimo malahan” iyo “maxaa la isku daalinayaa haddii welwel kaliya uu kuu danbaynayo mar kasta” fikirro ay ka mid yihiin baa madaxiisa ka dhex guuxaya. Dareemada lagdamaya ee madaxa Yuusuf dhex sabaynaya waxay noloshiisa iyo hareerihiisa ula ekeeyeen nolol qiyaali ah oo marka dambe micno darro isaga dhamaan doonta.

Fatxi markii ay aamusin weysay, wax kasta ooy u sheegtayna uu in uu oohin ka sii qaado maahane uusan ku qaboobayn bay inta tagsi u wacday reerkoodii u dirtay. Gurigooda markuu tagsigii uga dagay buu isagoon cidna eegayn, indhihiisa oohinta la barbararay in la arkana diidan qolkiisii toos si xawaare sareeya ah ugu abaaray.

Sariirtiisii oo dhowr marood saaranyihiin buu isagoon iska wareejin isku dul tuuray. Labadiisa lugood oo weli jambalkoodii xiran bay midna sariirta saarantahay midda kalena laalaadaa. Shaatigiisii, sida dhaqankiisu noqday, inta iska siibay si uusan uga jactadin katabaanka ma surane sariirta buu la dul saaranyahay. Hadba fikir hor leh buu galaa. Fikir kasta iyo talo kastana niyad jab buu kusoo gaba gabeeyaa. Oohinta indhiisa isagoon ka warqabin ka qubanaysa barkintiisii iyo daankiisii bay koolo isaga dhigtay.

Wax uu sameeyo iyo meel uu arin ka bilaabo ma garanayo. Talo waxaa ugu soo dhaw in uu aabihiis ku ag ooyo. In Muno uu u doonana uu ka codsado laakiin weli bisayl iyo karti midaas uu aabihiis ugula tagi karo ma hayo.


Gaariga inta laasaranyahay cid cid la hadlaysaahi ma jirto. Dhawaaqa kaliya ee la maqlayo waa dadka neefqaadkooda iyo taaha Muno oohinteeda. Barre oo dhowr jeer isku dayay in uu walaashiis aamusiyo baa iska daayay markuu eraygii afkiisa kasoo baxaba gabadha uga sii darayo.

Gurigoodii bay ku laabteen oo deriskoo dhami sidii in tuug lasoo qabtay ay daawanayaan hor tubanyihiin. Qof kasta wuxuu rabaa in uu mar isha saaro sida ay Muno usoo ekaatay maadaama ay mudo reerkii ka maqnayd.

Dhowr gabdhood oo deriska ahaa, Munana si uun u necbaa, kana aaminsanaa in ay isla weyntahay baa si xiisadi gaar ihi ka muuqato dadka hadba iska hor wareejinaya oo guriga Muno albaabkiisa usoo dhawaanaya. Indhaha ayay saareen Muno oo inta gaarigii kasoo degtay oohin indhaheeda ka qoyan maahane la moodo in ay sidii hore wax badan ka qurux badantahay. Iyagoo sidii in ay imtixaan ku dhaceen u ciishoon, mid mid la hadlaysana aanay jirin guryahoodii isaga laabteen.

Jaamac Sandhool markii buuqii dadka laga soo dhex baxay oo gurigii lasoo galay, buu Muno ku amray in ay fadhiga guriga tagto. Iyana iyadoon meel kale eegin bay qolkii loo tilmaamay abaartay.

Jaamac Sandhool xanaaqa ka muuqda waxaa u wehliya niyad jab uu ka muujinayo dhaqanka gabadhiisa. Dabeecadiisu xanaaq uma bixin, caruurtiisana waligiis ma ulayn. Caruurtiisa hadeer ka sokow Xaseey maahane inta kale dad waxqabsanaya bay ahaayeen. Muno oo si uusan odagu ula soo fadhiisan kursi hal nafar ah ku fadhisa buu qolkii u galay, oo kursiga kuraas u soo xiga inta ku fadhiistay cashar weyn u qabtay.

