Taliyaha Howl-galinta CXD oo booqday Jubbooyinka (Sawirro)

Wararka Maanta

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoobe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga xureeyay Maleyshiyada Nabadiidka Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa booqday deegaanada kala ah Baar-sanguuni,kaban iyo Tuulo hoos tagta Degmada jamaame, iyagoona u kuur galay Amniga deegaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid  ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka xureeyeen Nabadiidka Al-shabaab.

General Maxamed  Sheekh Madoobe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.