U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 10aad W/Q: Burhaan Burhaan

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Yuusuf maqaaxida ayuu dhex istaagay, oo afarta gees isha mariyay isagoo la moodo in cunug yar oo kasoo baxsaday, misanana ka dhuuntay uu ceyrsanayo. Mar uu inta wax arki la’yahay sannifaad la neefneefsanayo bay Indhihiisu ku dhaceen Muno oo sii fadhiisanaysa mid ma mid ah qolalka yar yar ee dusha ka feydan ee lamaanayaasha loogu talo galay.

Yuusuf xanaaq dartii buu faraha iska bixiyay oo dhankii ay sii fadhiisanayeen abaaray. Waxyar markuu xiimay buu in uu aad u xanaaqsanyahay is gartay oo is dajiyay. Wuxuu isku sheegay in arintaan hortaalla ay muhiim tahay in si degan loo abaaro.

Si uusan u ceeboobin buu wuxuu ku go’aansaday in uu marka hore iska hubiyo waxa jira iyo qofka Muno ay la socoto qofka uu yahay.

Wuxuu madaxa ka shaqaysiiyaba, wuxuu go’aansaday in uu fadhiisto qolka iyaga ku dhagan, ee halka lagu faraxasho ay ku hor taallo, sheekadoodana uu dhuuxo. Qolka Yuusuf uu fadhiyo darbigiisu waa gaabanyahay, oo qofka gacmaha iska dhaqaya markuu is yiraahdo muraayad isku eeg, meeshii muraayado ku oolli lahayd Yuusuf baa soo mutura.

Muraayo albaabka gurigooda ayay taagantahay. Caruurtooda bay ku amraysaa in aysan banaanka aadin inta ay kasoo laabanayso. Mid yar oo diraceeda daraftiisa haysta, una eg in uu diidanyahay in ay baxdo baa daldalmaya, iyana “war heedhe isii daa, yaa iga fujiya cunuga balaayo” bay leedahay, oo inta qal iyo labadaan fujisay bay markuu gadaal isagoo ooyaya u dhacay albaabka qab siisay, jidkana laba ka dhigtay.

Muraayo, galabta waxay la balansantahay saaxiibteed Shamso. Xalay oo dhan ayay taleefan ku sheekeysanayeen, waxayna ku ballameen in ay maanta guriga Yuusuf isku raacaan, Shamsana ay ka faaiideysato, niyad jabka ay aaminsantahay in uu Yuusuf Muno kala kulmi doono.

Shamso xalay waxay Muraayo wacday markay hubsatay in uu Ciise kula balansanyahay Muno maqaaxida lamaanuhu fadhiistaan ee Kaxandhaale. Waxay iska dhaadhicisay in Muno ay walaalkeed wax la qaban doonto, Yuusufna uu iyada u faramarnaan doono. Qof ay iyadu jeceshahay bay jab la rabtaa oo isagu qofka uu jecelyahay ma rabto in uu helo. Aduunyada oo dhan baaba sidaa daba marsiya u ah.

Muraayo markii ay guriga ree Xiirane soo gashay, buuqeeda iyo daldalankeeda waxay u ekeyd qof reerka horay ula joogay. Canaan bay caruurtii kala dul dhacday. Foorjo la moodo caay iyo aflagaadana dadkii waaweynaa bay huwisay.

Shamso oo is ceebsanaysa, nacaysana in Muraayo hadalkeeda badan reerkoodu la yaabaan baa durbaba Muraayo qolkeedii ugu yeertay. Samsam oo qolka Shamso uga hor timid Muraayo baa salaantay oo tiri, “Muraayooy abaayo waxaad u egtahay naagaha iyagoon la guursan banaanka lagu uureeyo, buuqaaga iyo af xumadaada baan ka gartaye!”. Muraayo oo qoslaysa baa ku jawaabtay, “naayaa bax gaanijibayahay, malaha adigaa hadeer uur lehe, sidaad isku walaaqayso baan ka shakiyaye” oo intaysan Shamso salaamin tiri “walaalay mida yare kula dhalatay sheydaan sanaa!” “Naa walaalay saas ayaan ku aragnay” bay Shamso u sheegtay Muraayo oo iska ashahaadanaysa la yaab dartiis.