“Aabe caruurtayda dhamaantood waxaad ahayd qofkii aan uugu kalsoonida badnaa” buu hadal ka bilaabay. Muno markay intaas maqashay buu xanaaqii iyo ciilkii hayay daayay, oo Alle ka barisay in uu mar aabeheed warkaan soo gabagabeeyo. Muno waa dadka garaacidda ka jecel qeylada iyo canaanta waalidka.

“Munooy inagoo dad dhaqan wanaagsan lagu bartay ah, sidee ku keentay in aad nin ka daba dhuumatid ood mudo sidaas u dheer adigoo hooyadaa iyo aabahaa aysan kaa warhayn isaga maqnaatid? Naayaa ma dadkii aan la yaabi jirnay ee jacaylka iyo ninku madaxa ka maray oo kale baad noqotay? Ma siidayntii aan islahaa waa qof waayeel ah baa sababtay in aad sidii Ree Bilaajo Carab ‘jacayl aa i haayo’ i tiraahdid”

Muno madaxeeda fikrado badan baa dhex ordaya. Tan koowaad oo iyada aad uga yaabisay baa ah in aabeheed uusan marnaba soo hadal qaadin in gabadha ka maqan ay welwel ku haysay, laakiin uu aad uga welwel qabo fikirka dadka iyo waxa ay reerkiisa ka aaminsanaan doonaan. Waxay la yaabtay sida iyadoon ogayn kana filanayn uu aabeheed cunsuri u ahaa, oo uu dadka kale u xukminayo ulana yaabayo. Waxay la yaabtay fikirka uu ka qabo jacaylka. Waxay is weydiinaysaa hadduusan jacayl aqoon siduu hooyadeed ula joogaa.

Muno iyo walaaleheedba waligood waalidkood kalama hadlin siday isku barteen. Malaha taas fikir fiican bay ahayd sababtoo ah Jaamac Sandhool xaaskiisa waala siiyaye isagu kaligiis ma baran. Habeenkii loo aqal galiyay buu markii ugu horeysay Cibaado Dhuunkaal wajigeeda arkay.

Jaamac Sandhool dadkiisa oo ree miyi u badan baa intooda aanan ree magaalka ahayni shukaansiga iyo haasaawaha lamaanaha ceeb iyo wax laga yaqyaqsado u arka. Xaasaska ay qabaan erayo macaan uguma yeeraane “ina hebel”, “gabadha caruurta ii dhashay”, iyo “caruurtayda hooyadood” iyo wax la mid ah ood moodo in ay isaga fogeeynayaan bay ugu yeeraan.

Jaamac Sandhool markuu intii uu oran lahaa ku yiri Muno buu isagoon iyada cod siinin inta u sheegay in aysan bixi karin iyadoon la fasaxin albaabka ka degay.

Xaseey oo labadaan beri aad u deganaa, odaguna dhaqankiisa waayahaan danbe uu la dhacsanaa buu Muno shaqo uga dhigay. Xaseey baa meel walba ooy aadayso geeynaya. Isagaa iskuulka u raacaya, inta ay fasalada ku jirtana iskuulka dhexdiisa u fadhinaya. Isagaa isha ku haynaya in ay Yuusuf iskuulka kula dhex hadashana ka ilaalinaya.


Xaabsay, tagsiilihii saakay Ree Jaamac Sandhool Taleex geeyay, boosteejada tagaasida ee Baar Ubax buu markuu Muno gurigeedii geeyay kusoo laabtay. Tagsiile saaxiibkiis ah oo sugaya buu u yimid.
“Maantoo dhan baan ku raadinayay. Waxaan rabay in aad Oday Xaamud iga dabbartid”.
“Saakay sidaan oday aan qaraabo nahay, oo gabar ka dhuumatay xaafad loogu sheegay ka doontay u qaaday, wallaahi saacadaas aan kula hadlayo baan socdaa”.
“Yaah! Reer gabar ka baxsatay doontay aa?”.
“Haa” buu Xaabsay ku jawaabay.
“Reerka magacood?”
“Waxaa la yiraahdaa Ree Jaamac Sandhool, ee Carabeeyoow maxaad kala jeedaa su’aalahaan faraha badan” buu Xaabsay oo markaan Carabeey su’aalihiisa ka shakisan, is lehna maxaad cidda afaarahooda dadka ugu soo hadal qaaday la cataabay.

