Shir-weynaha Qaran ee Daah-furka Dib-u-eegista Dastuurka oo maanta ka Furmaya Muqdisho

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmi doona   Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Shir-weynaha Qaran ee dastuurka ayaa maanta furmi doona , waxaana uu socon doona ilaa15-ka bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka soo qaybgeli doonaan in kabadan 300 oo qof.

Ka qaybgalayaasha Shir-weynaha Qaran ayaa ka koobnaan doona xubno ka socda laamaha Garsoorka, Sharci-dejinta iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed.

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgelidoonaan xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka kala imaanaya Gobolada dalka iyo qurbojoogta Soomaaliyeed.

Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay shirkan, iyagoo ka baaqsaday in ay ergo usoo diraan shirka. Dhanka kale Galmudug ayaa waxaa shirka ka qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Maxamed Cabdi Colaad.