U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 16aad Burhaan Burhaan

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

“Waa nabad Jaamac, ii waran reerka seeyihiin?”
“Aad baan u fiicannahay dhamaanteen. Saaka waan idin sugeynay…” intuusan hadalkii dhamaysan buu Cabdi Xiirane kasoo dhex galay, maslaxaadna bilaabay. “Maya, maya, Cabdi wax dhibaato ah ma lahan. In iidnaan soo lug go’in baaba fiicnayd, oo gabadhii..”.
“Gabadhii maxaad tiri ?”, buu Cabdi Xiirane lasoo booday, isagoo ka walwalsan gabadha caafimaadkeeda.
“Cabdi gabadhu waa fiicantahay, laakiin waxay ii sheegtay, arin igu cusboonaatay. Waxay tiri iyada iyo Ciise wax heshiis ah muusan dhex marin. Waxay ii sheegtay in aysan guur hadeer diyaar u ahayn. Qolkeedii sidii ay u gashay bay illaa iyo hadeer ugu jirtaa oo sidii qof xanuunsan bay tillaabada jiidaysaa, oo waxay ka cabsanaysaa in lagu qasbo wiilka”.

Cabdi Xiirane intaas markuu maqlay bay halmar harqiyeen dareenno kala duwan.

Mar Ciise buu u xanaaqay oo gabar aanan la heshiin buu warbixin qaldan ka dhiibay. Mar Jaamac Sandhool buu garan waayay waxa uu ku hadlayo, iyo sida uu ku keenay in gabar ay reerkiisu ka doonteen uu diido.

Cabdi Xiirane iyo Jaamac Sandhool waa isku beel, laba jufo bayse ka kala tirsanyihiin. Labadooda jufood, mudo dheer bay dagaallo soo noqnoqday ku jireen, markii u danbaysay qodobadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in gabdho lasoo kala doontay aanan la isku diidin, sababtoo ah, gabdho la isku diiday bay mar kasta dagaaladu ka bilaaban jireen.

Mar uu in cabaar ah aamusnaa buu Cabdi Xiirane hadal bilaabay. Intuusan wax quman sheegin, buu Jaamac Sandhool, isagood moodo in hadalka Xiirane uu soo wado uu ogyahay lasoo booday “Cabdi waan ogahay waxa aad oran rabto. Waan la socdaa heshiiskii na dhex maray, iyo waxa uu na farayo, laakiin aniga iyo adiga waan ognahay dadka heshiiskaas gaaray sida ay ku fakarayeen, iyo xiliga hadeer la joogo sida ay u kala duwanyihiin. Aniga iyo adiga waan ognahay in dhalinyarada hadeer jirta aanan la qasbi karin, waxaadse kaloo ogtahay in la qasbo in ay khalad weyn oo naftooda iyo xuquuqdooda laga galayo tahay. Maadaama aad nin ree magaal ah tahay waxaan ku rajo weynahay in aad fahmi doontid arintaan”.

Cabdi Xiirane oo sida iska cad, hadalkii loo sheegayay uusan ka dhaadhicin, baa hadal qeylo u badnaa cabaar daldalay. Jaamac Sandhool oo is lahaa bal dhagayso waxa uu Xiirane sheegayo baa waxa kaliya uu ka fahmay waxa ay ahayd “Jaamacoow ma hadeer baan kuu sharaxayaa taariikhdii dheereyd ee nasoo dhex martay? Miyaadan la socon in wiilal badan ay nooga le’deen arintaan lafteeda? Aabahay adeeradiis sadex ah baa ku jiray dadkii dhintay, hadeerna waxaad ii sheegeysaa in arintii ay ku dhinteen ay bilaash ahayd. Si kastaba hakuula ekaatee, waxaan kuu sheegayaa in buuqa aad si badinayso maahane, aadan gabadhaas diidi karin. Khaladkeey doonto ha ahaatee, arintaan, heshiis rag dhiigoodu ku qubmay baa ka yaal”

Cabdi Xiirane waxaad moodaa in uu ka dharagsanyahay arinta uu dalbanayo qalooceeda, laakiin wuxuu aad ugu adkaysanayaa in ay qasabtahay in heshiiska la raaco, haddii kale wuxuu aaminsanyahay, fowdo in ay imaanayso taas oo keeni karta in qof kasta uu siduu doono yeelo. Shuruucda raacistooda, buu aaminsayahay, in ay tahay waxa biniaadamku uga duwanyahay xayawaanka.

