Sheeko Jaceyl: U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 19aad

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Cutubka 17aad

Muno iyo Mulki oo lugeynaya baa Laba Dhagax inta ka baxay Geed Jacayl sii lugaynaya. Guriga ay u socdaan oo Boondheere ku yaalla buusan jirin gaari toos u taga. Kuwa sida dadban u tagana iyagaa ka baqay in lagu dhex arko hadhowna meeshii ay aadeen lasoo sheego.

Jidka Wadnaha oo carro roobku keenay ay xiri rabto bay sidii in ay xabad ka cararayaan u gooyeen, iyagoo bac madow wilfinaya. Bacda waxaa ku jira dhowr shay ay Mulki Muno ugu talo gashay in ay kuwa ay sidato isaga badasho inta ay dharkeeda ka helayso.

Xaafado, iyo guryo iyo dad aysan waligood arag markii ay cabaar sii dhex socdeen bay Boondheere Casar gaabkii tageen.

Mulki waxa ay Muno hadba luuq ka dusisaba, waxay albaabka ka galisay guri aragiisu naftu nacayso, oo sidii in Alla bari lagu qabo ay caruur koox koox u taagan hor tuban yihiiin. Waa lix qol oo jiingad ah, oo sadex iyo sadex isaga soo horjeeda. Dhexda wuxuu ku leeyahay geed weynankiisa deydka dhan mugdi ka dhigay. Geedka salkiisa waxaa ku tiirsan haan fuusto qaad ah oo shub ka samaysan. Haanta iyo salka geedka waxaa ku taalla tubada biyaha, oo kaliya la furo marka haanta laga dhaaminayo. Caag sadexle ah oo meesha laga qabto meesheeda kasoo horjeeda ka go’an isagoo xarig geedka kula xiran baa biyaha la darsadaa.

Guriga deydkiisu waa laamiyeeri alwaaxdii dhismaheeda lagu tiiriyay ay liicid bilaabeen. Waxaa laga galaa albaab hal nafar ah, oo in si fiican looga tilaabsado u baahan alwaax shanshada ku jooga oo albaabku in uu dhan ka kale u gudbo looga celinayo dartood. Albaabku wuxuu ku aadanyahay lixda qol ee iska soo horjeedda dhexdooda. Albaabka iyo qolka koowaad ee bidixda kaa qabanaya dhexdooda waxaa ku taalla musqul jiingad ah, oo musbaarro sidii loola dhacayay qofkii ku jira laga dhex arki karo.

Guriga deydkiis waa shamiito kabis ah, taas oo meesha haantu ka taallo biyaha ku difqa ay cagaar sibibix ah u yeeleen.

Qolalka mid ka mid ah waxaa horyaalla salli weyn oo caag ah. Saliga waxaa is barkan gabar da’deedu dhowr iyo labaatan jir u egtahay, iyo nin dhowr iyo sodon jir u eg. Gabadhu waana madax qaawantahay, diraca qafiifkaa ay sidatana garbaha waa kasii dhacayaa oo dhowr cabir buu ka weyn yahay, rajiistiina ma sidato oo deydka mugdiga ah maahane wax kale oo asturaya ma jiraan.

Musqusha agteeda naag baa nin kula qeylinaysa si hoose oonan lagaran karin waxa ay sheegeyso. Dhowr gabdhood iyo dhowr wiil oo qosolka ka baxaya la moodo in ay riwaayad qosol badan daawanayaan baa iyaga qaarna dhulka fadhiyaa, qaar taagan yahay, qaarna salli caw ah oo duug ah ay ku fadhiyaan.

Dhowr caruur ah oo wiilal iyo gabdho waxa ay yihiin aanan la kala garanayn baa iyagoo surwaal la’aan ah deydka is ceyrsanaya.

Muno meesha dad badnideeda iyo nimanka iyo naaguhu sida ay isugu qasanyihiin baa cabsi galisay. Intii aysan wali dadka meesha tuuran aysan ka ilbuuxsan baa gabadhii madaxa qaawnayd inta soo istaagtay salaantay. “Gabadhaan Nimco baa la yiraahdaa” bay Mulki tiri, Nimcana u sheegtay Muno magaceeda.

Nimco bacdii inta ka qaaday Muno bay qol u dhaw meeshii dhalinyaradu tubneed geysay, oo u sheegtay in ay joodari meel ku tiirsan iyadu ku seexanayso, iyadoo sii baxaysana tiri “soo dhawoow hee, ha is martiyeen”.

Qolka, koone kasta joodari baa ku tiirsan oo sariiri ma taal. Sida muuqatana ugu yaraan afar qofood oo kale qolka waa seexdaan. Dhar baco ku gunguntan baa qolka iska dhex yaal yaal. Dhar la iska bedelayna joodariyaasha tiirtiirsan bay saaranyihiin oo katabaan lama arko.