“Naa walaalay maaad dharkaan iyo qashinkaan iska kala nadiifisid, rassi badnidaa?” bay Muraayo xaaraxaaro dhagaha u saartay iyadoo qolka Shamso dhexdiisa sidii meel dhiigo taal hadba shey ka tilaabsanaysa. Qolka Shamso dhexdiisa timo shanladii saakoo dhan lala dhacayay ay gooysay baa dhex bidaya, gamaarkooda fooneeyuhu uu sababayna qolka dhan buu urtisii badalay. Qolka Shamso oo inta badan aad u nadiif badan baa markii uu sidaan oo kale noqdo lagu yaqaan in ay Shamso meel muhiim ah u socoto.

Duhurkii huruud ay marsatay bay biyo iska marisay, oo bilawday labiskeeda kan ugu cusub uguna nuuraya in ay jiq isku siiso. Muraayo oo aad u taqaanna si kasii weyna u xiiseysa turukada gabdhaha baa ka caawisay Shamso labiska, is naashnaashid iyo hadba muraayad isku eegid markii Shamso diyaargarowgeeda lagu hubiyay, laguna qancay baa banaanka loo baxay.

Shamso galabta si caadigeedii ka baxsan bay u geesinimo badantahay. Waxaa ka go’an in ay Yuusuf galabta u tagto, una sheegato dareenka ay u qabto.

Muno iyo wiilkii ay la socotay markii ay fadhiisteenba kabalyeerigii baa ka daba galay oo dalabkooda weydiiyay. Muno oo aad u kala taqaan cuntada ayaa markiiba wax qabow, wax kulul iyo wax adagba dalabtay. Yuusuf hadalkooda ayuu dhowrayaa, iyaguna in aysan hadlayn baabad moodaa, oo haddii uu wax. maqlana waa Muno cida hadlaysa mar kasta.

“Cuntada markii loo keeno, oo xoogaa ay nafisaan bay daldalmi doonaan” ayuu Yuusuf isku sheegay, halkiisana isi sii dhakiyay, si hoose, oo la moodo in uu raashin ceeb ah dalbanayana dalabkiisii u gudbistay.

Mudo dhowr iyo toban daqiiqo ah markii ay Muno iyo wiilkii la joogay ay nuxnux lahaayeen, hadban qosol yar ku dhufanayeen, buu kabalyeerigii inta alaabtii raashinka ay ku cuneen ka qaaday, waxyar kadib u keenay shaahii ay horay usii dalbadeen.

Muno oo u ekeyd qof warka diidanaa in uu bilowdo, hadbana sheekooyin kale ku marmarsiyoonaysay baa inta is birqooshay ku billowday “Ciise, aboowe waad ku mahadsantahay in aad iga aqbashay kulankeennaan. Waxaan jeclaystay in aan si sharaf iyo hufnaan leh u kulanno, waxa aan kuu sheegayana kuu sheego adigoo i hor fadhiya”.

Ciise inta Muno ay hadlayso, marna iyaduu fiiriyaa, marna garaafo biya cadi ku jiraan buu hadba biyaha dhinac ugu jaleeciyaa. Wuxuu ka baqayaa in wadnihiisa saaidka u garaacmaya ay Muno maqasho. Wuxuu aad uga baqayaa jawaabta ay siin doonto. Ma garanayo in uu ku farxi doono iyo in kale. Hadba candhuuf aanan meesha ool buu laqaa, mar shaarkiisa aadka u feereysan buu jactad been ah ka toos toosiyaa, mar biyo uu mar hore ka dhargay buu inta hadana galaas ku buux dhaafiyo, kabasho ku boobsiiyaa.