Midda kale, wuxuu ogyahay in xaaskiisa aysan guurkaan ogolayn, oo uu hadeer ka keenay guriga aabeheed ooy caro ugu maqnayd isla arintaan darteeda. Xaaskiisa wuxuu kasoo balan qaaday in arooska la iska dhaafayo, wiilkeedana ay iyada ka dhaadhicinayso in aysan ogolayn, hadeerse wuxuu u muuqdaa in uu ballantaas ka baxay, rabana in uu gabadhaan doonto, xaaskiisana uu arko sidii ay wax yeesho.

Jaamac Sandhoolse aad buu uga naxay sida uu u hadlay Cabdi Xiirane waayo wuxuu ka aaminsanaa in uu yahay nin ree magaal ah, kana feker duwan odayaasha arintaan lixdanka sano ka hor soo gooyay.

Jaamac Sandhool markuu arkay in uu Xiirane kusii adkaysanayo arintaa isaga la gurracan, buu u sheegay “Xiiranoow, aniga horta sidaan ku moodayay ma tihid, oo aad baan kaaga niyad jabay. Waxaad aniga iila hadlaysaa sidii in aad gabadhayda adigu dhashay. Waxaad iigu caga jugleeynaysaa dadbaa waa hore heshiiyay, oo dhiig u huray in heshiiskaan la gaaro. Waxaan kuu sheegayaa dadka heshiiska gaaray in gabadhaydu aysan ka war hayn, wax iyadu aysan saxiixinna aanan lagu sharciyayn karin, oo nolasheeda, iyo waxbarashadeeda aanan lagu dumin karin. Fasax baad tahay gabar aniga kuuma hayo, ee waxaad doontid samee” Jaamac sandhool markuu intaas dhameeyayba, Cabdi Xiirane oo hadal soo wada buu taleefankii ku damiyay.

Guriga Jaamax Sandhool deykiisa jardiimada ku yaal mid ka mid ah buu Jaamac xaaskiisa la fadhiyaa, iyada oo tusbax ay aad u jeceshahay, oo wiil ay sodoh u tahay xajkii uka keenay ku wardinaysa, bay sheekada taleefanka dhagaysanaysay. Waa fahantay in dagaal meesha ka dhacay. Markuu odageedii isi saaray taleefanka bay lasoo booday “Ree Xiirane maxay soo kordhiyeen?”.

Jaamac oo yaab dartiis labada sunniyood inta halmar kor u wada qaada neefweyn tuuraya baa xaaskiisii u sheegay waxa isaga iyo Xiirane kala qabsaday, Cibaado iyadoon tusbixii isha ka qaadin bay tiri “Jaamacoow waan ogaa in uu sidaas ku oran doono, oo Xiirane hadda ka hor buu tabtaas oo kale ku dhaqmay mar walaalkiisii yaraa gabar aanan rabin uu u doonay”. Iyadoo markaas qosol yaroo jees jees ah tuuraysa bay sii raacisay, Ree Xiirane shukaansiba iskuma dayaane, xaasaskooda dhan waa soo xoogeen.

Jaamac ooysan qosol uga cadayn baa ku goodiyay “gabadhayda xaasaskii lasoo xoogi jiray, in aysan ahayn wuu arki doonaa. Siduu isku waalay baan arkaye illeen waaba nin aanan waligiis yac la oran!”.

Jaamac Sandhool laba koob oo shaaha baa ka qaboobay intii uu Xiirane hadalkiisii la yaabanaa, isaga iyo xaaskiisana ay hadlayeen. Mar uu dhowr daqiiqo fadhiyay isagoon hadlin buu inta taleefankii soo qabsaday wacay walaalkiis Muumin, sheekadii qabsatayna u kala dhig dhigay.