Isha markii ay qolka marisay bay banaanka usoo baxday oo Mulki oo Muno musqusha agteeda la taagan u timid. Gabdhihii wiilasha la sheekeysanayay mid ka mid ah baa musqusha gashay, oo iyadoo la wada maqlayo malaha kaadi ay galabtoo dhan isku celinaysay shamiitadii la dhacday.

Muno Mulki bay guriga banaankiisa ula baxday si ay ula sheekeysato inta aysan bixin, warbixinna uga hesho meeshaan ay keentay ee dadka gaalada aad moodo ay tuban yihiin.

Mulki markiiba waxay dareentay in Muno aysan meesha la keenay ku qanacsanayn oo bilawday in ay ka gado inta aysan afkaba furin. “Muno meeshaan meel kuu dhaanta malahan sababtoo ah cid kaa filanaysa lama arko. Naagahaasna shaqo kuma lihid. Tartiibtaada qolkaagana iska seexo anigana iga war sug”.

Markii ay hadalkii qaadatay bay Muno is daba dhigtay “dadkaan maxay yihiin? Maxay qabtaan? Nimanka iyo naagaha is dul rasaysan maxay isku yihiin?”.

“Adiga maxaa kaa galay dadkaan warkooda ka bax. Guriga ayay wada daganyihiin oo u wada kiraysan. Waa iska ree magaalkii hore, oo waa iska caariyaal, adiga danahaaga inta aad ka gaaraysid iska dulqaado” bay Mulki ugu aqli celisay saxibteed oo meesha dhan ka shakisan kuna fekeraysa in ay gurigoodii isaga laabato.

Muno markii ay Mulki oo gabalkii kasii madoobaanayo sagootisay bay qolkii inta gashay nadiifin iyo isku duwid bilawday.

Qolkii mar ay macquul u ekeysiisay, rabtana in ay dhaqdo baa maqribkii la adimay ooy banaanka usoo baxday. Caag kulalihi ah oo caaraystay oo musqusha lala galo bay inta soo qabatay oo dhaqi tagtay hadana faraha kala baxday, oo Nimco weydiisay in caag kale ay heli karto ooy ku weyseysato.

Nimco cag saliid yari ku harsantahay bay inta galaas kaga gadisatay, caagii iyo oomo isugu dhiibtay Muno.

Muno in ay musqusha isticmaasho waa rabtaa laakiin waxay is leedahay markii ay qoraxdo dhacdo dadkaanna ay kala yaraadaan gal. Waxay go’aansatay in ay iska weyseysato oo maqribkeeda iska tukato. Hadana dadka guriga deydkiisa fadhiya oo niman iyo naaga tira ahaan is le’eg bay cabsi darteed moodaa in ay soo wada fiirinayaan, oo meel asturan ay ku weyseysato bay weysantahay. Nimco markii ay dareentay in gabadhu biyaha aysan is taabsiinayn bay inta soo ag istaagtay tiri “dadka anigaa kaa xigsanayee weyseyso”.

Weysadii kadib bay hadana Nimco weydiisatay salli salaad. Dhalinyaradii oo maqlaysay baa qosol jabsatay. Nimco iyo ninkii ay wada fadhiyeenna waa is fiirfiiriyeen. Nimco inta soo istaagtay bay Muno usheegtay in ay isticmaasho garbasaarkeeda.

Dadka guriga dhooban Maqribkii in la adimay iyo in ay heesi idaacad kasoo gashay uma kala duwanayn, oo cid dhaqaaqday ma jirin. Muno iyadoo isku xishoonaysa bay kaligeed isku sheegtay in gurigaan salli salaad aanan lagu aragoo cid tukata aysan joogin, lagana rabo iyadu in salaaddeeda iyo weesadeeda tartiib ay hoos u dhigato.

Willkii Nimco la fadhiyay baa istaagay oo baxay, Nimcana sidii ay sugaysay inta uu ka istaagayay bay caruurtii iska daba ordaysid laba ka mid ah, inta saligeedii soo fadhiisisay, casho siisay, markay hurdoodeenna qolkeeda soo seexisay.

Cabaar mar ay kaligeed saligeedii fadhisay bay Muno u yeertay. “Iiwaran abaayo, weli labadeennu ismaba barane?”
“Fiican Nimco, wax dhib ah ma qabo, waad ku mahadsantahay soo dhawayntaada.”
“Qolka ka waran? Raali noqo waan ogahay in dad badani ay seexanayaan iska dulqaado”.
“Waan ku qasbanahay abaayo, adinkaaba asxaan ii sameeyay ooy tahay in aan idiin mahadceliyo”. Cabaar mar ay sheekeysteen Muno iyo Nimco si fiicanna aanan la isku waraysan buu nin cusub oo dheer oo madow albaabka kasoo galay. Nimco inta istaagtay bay qolkeedii u horkacday, Munana inta qolkeedii aaday bay hurdo iska daydayday.