“Ciise, aboowe wallaahi warkaaga wuu i qanciyay. Nin diyaar ah baad tahay, iskuna filan oo xaas kasoo bixi kara. Waxaana hubaa in gabadhii hesha balanqaadkaas oo kale aysan iska sii deynayn. reerkaaga waan jeclahay oo xushmad baan u hayaa. Hooyadaa iyo aabahaa waa dad aad u wanaagsan, waji furan Soomaali oo dhanna aad usoo dhaweeya. Walaashaa Shamso mar kasta ay taleefanka iga qabato, hadal macaan wax aanan ahayn kalama kulmo”.

Ciise amaantaas aad buu ula dhacay, wuxuuna u arkay in Muno hadal farxad leh ay usoo wado. Yuusufse markii Ree Xiirane amaantu ay ku socotay bay u cadaatay in wiilka gacalisadiisa qolka kula jira uu saaxiibkiis Ciise yahay. Ciil buu is xiray, damcayna toban jeer in uu isagoo ganmaya dalakh u yiraahdo.

“Aboowe, hadaan is guursanno wax la hubo ma ahan in aan waxbarashadayda sii wadan doono. Boqol jeer baan aragnay gabar la guursaday iyadoon dugsi sare dhamayn. Si kasta ooy dadka ugu sheegto in ay waxbarashadeeda sii wadan doonto, marnaba ma dhamaysan. Uurna cid celin karta lama arko oo bini aadam baan nahay”

Ciise hadalladaas inta ay Muno is daba dhigaysay waa uga darnaayeen waran wadnaha looga dhuftay. Erey kasta ooy sheegto wuxuu isku dayaa in uu jawaab ka bixiyo, hadana in iyadoo hadalkeeda wadata uu ka dhex galo ma rabo. Muno inta ay hadlayso Ciise hadalladi uu isku difaaci lahaa, doodiisana ku adkaysan lahaa buu sii diyaarsanayaa oo si qumanba hadalkeeda uma dhagaysanayo.

“Aboowe, sidaas daraadeed waan ka xumahay xiriir kulama samaysan karo. Aad baadse ugu mahadsantahay soo jeedintaada xushmada iyo qadarintu ay ka muuqatay” Muno hadaladaas inta is daba dhigtay bay horana ka istaagtay iyadoo ka cabsi qabta in uu hadallo hor leh la galo, sidiisiina hadal ku harqiyo.

Iyadoon sugin faraxalka lamaanayaasha qolka loogu geeyo, bay toos u abaartay halka dadkoo dhan ay ku faraxashaan.

Yuusuf oo halka lagu faraxasho qolka uu ku horyaallo ku jira baa hal mar hortiisa ka arkay Muno oo saabuun si boobsiis ah isku marmarinaysa, nasiib wanaagse hoosna waa fiirinaysay waana mashquulsanayd, oo Yuusuf indhaheedu kuma dhicin, isna inta is dadbay buu cad joornaalka gacmaha lagu tirtirto ah oo meesha yiillay aqris been ah u galay, oo wajigiisii ku aadiyay.

Muno durbadiiba waa baxday, Ciisana waa ka danbeeyay oo qof buuq ku furmay buu u ekaa. Jawaabta deg dega ah baa filan waa ku noqotay. Isagoon faraxalan buu iska baxay, oo sanka oo cuncunay markuu xoqay uun buu ogaaday in uu wali gacmaha saliid ku leeyahay oo inta soo laabtay. oomo meesha lagu faraxasho darbi u dhaw ku daadsanayd isku dhaqid dubka isaga qaaday.

Yuusuf xanaaq uu Ciise u qabo, wuu iloobay in uu is qariyo oo toos buu usoo fiirinayaa. Ciise mar uu in cabaar ah gacmihiisa saliid aanan ku ool ka dhaqayo, isaga iyo Munana sheekadii dhex martay uu xusuustiisa uga soo ceshanayo, buu madaxa kor u qaaday sida qof muraayad isku eegaya.

