Waa kuma Garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)..? Raysalwasaare Xigeenka Cusub ee Soomaaliya
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ah nin Sharci yaqaan, macalin sharciga ka ahaa Jaamacada Hargeisa.
Taariikhdiisa waxbarasho:
Waxa uu waxbarashadiisii Hoose/dhexe ku soo qaatay dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalada Adis ababa.
Sanadkii 1996-1999: Waxa uu galay kulliyada sharciga ee ‘Ethiopian Civil service collage’ isagoo ardaygii ugu sareeyay kulliyadda.
2008: waxa uu diyaariyaa shahaadada sare ee Master-ka ka qaatay jaamacad ku taal dalka koonfur Africa, kuna takhasusay xeerka dhaqaalaha caalamka, xeerka caalamiga ah iyo baarista sharciga.
Waayo aragnimadiisa shaqo:
Ku-simaha xafiiska Caddaalada ee Gobolka Shanaad ee Somalida Ethiopia.
November 1999 — march 2001: Madaxa ciqaabta iyo Madaniga Somalida Ethiopia.
November 1998 — 1999: Xeer ilaaliyaha kiisaska ciqaabta Somalida Ethiopia
January 1999 — March 1999: La-taliye sharciga ee Gudida diyaarinta sharciyada ee kilinka Shanaad ee dalka Ethiopia.
April 1999 — March 1999: Xeerka Ganacsiga ee thiopia ayuu u tarjumay Af Soomaali.
August 2000 — October 2000: Tababarre xeerka ciqaabta ah.
November — December 2001: Waxa uu tarjumay xeerka Naas-nuujinta.
February — March sanadkii 2002: La-taliye sharci wasaarada Cadaalada.
2002 — 2004: Wuxuu aasaasay Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa.
Bishii June — October 2004: Waxa uu diyaariyay xeerka Ganacsiga Somaliland.
2002 — 2005-tii Wuxuu noqday La-taliyihii sharciga Guddiga Doorashooyinka Somaliland
2003 — 2008: Wuxuu la soo shaqeeyay Hay’da UNDP gaar ahaan Barnaamijyadeeda Maamul wanaaga iyo meelmarinta sharciga.
2008 wixii ka danbeeyay wuxuu macalin ka ahaa kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeisa.
2008 – Xisbiga UCID ayaa u magaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Somaliland
March 2017: Waxaa loo magacabaay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa isweydiin mudan sida loogu magacaabay booskaan sare?.