Shariif Sheekhuna-Maye oo isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Barlamaanka

Wararka Maanta

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Shariif Sheekhuna Maye ayaa isku soo sharaxay xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaasoo la filayo in dhowaan la qabto doorashadiisa.

Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay dhanka habsami u hoggaaminta maamulka garsoor cadaalad ku dhisan.

Waxaa uu sheegay in muddo 57 sano uu dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed u soo adeeganyay, isla markaana haddii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha golaha shacabka uu ka mira dhalin doono waajibaadka Dastuuriga ee saaran Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha shacabka inay codkooda siiyaan, haddii la doortana uu ilaalin doono Dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, isla markaana howl maalmeedka Guddoonka uusan hoos u dhici doonin.

Musharaxiin dhowr ah ayaa isku soo taagay xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana Musharaxiinta qaar ka mid ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.