Indhihiisu waxay ku dhaceen indhihii Yuusuf oo xanaaq dartiis la guduutay. Wuu malaysan waayay, si boobsiis ah ayuu madaxiisa uga shaqaysiiyay sababta Yuusuf uu maqaaxida u fadhiyo, xanaaqna halmar kala dul dhacay.

“War ma anagaad nasoo dabagashay? Maxaa meeshaan ku keenay waligaa ma aadan imaane? War ma gabadhaad illaa iyo gurigeedii lasoo socotay?” Ciise su’aalahaas intuu Yuusuf isku dabadhigayo, hadba yaab iyo amakaag buu la neefneefsadaa, wuxuuba aaminsanyahay in laga gardaranyahay.

“Ciise, Muno hadaan soo dabagalo iyo haddii aanan soo dabagalin, waa aniga gacalisadayda, wax kaa galayna anigu maba garanayo. Midda kale waxaad ii sheegtaa waxa kugu kalifay in aad gabar aad ogtahay in aan muddo raadinayay, ood ogtahay in aan aad u jeclahay aad maqaayad ugu balimisay?” Yuusuf intuu hadaladaas sheegayo toban jeer bay qabatay in uu dharbaaxo Ciise ciil uu u qabo dartiis. Waxaadna moodaa in Yuusuf hadalada afkiisa ka baxaya ay isaga naftiisa kaba xanaajinayaan.

“Mudo aad u dheer baan is niqiinay oon saaxiibo ahayn, dhaqankaanna waa mid aanan waligeed horay loo arag, oo adigu aad la timid” buu Yuusuf yiri isagoo iska ilaalinaya in uu u gacan qaado.

Ciisaa qaatoo yiri “Aniga diyaar baan ahay, oo hadeerba waan guursan lahaa…”

Markuu intaas hadal marsiinayo baa Yuusuf oo indha adeegiisa ku lalaboonaya lasoo booday “waxaad gabadha ugu sheekeynaysaa, waan ku guursanayaa oo guri aabahay isiiyay baan ku dajinayaa. Ogow in aanan jacayl lacag la siisan karin, malaha intaas waad garan lahayd hadaad waligaa hal buugba Allaha ka dhigee wax aqrin lahayd” isagoon Ciise dhankiisa eegin buu Yuusuf si degdeg ah inta u kala jiireeyay dhincii albaabka aaday.

Ciise oo leh “markayga aan hadlo” baa inta ka daba booday garabka ku dhagay, Yuusufna sidi in uu hindhisoonayo buu isagoon is celin karin gacan halgaad ah. sanka feer kaga dhuftay oo socodkiisiina sii watay.

Ciise oo markuu feerku ku dhacay gadaal u hantaraantirooday, sanka dhiig ka duulayana shaarka ka ceshanaya baa orod Yuusuf uga daba tagay.

Yuusuf markuu arkay Ciise oo dhiig ka da’ayo, kana soo daba ordaya buu inta istaagay, dagaal isku diyaariyay. Ciise siduu usoo xiimayay, buu isagoo la moodo dhiiga sankiisa ka duulaya in uu rabo in uu Yuusuf isaga tiritiro madaxa toos ula soo galay. Yuusuf oo damacsanaa in uu u banneeyo, dhulka haku dhacee oo booday, baa madaxiisa kii Ciise dalakh is yiraahdeen. Foolka ayaa Yuusuf soo bararay durbadiiba, dagaalkooduse ma joogsane shaararkii bay iska jeexjeexeen oo caloolaha iyo xabadyada iska jukeeyeen.

Kabalyeerigii, oo ahaa qofka kaliya ee dharkiisa dhiigga difqaya u quuray baa soo kala dhex galay, oo labada nin ee naagta isku dilaya kala qabtay. Ciise markiiba banaanka ayuu u baxay oo gurigoodii abaaray isagoo ku goodinaya in uu siduu yeelaba uu Muno isagu guursan doono. Yuusufna isagoo u naqsanaya, dhaqan xumadiisana ciil ugu dhimanaya buu taksiilihii oo banaanka ku sugaya lacag uga soo qaaday maqaaxida, “gurigeeygiina ii dhig” ku yiri.