“Jaamac waad degdegtay walaal, maxaad Xiirane u wacday anigoon kula joogin?” buu Muumin isagoo madaxa luxaya, una eg nin qorshe weyn laga burburiyay yiri, hadalkiisii isagoo sii watana raaciyay, “bal hadeer waa in aan wacaa xaaladana qaboojiyaa”.

“Oo xaaladda sideed u qaboojinaysaa, ma gabadhaydaad nin ka iska wado leedahay?” Buu Muumin weydiiyay, isagoo dulqaad darada haysa darteed, u sheegaya walaalkiis in uu inta ay qadka ku wada hadlayaan joojiyaa shanqarta uu bixinayo, ee la moodo nin xanjo u ruugaya sidii in uu dad ag fadhiya maqashiinayo. Muuminse shanqartaan oo dabeecadiisa noqotay, xanjo uu ruugayo maahane, waa wardi uu caadaystay in uu iska aqristo inta uu hadalka dhagaysanayo, taas oo qofkii aanan u jeedin ula muuqata in uu xanjo si qeyla ah u calaanjinayo.

Muumin isagoon walaalkiis u jawaabin, fahansanna in culays hayyaa uu ka hadlinayo buu sheekadii hore iska sii watay.
“Maya Jaamac, sidaas maahan, sida kaliya ee arinkaan looga badbaadi karo waxaa weeye in la yiraahdo gabadha waan ku siinnay, illeen Xiirane waa runtiisoo heshiis baa jiraye…”.
“War ma gabadhaydaad ninkaan ogaa siduu u hadlay leedahay waan siinaynaa, haddii ay xitaa dad ka haraan, ninka sidaas u dhaqanka xun iyo reerkiisaba siin maayo gabar”

“Aan hadalka dhamaysto Jaamac” buu si aad u degan u yiri Muumin, raaciyayna “ujeedkeenu waa in aanan gabadheenna siinin Ree Xiirane, isla markaanna arinka dhan aan nabad kusoo afjarnaa..”. Mar kale Muumin oonan hadalkii dhamaysan buu Jaamac kasoo dhex galay, “oo xaaladdoo degan sideen gabadha ugu diidi karnaa? Wallee siduu is yeelayaadan arag”.

Jaamac quus buu taaganyahay umana jeedo jid uu sida walaalkiis sheegayo lagu fulin karo. Isagoo sida in uu Muumin ag taaganyahay, quus inta labada gacmood kor u qaada hadba seeyrinaya sidii in uu arday tahliil ku firdhinayo buu “waayahay, bal aan aragno taladaada!” inta yiri weydiiyay in uu Muumin soo daayo bal fekerka uu hayo ee indhasarcaadkaa.

“Annagu hadeer ma wici karno, oo maanta baad sheekadii dhabqisay. Haddii aadan wici lahaynse, inta innagu wacno baan u sheegi lahayn in aan gabadhii siinnay. Gabadha ayaa markaas diidi lahayd. Xiirane baan u sheegi lahayn in gabadhu diiday laakiin eeynaan ka quusanayn. Innagoo isaga la soconna baan gabadha u wada tagi lahayn, oon soo barbaryi lahayn, iyana diidmada bay ku adkaysan lahayd. Waa muhiim in markasta aan innagu Xiirane dhankiisa ka soconno, oon gabadha baryo ugu wada tagno. Markuu daalo, isagoo naga xishoonaya buu iska dhaafi lahaa, iilleen dadkii caawinayay baan nahaye.”

Jaamac isagu sida Muumin uma aha oday dhaqameed, arimahaanna lama socdo. Wuu la yaabanyahay sida qayaanada ah ee walaalkiis uu wax isugu xirxirayo. Sidii in markii ugu horaysay ay walaalkiis is baranayaan buu yiri “illeen Muuminoow adiga iyo saaxiibadaa waxaad la cimaamada waa weyntihiin waa dulmi iyo xaaraan! Waa maxay waxaas oo qayaana ah? Maxaa idin helaya haddii runta la isku wada sheego? Illeen wadanku wuxuu u dagi waayay, dad beenta ku shaqaystaa nabadoonno looga dhigay!”