Carabeey markuu hubsaday in gabadhu gabadhii uu soo helideeda lacagta ku qaatay tahay, buu isagoon Xaabsay sheeko kale usii galin isku sii daayay meeshii ugu dhawayd uu taleefan ka heli lahaa.

“War Xiirane war baan kuu hayaa maanta aad kaaga farxin doona” buu Carabeey oo is celin la’ ku yiri Cabdi Xiirane oo waayahaan danbe Muno raadinteedii iska dhaafoo tukaankiisii iska iibsanaya. Cabdi Xiirane xamaasadda iyo camiraadda Carabeey warkiisa horay buu uga dharagsanaa. Markuu hadalkaas oo kale ula yimaadana isagoon is raacraacin buu wuxuu hayo ka dhagaystaa. “Carabeey soo daa waxaad haysid” buu Cabdi Xiirane oonan kala joojin shaqaduu hayay yiri.

“Gabadhii aad raadinaysay ee ina Jaamac Sandhool ahayd, gurigoodii baa lagu soo celiyay” buu Carabeey si xiiso badani ka muuqato u yiri.

Jaamac Sandhool hal mar buu wuxuu faraha kula jiray kala baxay, oo inta kursi uu isagoo taagan qar kaga fadhiyay si fiican isugu toosiyay yiri “warkaas mala hubaa?”.
“Mala hubaa mise! Mid saaxiibkay ah oon tagsiile isla nahay baa saakoo dhan siday, oo inta xaafad Taleex ku taal kasoo qaaday gurigoodii geeyay. Gabadhu Itoobiyaba ma aysan aadin ee magaalada bay dhinac ka joogtay” buu Carabeey Xiirane ku qanciyay.

Xiirane markiiba cid Ree Jaamac Sandhool ay deris yihiin oo isagana ay qaraabo dhaw yihiin buu inta wacay ka hubsaday in Muno la keenay. Taleefankoodii markuu dhigay buu odayaashiisii wacday una sheegay in Ree Jaamac Sandhool beri loo tegi doono.

Cabdi Xiirane isagu wuxuu aaminsanyahay in gabadha isaga loo soo celiyay. Diyaar garow aad u balaaran buu maanta galay. Lacagtii Ree Jaamac Sandhool loo geyn lahaa buu galabtaba dhowr baraanji oo Barakaat ah kasoo kala qaaday oo isku soo duway. Cimaamadii lacagta lagu qaadi lahaa buu tukaan xaafadda ku yaalla kasoo iibshay. Odayaashii berri raaci lahaa buu dhowr jeer wac wacay kuna adkeeyay in ay berri diyaar ahaadaan. Ciise Timajillic oo waayahaan Muno raadinteedii ka raystay buu gurigii ka wacay oo u sheegay in uu berri diyaar ahaado.

Ciise sida uu uga naxay markuu Muno magaceedii maqlay lamaba moodo ninkii mudada dheer raadinayay oo illaa iyo maqaayaddii Kaxandhaale iyo footadii Kaxareey daba taagnaa. Isagoon ku qanacsanayn helisteeda buu si caga jiitan ah isugu diyaariyay.


Ree Xirane iyo odayaashoodii oo caasi mugiis ah baa gurigoodii ka dhaqaaqay. Daqiiqad ka dibna guriga Ree Jaamac Sabdhool oonan ka fogayn bay hor istaagi rabaan. Gaariga ay saaranyihiin kaftanka iyo qosolka ka balwanaya waxaa la moodaa dad qorshe ka salgaarkiisa welwel aanan laga qabin u socda.

Waxyar kadibba Gurigii Munoo dhiban ay ku jirtay bay soo hor istaageen, oo buuqoodii iyo kabaha qaarkood ay dhulka ku jiidayaan shanqartooda baa hawadii is qabsaday.