Jidka intuu sii socdo uu tagsiga dhex yuuraro, isaga iyo Ciise wixii dhex maray buu madaxiisa kaga soo celiyaa, Ciise iyo Muno dhexdooda wixii maray markuu soo xasuustana farxad gasha baa ciilka iyo xanaaqa hayya ka qafiifisa.

isagoon cidla la hadlin buu qolkiisii galay, adeerkiis Cali inta u yeerayna ku yiri tagsiilahaas lacagta uu sheegto iga sii bixi waan isku danbeyn labadeennee, bilaabayna in uu dharkii iska badallo dhiigga la difqayay.

Yuusuf wixii dhacay wuu aamini weysanyahay, kaligiisna isla hadal waa isagala daalay. Mar uu hadba is arkayo isagoon dhowr daqiiqo waxba qabsan oo feker kaliya la taagan buu markii danbe go’aansaday in uu saaxiibkiis Barre waco, una sheego waxa dhacay oo dhan iyo dhaqan xumada uu Ciise Timajillic ku dhaqaaqay.

“Barre, wallaahi saaxiiboow hadaan kuu sheego waxa dhacay in aadan aaminayn” buu Yuusuf hadal ku bilaabay, sidii in uu Barre la ogaa camal buu dhexda ka galay sheeko aad moodo in ay horay u socotay. “Indha adeegiisa maxaad iisoo daba kacday ku lahaa?, waaba isla sii saxanyahay!”.

“Maxaad ka hadlaysaa? Yaa isla indha adag? Hadalka iisoo billow bal” ayuu Barre si degenaan ah u xasuusiyay Yuusuf oo waxa uu sheegayo iyo wax kale aanan kala garanayn, hadbana qad kale iyo sheeko kale iska galaya.

Guriga Ree Warfaa, galabta si buu u dad yaryahay. Waxaa deydkiisa mowlaca ku yaalla salli ku fidsan casharada iskuulka ku aqrisanaya adeer Cali, oo raadiyaha nuuca Isha Ha Iga Galinta loo yaqaanno uu u balwanayo. Hees qaraami ah baa ku jirta, markii ay wax yar heestu socotaba cod baa “yaa sallaam” ka dhex leh sidii in idaacadda soo deyneysa ay diidantahay in laga duubto.

Codkaas waa cod Xamar oo dhan aad looga yaqaan, qof kastaana uu maalin kasta dhowr iyo toban jeer uu maqlo. Waa codka Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed, oo si kaftan iyo madadaalo leh u daadihinaya barnaamijka Muusika iyo Salaamaha ee idaacadda HornAfrik. Adeer Cali lama kala garanayo sababta uu u aamusanyahay in ay tahay heesaha macaan ee ku socda, iyo casharada uu ku ceshanayo dhugta uu u leeyahay.

Qofkii waxyar deydka dhex taagnaada hurdaa qabanaysa, sababtoo ah

shanqar oo dhan guriga waa muusigaas baxaya, iyo geedka weyn ee guriga ku dhex yaalla oo dabayshu marna ay lulayso marna ay caleemahiisa dhulka ku hoobtay hadba dhinac u xaaqayso.

Jawigii degenaanshaha lahaa waxaa garaaca albaabka ku qalday Shamso iyo Muraayo oo galabta si duullaan ugu eg. Adeer Cali intuu guriga deydkiisa weyn soo dhex lugeynayo wuxuu maqlayaa Shamso oo ku goodinaysa “wallaahi in aan iska dhinto aa la ii qaataa intii aan galabta xishoon lahaa”. Sheekadooda in uu sii dhagaysto wuu rabaa laakiin saantiisa culus oo la maqlayay baa ku qasbaysa in uu albaabka toos u furo.

“Yaa waaye?”

“Shamso waaye”

“Shamsadee?”