“Run haddii ay wax kuu tarayso waa middii galabtay Cabdi Xiirane kugu dirtaye aniga i dhagayso. Hadeer dariiqa kaliya ee noo furan waa in aan isaga ka war sugno. Odayaal buu soo wadanayaa. Innaguna si aad u diirran baan usoo dhaweyneynaa. Isfahanwaagii dhacayna waan ka raali galinaynaa. Qorshaha aad beenta ku sheegeyso baan markaas guda galaynaa. Hadeer wixii ka danbeeya, Jaamacoow, waa muhiim in Cabdi Xiirane aad loo wanaajiyo, oo waji furnaan iyo walaaalnimo la tusaa”.

Qorshahaan Jaamac waa qaatay, illeen dookh kale malahane. Isaga markasta waxaa ka go’an in gabadhiisa aanan la siinin nin aysan rabin, gaar ahaan xilli ay waxbaranayso.


Barre markii uu isha ku dhuftay Mulki oo soo galaysa tukaankiisa, buu sonkor uu xirxirayay durbaba inta gacmaha kala baxay, is jafjaf bilaabay. Barre waxay ku noqotay lama filaan aragtideeda, sababtoo ah Mulki waxay dagantahay guri kasoo horjeeda tukaankiisa, waligeedna tukaanka cag sooma dhigin. Labadoodu aad iskuma jecla. Markii ay is arkaanba sidii laba naagood oo la isla qabo bay is haruufaan, hadallo xanaf lehna isku tuurtuuraan.

Mulki, waa Muno gabadha kaliya ay saaxiib kala tahay gabdhaha iskuulka la dhigta iyo kuwa xaafadda la daganba. Mulki iyo Muno xaafaddaan waligood bay wada daganaayeen, iyagoo wada cayaaraya oo saaxiib ah bay labadooduba garaad sadeen, oo xilli ay is barteenba ma yaqaanaan. Muno aad bay ugu kalsoontahay Mulki, Mulkina sidoo kale. Sirta waa isku qarsadaan, suuqa waa isku raacaan, iskuulka waa wada tagaan, inta badanna wax waa wada aqristaan.

Mulki dhowr beri bay Muno weysanayd. Uma imaan, taleefanna kama aysan qaban. Taleefanka reerka inta badan sidii Ree Xiirane ay Muno usoo raadsadeen wuxuu ag yiilay hooyo iyo aabe, iyaguna lambar aysan aqoon ma qabtaan.

“Barre waan ku salaamay, seetahay? Muno ka waran? Meel ay ku dhibicdayba yaa arkay?”
“Fiican Mulki, Muno waa fiicantahay, xaafadda bay joogtaa oo wayaahan masoo bixin”.
“Ee hadde maxaa qaldan?”.
“Abaayo, xoogaa bay iska yara buuqsanayd waayahaan. Nin baa soo doontay, iyana ma rabto”.
“Oo haddii aysan rabin maxaa loogu qasbayaa? Ree Jaamac Sandhool in aad intaas ka fiicantihiin baanba moodayee!”.
“Cid ku qasabtay lama arko, waalidkeed iyada bay la safanyihiin. Soo doonistaas baa malaha ka xanaajisay, wax walba caadi bay ku laabanayaan”.
“Xaasid baad tahay Barroow, maxay kuu jirtaa in aad inta laamiga soo gooysid, ii sheegtid in saaxiibtay ay qol welwel iyo ciil ugu xirantahay? Maxaanse kaala yaabayaa awalba Barraad ahayde!”.
“Ma bilowday?” buu Barre inta yiri, isagoo diidan in ay hadal badan iyo muran bilawdo, sonkortii uu xirxiranayay isaga laabtay. Iyana markay dareentay jiir xumadiisa bay albaabka ka degtay.

Barre labadaan beri wuu iska dhaafay Yuusuf raadintiisa, oo isaga laftiisa imtixaan u yaalla iyo tukaankiisa buu ku mashquulsanaa, Munana waxay ka codsatay in uusan raadin. Maadaama hooyo iyo aabe ay Muno dhankeeda mareenna welwel uu Yuusuf ku raadiyo maba uusan hayn. Hadduuse ogaado Xiirane iyo aabihiis wixii galabtay kala qabsaday, waxay u badantahay in uu Yuusuf gurigooda ugu tagi doono.