Jaamac Sandhool oo deydka dhex taagan baa u maleeya buuqu in uu yahay deriskii oo soo laabtay. Isagoo u eg nin qaatir billa ka taagan baa si uu ugu qeyliyo dhankoodii usoo dhaqaaqay. Albaabka markuu wac siiyayba waxaa kasoo hor baxay odayaashii beesha oo dhaga dhan. Markiiba Xiirane baa inta odayaashii kasoo dhex tilaabsaday isagoo gacan iska soo hormarinaya yiri “Assalaamu Calaykum Jaamac”.

Jaamac Sandhool markiiba wuu fahmay in dadkaan isi soo bahaystay ay Muno imaansheheedii soo uriyeen. Xanaaqqa haya waxaa haysa in uu inta qori lasoo baxo xabad la daba galo, laakiin wuxuu ogyahay midaas in ay dhib weyn u keeni karto, tan kalena Jaamac Sandhool gurigiisa qori ma yaal waligiisna xabad ma ridin.

Odayaashii buu gurigiisii kusoo dhaweeyay, oo inta fadhiga geeyay cabitaan qabow iyo kulaylba leh u dalbay, iyagana ka sugay in ay warka bilaabaan.

Markii cabaar la sheekaystay kaftan beeleed hoose oo dacaayad u badanna goowsaha lala baneeyay baa arintii ay u yimaadeen, Jaamac Sandhoolna uu gambar gaaban ugu fadhiyo la gudo galay.

Intaanan odayaashii dhaqanka loo gudbin buu Cabdi Xiirane hadalkii qaatay “Jaamac waad ku mahadsantahay soo dhawayntaan qiimaha leh. Aad baanna ugu faraxsannahay in aad Muno soo celisay ood maanta wanaagii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa aad ka hormarisay dhaqan magaaleedkaan bilaashka ah. Midaas waxaan kaaga hayaa abaal aanan la koobi karin” Intaas markuu leeyahay Jaamac Sandhool oo diidan in wajigiisa laga garto waxa uu dareemayo baa uurka iska leh “iiwad sheekada!”.

Xiirane waa sii watoo yiri “horta sababta aan maanta kuugu nimid waxaan jeclahay in aad ka dheregsantahay. Laakiin aan odayaasha hadalka siiyo si ay iyagu sidii dhaqanku ahaa gabadha kuu weeydiistaan” Markuu Xiirane intaas hadal marsiinayo buu Jaamac Sandhool inta ka dhex galay yiri “adigoon odayaasha waxba hadalka u dhiibin waxaan jeclahay marka hore in aan idinkaga mahadceliyo sida sharafta leh eed adinkoon isoo wicin gurigayga usoo hor qubateen”.

Odayaashii waa is fiirfiiriyeen. Qaarkood oo saligii loo dhigay ku dangiigay, waa is toosiyeen oo si feejignaan leh usoo fadhiisteen.

Jaamac Sandhool warkiisii waasii watay “anigu ma garanayo meel aan gabar kaaga balan qaaday Cabdiyoow, gabadhayda in ay wiilkaaga diidayna waad ka dheregsantahay. Inta juujuubana nolol aysan ku faraxsanayn madaxa uma galinayo. Intaanan sheekadu fogaan, hadalku qaloocan, waxaan idinka codsanayaa in aad tartiibtiina iska baxdaan oo aniga iyo reerkeyga na nabad galisaan.

Odayaashii, Qoorsheel maahane intii kale yaab buu afku la kala tagay. Qoorsheel isagu howsha horay buu ula socday, in gabadhu Ciise diidayna wa ogaa, in Jaamac Sandhool iyo Cabdi Xiirane arintaan isku fahmi waayeena wuu la socday. Saakoo dhan buu is dabaalintaan iyo mala awaalkaan la yaabanaa. Hadeerna isagoo qoslaya buu inta istaagay u sheegay odayaashii kale in ay iska soo baxaan.