“Shamso Xiirane”

Adeer Cali isagoo wali su’aalihii Shamso ku tuurtuuraya oo markaan faduul u badalay, weydiinayana su’aalo ay ka midyihiin “albaabka makaa furaa?” iyo “Muslin maa tahay?” iyana ay daacad uga jawaabayso, hadbana inta Muraayo fiiriso si uusan maqlay u leh “naa ma qof waalan baa reerka u jooga?” buu albaabkii falakh siiyay.

Adeer Cali markuu hadal kaftan iyo shaxaarinimo waxay yihiin aan lakala aqoon gabdhihii ku tuurtuuray, iyaguna dhibsadeen buu u tilmaamay qolkii Yuusuf.

Labadoodii oo xishood hoos fiirinaya in ay adiga noogu yeer Adeer Cali yiraahdaan iyo in ay Yuusuf qolkiisa ugu tagaan kala garan weysan, Adeer Calina “Xiiranahee ku dhalay?” uu hadba weydiinayo Shamso bay qolkii Yuusuf usoo dhawaadeen.

“Naa istaag aan wuxuu sheegayo fahannee” bay Muraayo iyadoo Shamso inta gacanta qabatay joojinaysa ku tiri, waxayna bilaabeen in ay Yuusuf daldalankiisa dhagaystaan.

“Wallaahi Barrow aniga Ciise Xiirane waa iiga dhamaatay, walaalnimadii aan illaa yaraantii is naqiinay iyo xushmadii aan u hayay lama arko, waligey danbena in aan Ciise Xiirane arko ma doonayo” buu Yuusuf qolkiisa ka dhex leeyahay. Muraayo iyo Shamsana si fiican bay u maqlayaan.

“War sidee ku keenay in gabar, aniga aan jeclahay, uuna ka warqabo in aan xiriir leenahay uu ii daba mareeyo? Wallaahi….” Yuusuf markuu intaas Barre u sheegay Barrena hadba uu dajinayo markuu is yiraahdo armuu Ree Xiirane oo dhan najaaseeyaa! buu hadana inta hadalkii dafay ku yiri “sanka in aan ka jabshay baan u malaynayaa”, kuna faanay in aysan isaga waxba gaarin marka laga reebo foolka oo waxyar soo bararay, buu inta halmar hadalkii Barre ku caajisay kuna ciil gooyay si degdeg ah taleefanka isi saaray, oo banaanka usoo baxay.

Cidda ugu badan ee filan weysay waa la kala garan waayay. Shamso iyo Yuusuf labadoodaba si is le’eg bay is aragooda ugu naxeen.

Yuusuf wuxuu ka naxay in ay Shamso maqlaysay intii uu walaalkeed ka hadlayay. Iyana waxay ka naxday in ay u timid in ay jacayl u sheegato nin naag kalena jecel, walaalkeedna ay isi soo dagaaleen.

Muddo dhowr daqiiqo ah bay iyagoon erey is dhihin indhaha isku gubayeen. Yuusuf indhihiisa wali xanaaq bay la guduudanyihiin. Shamsana ilmaa indhaheeda soo buux dhaafisay, oo in ay difiqdo qarka u saaran. Iyadoon wali afka kala furin bay Shamso inta kala fiireysay albaabka dhankiisii qabatay.

Muraayo iyo Adeer Cali yaab baa kasoo haray.

“Naa na keen, guriga islaameed ha ii dhex taagnaane” bay Shamso albaabka dhankiisa kasoo tiri. Muraayana inta Adeer Cali dhankiisa mar kale eegtay bay ku tiri “waan kusoo wici karaa hadhow soo caadi maaha?”

“Iga tag balaayo kusoo wacdaye!” buu Adeer Cali oo salligiisii sii fadhiisanaya si hoose u yiri.

Labadii gabdhood oo midna murugaysantahay midna “lambarka cidda isii, aan hadhoow Cali soo wacee” ay leedahay bay jidka cagta saareen.

LA SOCO QAYBTA 11AAD