Iskuulku laba usbuuc oo imtixaanaadka in lasoo diyaariyo ah bay xiranyihiin, oo Muno marna ciil baa ka haya arintaan lasoo darastay ee wax aqriskeeda ka qasaysa, marna waxay ku faraxsantahay in iskuulka oo furan aysan arintaani soo foodsaarin. Maalinkii oo dhan waa mar ay iyadoo maahsan wax aqrin tagayso, iyo mar ay hurdo aanan hayn iska goobayso.

Galabta buuqa waa maqlaysay, mase ku fekerin in aabeheed iyo Cabdi Xiirane ay is af dhaafeen. Gabadha shaqaalaha ah oo qado u keentay baa u sheegtay in ay maqlaysay aabeheed oo taleefan qof si qeylo ah ula hadlaya, gabadhayda idin ma siinayana ku leh. Muno waa faraxday oo waxaa usii xaqiiqoowday in aabeheed uu iyada la jiro. Farxadda hadeer haysa, furcadida ay ka qaaday darteed bay markii ugu horeysay mudo dhowr maalmood ah hoos usoo degtay, oo hooyadeed oo wali jardiinka ku wardinaysa inta soo ag fadhiisatay billawday in ay lugaha u riix riixdo.

Ree Xiirane waxa ay damacsanyihiin haddii ay ogaan lahayd qolkeeda kama soo baxdeen, farxad iska daaye, indhaheedu illinta kama qalaleen.


Xiirane markii uu taleefankii dhigay, qolkii xaaskiisa ay gashay, isna uu u socday, kama daba galine cabaar buu barandada guriga istaagay, isagoo xanaaqa hayya ay bidaartu dhididayso.

Wuxuu rabaa in uu xaaskiisa ka dhaadhiciyo sheekada isaga iyo Jaamac Sandhool kala qabsatay. Wuxuu rabaa in ay fahanto taariikhdu waxa ay tahay iyo tillaabada la rabo in uu isagu qaado, haddii kalena uu noqonayo nin tolkiis ay ku qasaareen, awoowayaashiisna dhimashadoodii ay meel cidla ah noqotay. Wuxuu rabaa in uu xaaskiisa iyadoo degan ka dhaadhiciyo muhiimadda ay leedahay in gabadha ay doontaan. Cabaar markuu indhaha ka mirigmirigsiiyay buu inta cayaalkii u sheegay in ay qeylada yareeyaan, Ciisana magaalada wax uga diray si uusan dhaqso usoo laaban qolkii xaaskiisii ay ku jirtay ka daba galay.

“Malyuun, een, een, inteen war ka bilaabaa? Ma xasuusataa awoowayaal Geelle iyo faarax iyo Caroole, aabahay adeeradiis sida iyo sababta ay u dhinteen?

“Ma hubo laakiin waxaan u malaynayaa in ay ahayd arin ku saabsanayd idinka iyo ree hebel oo dagaalo badan oo soo laalaabtay idin dhex mareen” bay Malyuun iska qiyaastay, dhar ay armaajadeeda tawaleedka ku guranaysay iyadoo sariirta weyn ee jiifka ku fadhisa inta u kaadsatay, bay Xiirane oo albaabka dhex taagan, oo gacanna laalaadinaya, gacanna albaabka iyo darbiga meesha kore oo ay iska qabtaan ku haya usoo jeesatay. Xiirane markii uu arkay in ay usoo jeesatay buu inta usoo dhaqaaqay sariirtii lasoo fadhiistay, oo labadiisa gacmood midna dhabarka ka saaray, midii kalena jilibka korkiisa.

“Malyuun waa runtaahoo waa sidaas. Dagaalku marka wuxuu ka kici jiray gabdho la iska soo doontay oo la isku diiday. Waagii danbe baa inta Alla bari la samaystay lagu heshiiyay in uusan dagaal danbe labadaan jufo ee walaalaha ah uusan ka dhex dhicin, si aanan qaladaadkii hore loogu laabanna waxaa la isku af gartay in gabadhii lasoo doonto, si kastaba ha noqotee la dhiibo. Awoowahay wiilashii laga laayay barqa cad buu isagoo aad uga xun, indhihiisana ay ilmo ka socoto cafiyay nimankii dilay. Awoowahay maalinkaas waa loo duceeyay waxaana loo balan qaaday in wiil danbe uusan u dhiman doonin arinka wiilashiisu ay u dhinteen”.

