Siyaasi Cabdiraxman Black”Doorashada Maamulka Hirshabeelle waxaa loo adeegsaday Lacag”

Wararka Maanta

Siyaasi Cabdiraxman Maxamed Cali (Black) ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay Doorashadii ka dhacay Magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxda Hogaamineyso Maamulka Cusub ee HirShabeelle,waxa uuna si gaar ah ugu hadlay sida ay ku dhacday Doorashadaas.

siyaasi_cabdiraxman_black

Siyaasi Cabdiraxman Black ayaa ku tilmaamay Doorashadaas mid loo adeegsaday lacag”Doorashada Maamulka Hirshabeelle ee ka dhacday Jowhar,waxaa loo adeegsaday Lacag xad dhaaf ah,Waxaa la iibsaday dhammaan Codadkii xildhibaanada,waxaana taa cadeyn u tahay in Jowhar aysan ka dhicin doorasho xalaal ah,waxaana Howshaas gacan ku leh Dowladda Federaalka oo soo saartay Shaqsiyaad ay si gaar ah u taageereen”ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxman Black.

Siyaasi Cabdiraxman Black ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan ku qanacsaneyn Maamulka Cusub ee Hirshabeelle welina aysan ka hadlin”Marka laga reebo Dowladda oo dano gaar ah ka leh Maamulka Hirshabeelle,waxaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan Madaxda Beesha Caalamka,Maamulada Puntladn,Jubbaland iyo koonfur galbeed xitaa ma soo dhaweyn,waxa ay arintaan cadeyn u tahay in Shaki badan uu ka jiro Habkii ay u dhacday Doorashada Maamulka Hirshabeelle ”ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxman Black.

Siyaasi Cabdiraxman Black ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Musuq-maasuq cad uu ka jiray Doorashadii Hirshabeelle”Aduunka oo dhan ayaa laga daawaday in mid ka mid ah Musharixiinta u tartamay Xilka Madaxweyne ku xigeynka in Hoolka ay ka dhacday Doorashada isaga oo khudbeynayo in uu la soo baxay Lacag Doolar ah si cadna u sheegay in Xildhibaanada uusan siin wax lacag ah,waxaana halkaa ka cad in Shaqsigii ka guuleystay in uu bixiyey lacag sidaasna lagu doortay,bannaanka ayuu u soo baxay Musuq-maasuqa dhacay”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Siyaasi Cabdiraxman Black.

Siyaasi Cabdiraxman Black ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday in Ujeedka loo dedejiyey dhismaha Maamulka Hirshabelle in ay tahay helista Xildhibaanada Aqalka Sare oo Madaxda Dowladda ay dadaal ugu jirto in ay soo saarto Xubno si gaar ah u taageersay.

Maamulka Hirshabelle ayaa muddo Sagaal bilood ah waxa uu ku jiray hakad,waxaana ugu danbeyn laga soo saaray maamul si gaar ah dano loogu leeyahay.

Comments are closed.