Si kasta ooy yeeshay Muno hurdo waa kasoo dhici weysay habeenkii ugu horeeyay ooy guriga Nimco seexatay. Qolka ay jiiftay wuxuu u ekaa in dadka iyada la jiifa ay joodariyaasha isku bedbedelayeen sidii in joodariyaashu ku yaryihiin oo qofkii saacad jiifaba la badelayo.

Dadka qolka la degan hadalkoodu wuxuu u ekaa mid aanan kala joogsi lahayn, oo markii ay cabaar si hoose ugu showraanba mid qeylinaysa baa soo galaysay ood moodo in ay wax ka cabanayso. Iyadoo galgalanaysa una eg in ay naagaha la jiifa iska ilaalinayso baa waagii beryay.

Waaberigii hore mar ay geed banaanka ku yaalla caday kasoo jabsatay, bay u jeeday nin aanan kii shalay galab Nimco barkanaa iyo kii maqribkii yimid toona ahayn oo qolkeedii kasiibaxaya.

Saacadba saacad kale bay u dustay, wax soo kacaya iyo wax dab wax saarayana lama arko. Sidii xalay oo dhan loo soo jeeday baa maantoo dhan malaha la rabaa in la hurdo. Mar ay guriga deydkiisa gambar yiilay ku caajistay bay xasuusatay “Alla yaa caruurta u maqan oo cunta siinaya?”. Muno welwelka haya wuxuu saaka u badanyahay sida ay caawana isla gurigaan ooy xalay ku dhafartay u seexan doonto.


Muraayo iyo Cali sidii dad waligood is yaqiinay bay isugu baxday oo usbuucoodu wuxuu ku dhamaadaa mar ay taleefan ku sheekeysanayaan iyo mar ay banaanka isku raacayaan oo soo wareegayaan. Muraayo, waalidkeed iyo caruurtaba Cali waa bartay oo guriga waa geysay.

Mar ay dhowr maalmood sheekeysanayeen bay Cali u sheegtay in gabar saaxiibteed ah walaalkeed gabar la siin rabay la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

“Ma luntay mise waa dhuumatay?”
“Uma malaynayo naag intaas le’eg in ay luntay. Haddii ayba nooshahay waa dhuumatay” bay Muraayo ku jawaabtay iyadoo rabta in ay Cali u sheegto qofka lumay in ay Muno tahay si ay hadalka ku bilawdana waa garanweysantahay maadaama Muraayo ay iska dhigayso in ay Cali hal habeen uun ay kadis isku barteen si kalena aysan u aqoon.

Mar ay cabaar sheekada Muno kusoo celcelinayso, Calina uu hadba in uu mowduuc kale saaro uu rabo bay iyadoo been been halaaqyoonaysa tiri “Ciise Timajillicoow maxaad naag aanan ku rabin isugu qasbaysaa bal!”. Markuu magaca Timajillic maqlay, buu sidii waxar meel cidla ah daaqaysa oo shanqar maqashay inta dhagta taagay yiri “gabadha la waayay magaceed?”, “Muno Jaamac Sandhool baa la yiraahdaa” bay ku jawaabtay oo Cali weydiisay “oo miyaad garanaysaa?”.

Cali isagoon Muraayo u jawaabin buu inta macsalaameeyay taleefankii isi saaray oo Yuusuf qolkiisii abaaray.

“War heedhe ii waran? Sidee tahay? Xaaskii ka waran?” buu weydiiyay Yuusuf oo buugaag xisaab ah ku foorara, ood moodo in uusan laba usbuuc raashin cunin caatada ka muuqata darteed.

“Xaaskee adeer? Maad cayaarta iga daysid” buu Yuusuf weydiiyay isagoo u haysta in adeerkiis kaftankii lagu yaqiinay uu lasoo baxay.

“Xaaskii Muno ahayd dee?” buu yiri isagoo u dhawaaq eg qof aanan kaftamayn oo hadal muhiim ah wada.

Yuusuf inta buugaagtii isku laabtay buu soo jeestay oo weyiiyay “adeer maxaad ka hadlaysaa? Waan aqaanaa marka aad war muhiim ah wadid, soo daa waarkaaga” buu yiri isagoo labada gacmood xabadkiisa korkooda si is dhaaf ah isku saaraya.

“Gabadhii Muno ahayd goormaa kuugu danbaysay?”
“Sidii taleefankeennu u halaabayba warkeeda waan waayay”
“Hadde Yuusufoow sidii in aad gabadha guursatay baad markii ay xiriir kaa ogolaatay warkeedii yaraysay ma is tiri sidii qof ay gacanta ugu jirto? Haddii taleefanku naga halaabay maxaad meel kale uga wici weysay?”