‘Waan gartay, ee Cabdi maanta maxaa sheekadaan kusoo xusuusiyay?”
“Malyuun, aniga iyo adiga waan soo balannay, waana isi soo fahannay, go’aan keenuna waa in arooska la baajiyo, laakiin, een, een, iska dhaaf aroosku waa baaqday waa sidii aan kaaga soo balan qaaday”.

“Cabdi maxaa cusub oo soo kordhay? Warka waxba ha iga qarine”.
“Hadeer markii aan kuusoo socday buu taleefankii soo dhacay. Jaamac Sandhool buu ahaa. Alla ciil badanaa!”

Cabdi Xiirane qof hadal kasoo bixi la’yahay buu iska dhigayaa. Madaxa buu si qof sakaraadku dhibayo dhinacba mar u jeedinayaa. Mar foolkiisa buu dharbaaxayaa, mar “iska dhaaf” buu leeyahay, “wax aan ka qaban karo ma lahane”.

Malyuun inta u adkaysan waysay bay tiri, “Jaamac Sandhool muxuu ku yiri, mise hadeer baan wacaa?”.

“Malyuuneey, Jaamac ood ogtahay in uu ree Hebel yahay baa inta aniga isoo wacay, isagoo ka dharagsan in aabahay adeeradiis u le’deen isla arinkaan, igu yiri ‘gabadhayda idinma siinayno, oo wiilka iyadaa diiday, anna qasbi maayo’. Waxba yaanan tol la’ayayn, ma anigaa wax ka qaban kara? Adiga baanba kaa balanqaaday in sheekadaan la xirayee?”. Xiirane waa ka go’antahay in uu gabadha doono, laakiin xaaskiisa buu calool jilicsanayaa si ay u ogolaato.

Malyuun iyadoon u jawaabin Cabdi Xiirane bay inta istaagtay, oo barandada aaday, taleefankii soo qabsatay oo aabaheed wacday, una sheegtay in Ree Sandhool ay gabadhii diideen, wax la qaadan karana aysan ahayn. Malyuun waxaadba moodaa in Cabdi Xiirane ay kasii xanaaq badantahay, oo iyada qeylo iyo aflagaado baa u wehlisa.

Malyuun aabeheed Absame maadaama uu nabadoonkii reerka yahay isaga ayaa arimaha nuucaan oo kale ah gala. Si uu wax u hubsadose, inta “ii dhiib Cabdi” ku yiri gabadhiisii buu arintii sifiican warkeeda u helay, oo isku af garteen isaga iyo Xiirane in aysan arin la qaadan karo ahayn, Jimcahaanna loo tagi doono iyadoo loo odoyo badsaday gabadhiinna laga dooni doono Ree Sandhool.

Absame si danta ay Ree Sandhool ka leeyihiin loo gaaro, isagoon Jaamac wicin buu toos Muumin u wacay una sheegay in Jimcahaan, sagaalka subaxnimo ay guriga Jaamac ugu imaanayaan. Dhowr oday buu magacyadooda siiyay oo Ree Sandhool qaraabo la ah, arimaha heshiiska labada jufana aad ugu dhuundaloola, una sheegay in ay Jimcaha horay usoo kaxeeyaan. Absame wuxuu is leeyahay odayaashaan maadaama ay aad ula socdaan taariikhda beesha, dhibkii lasoo marayna ay ka war hayaan, gabar laga soo doontay ma diidi doonaan.

Muumin oo hadal macaanidiisu maanta saa’id tahay, baa ka ballan qaaday in uu odayaashaas oo dhan keeni doono, ugana mahadceliyay Absame wicitaankiisa, kana maslaxay is afgaran waagii saakay Xiirane iyo Jaamac kala qabsaday.


LA SOCO QEYBTA 17AAD