Cabdi Xiirane oo Qoorsheel la yaabanoo ciil ugu dhimanaya , malahana ka rabay in uu u camiro, oo baryo xoogle gabadha Jaamac kagala soo maroojiyo baa isna inta istaagay Jaamac Sandhool u sheegay in uu toloobay oo deyro isaga iyo reerkiisuba ka yihiin beesha. Isagoon hadal kale u laaban buu albaabka ka baxay Jaamac Sandhool oo ka daba leh “aniga iyo reerkaygu bal aan aragno waxaan Cabdi Xiirane uga baahannahay, iyo wuxuu naga bi’in karo”.

Muno iyadu intii ay odayaashu hadlayeen jaranjarada bay taagnayd, inkastoo iyada lasoo doontay hadana wax welwel ah kama aysan qabin in Ree Xiirane la siiyo. Aabeheed waa ogayd in uusan cidaas u quurin. Hadduu siiyo xitaa, inta laga hadal iyo garatamid bato, waxaa u qorshaysnayd in ay baxsanayso mar danbena aanan dib loo arki doonin. Markii ay odayaashii bilaabeen in ay soo dareeraan bay aayar qolkeedii kor ugu laabatay oo imtixaan diyaarsigeedii iska sii wadatay.


Cutubka 23aad

Jaamac Sandhool Muno quus buu ka taaganyahay. Waxbarasho danbe kama sugayo. Mar haddii ay nin damacdayna in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu guuriyo buu rabaa.

Intii ay Muno maqnayd bay fikradii uu dumarka ka aaminsanaa u cadaatay. Wuxuu aaminsanyahay fikirkii ahaa naag ama god haku jirto ama guri hakaaga jirto. Wuxuu Alle ka ballanqaadi jiray intii ay Muno maqnayd in hadduu gabadhiisa oo caafimaad qabta uu usoo celiyo uu nin ku darsan lahaa. Wuxuu bilaabay in uu isha la raaco Mukhtaar Guure oo ah wiil uu dhalay Guure Beyle oo dariskooda ah.

Mukhtaar waxay isku fasal ahaan jireen Xaseey in kastuu dhowr sanadood ka yaryahay. Markuu dugsigii sare dhamaystay sida dhalinyarada xaafadda banooni uma jeesane ganacsi buu galay hadeer heer sare u maraya. Muqdisho iyo Dubaay buu u dhaxeeyaa oo wax allaale iyo wixii gadmaya buu marna soo dhoofiyaa marna sii dhoofiyaa. Jaamac Sandhool wuxuu bilaabay intay Muno maqnayd in uu Ree Guure hadba salaamo, oday Guurana masaajidka u raaco lana sheekeysto. Gabdhiisa markii warkeeda lasoo qaadana amaanteeda buu kala dhigdhigi jiray. Guure isagu laftiisa Muna waa yaqaan, wiilkiisana wuu la rabi jiray laakiin Muno baa diidi jirtay maadaama aysan guur deg deg ah usoo jeedin.

Muno mar ay afar usbuuc guriga iyo iskuulka u dhaxayso buu Jaamac Sandhool casuumay Guure Beyle kalana hadlay in uu gabadhiisa siinayo wiilkiisa Mukhtaar hadduu isagu diyaar yahay. Guurana “fikir wanaagsan weeye” buu inta yiri Mukhtaar markiiba Dubaay ka wacay.

Mukhtaar iyo Muno waa isku ag koreen laakiin waligood dad is fahma oo sheeko wadaag ah ma aysan ahayn. Isagu Muno aad buu waligiis ula dhacsanaa. Quruxdeeda, dabeecadeeda iyo dhaqan wanaageeda buu markasta uu gabar kale shukaansanayo soo hadal qaadi jiray, taas oo inta masayr gabdhaha uu shukaansanayo galiso in ay ka cararaan ku sababi jirtay.

Markasta ooy Muno salaanto inta qalqalo buu in uu shigshigo bilaabi jiray. Waligiis wuu ku hanweynaa maahane in uu Muno heli karo ma aaminsanayn.

Odayaashii markii ay soo weceen una sheegeen in Muno la siinayo, buu Mukhtaar aad u farxay, oo markiiba odayaashii weydiiyay xiliga arooska laga dhigayo si uu usoo baxo.


LA SOCO QEYBTA 29AAD

Burhaan Burhaan