Turkiga oo Basas aan Xabaddu karin ugu deeqday Soomaaliya (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dowladda Turkiga ayaa maanta Gawaari nooca Basaska ah oo aan rasaasta Karin ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan ayaa ku wareejiyay gawaaradaasi
Basaska ah oo tiradooda ay tahay Labo ayaa waxaa loogu talogalay in loogu adeego Maxaabiista Xabisyadda Dalka ku xiran ,iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay soo saartay Markab ayna Dalka ay soo gaari doonaan Dhawaan.

bas-640x382

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe),ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan Ciidamadda Qaranka, isagoo tilmaamay in basaskani Caalamiga ah ee Turkiga ay ugu deeqeen Ciidanka Asluubta uu wax badan ka badali doonno howlaha Horumarineed ee Ciidankaasi ka wadaan Xabsiyada Dalka, iyadoo uu xusay Safiirku in Iminka Horuumar aad u ballaaran laga dareemayo Xabsiga dhexe ee Xamar.

basas1

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac,ayaa sheegay in Basaska aan xabadi Karin ay u qorsheeyeen markii ay si toos ah Taliska uu ula wareego in lagu qaado Maxaabiista Xilliga la geynayo Maxkamadaha ,waxaana uu Dowladda Turkiga uu uga mahad celiyey Taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay Wadamada sida gaar ah u caawiyo Saamaaliya, iyadoo ay xusid Mudantahay in dhawaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ay ku wareejiyeen Dhar iyo Qalabka Ciidanka oo ay ugu talo galeen in Ciidanka lagu Horumariyo.

Xigasho: Sonna

Comments are closed.