Yuusuf uu welwel soo galay baa si degdegsiimo ka muuqata uga codsaday adeerkiis in uu u sheego waxa cusub uu ogyahay ee hadalkaan oo dhan ka keenaya.

“Ciise Timajillic baa Muno doontay, waalidkeed waa siiyeen oo maanta baa meherkoodu dhacayay”

Markuu intaas maqlay buu Yuusuf bilaabay in uu u neefqaado sidii qof meel fog kasoo orday, oo isagoo markaan u eg in ay neeftu ku dhagtay buu isku dayay in uu adeerkiis su’aal weydiiyo, isagoo cabsida, naxdinta iyo niyadjabka haya markaan uuba aaminsanyahay in Muno Ciise ay ku mehersantahay.

Cali markuu u jeeday sida uu Yuusuf is yeelayo, buu ka baqay in uu suuxo ama wadnuhu istaago markaas buu inta kasoo dhex galay yiri “Muno waa diiday in Ciise ay raacdo, oo reerkoodii waa ka dhuumatay shalay galab illaa iyo hadeerna meel ay jirto lama garanayo.

Yuusuf wax yar buu nafisay hadana gabadha dhuumatay buu u baqay nabadgalyadeeda. Hadana isagaa canaan iyo ciil isugu laabtay, oo isi su’aalay sababta uu laba usbuuc, imtixaan kasta uu leeyahay, uu uga wardooni waayay. Wuxuu qirtay in adeerkiis uu saxnaa markuu Muno xaaskiisa ku tilaamay sababtoo ah sidii in ay ku mehersantahay buu is dhigtay oo barkintiisii dheeraystay.

Markiiba, inta qolkooda fadhiga ah uu taleefanku yiilay aaday buu Ree Jaamac Sandhool wacay. Wuxuu taleefanku dhacaba wax qabta buu waayay. Wuxuu is tusiyay in maadaama gabadha la weysanyahay ay u badantahay in raadinteeda lagu maqanyahay.

Inta labistay buu tukaankii Barre isku sii daayay. Inta uu jidka sii socday madaxiisa waxaa dhex ordayay xusuusyo iyo fikrado tira badan. Dareenka haya ciilna waa u egyahay, cabsina kama saan la’a. Isagoon kaba warqabin meesha uu marayo iyo meesha uu cagta dhigayo buu tukaankii Barre oo xiran hor istaagay. Wuxuu sameeyo buu garan waayay.

Meel uu wax ka bilaabo ma yaqaan. Meel uu cabaar Barre kusii sugana ma haysto. Ree Xiirane oo markaan oo kale uu gurigooda wax kusii sugan jirayna dagaal weyn baa ka dhaxeeya oo in uu u tago lagama yaabo. Markuu cabaar iska daba wareegay buu Dhuunbe uu awal ka cabsanayay sidii loogu sheegay in uu hubka sameeyo inta tukaankiisii hor istaagay weydiiyay in uu Barre arkay. Dhuunbana wuxuu u sheegay in aanan tukaanka maantoo dhan la furin.

Yuusuf isagoo wuxuu sheego garan weysan, niyad jabka hayana aanan wax lagu qiyaaso la arag, oo in uu ooyo qarka u saaran buu gurigoodii ku laabtay isagoo shalayto iyo ciil garka haya.


Reerka gabadha maqan waxaa uga daran Jaamac Sandhool oo welwelka haya in uu waasho ay kasoo dhawdahay. Xaaskiisa iyo Barre baa ku ag jabay sidii ay u dejinayeen. Waxay u sheegayaan in Muno ay tahay naag weyn, wax ka ba’ayana aysan jirin oo iyadu ay iskeed u go’aansatay meesha ay aaday, sababta ay u dhuumatayna la wada ogyahay, isna laga rabo in uu joojiyo cabsida uu ka qabo in uu dhib ku dhaco. Waxay ku qanciyeen in ay gabadha la raadinayaan, oo xalay markii la waayay illaa maantoo dhan hadba xaafaddii ay waa tagtayba inta tageen, bay iyagoon cidda hadba guriga ay tagayaan degan iyagoon ka heybeysan gurigooda baaritaan ku dabagadiyeen.

Barre wuxuu aabihiis u sheegayaa hadba in uu sheydaankana iska naaro, gurigana ku laabto si uu hurdo u helo, si gabadhiisu aysan isaga u weyn, hadduu siduu isku silcinayo uu istaagga ka dhaco. Maqribkii markii adinkiisu soo billawday bay iyagoo quus ah gurigoodii ku laabteen.


LA SOCO QEYBTA 20AAD

W/Qorey: Burhaan Burhaan