Shacabka Hobyo oo Taageeray Dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad bax lagu taageerayey dowladda Soomaaliya, sidoo kalena loogu mahadcelinayey Dowladda Qatar.

Ka qeybgalayaasha Banaanbaxan ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin taageerada Dowladda Soomaaliya, iyo sawiradda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shacabka Hobyo ayaa ka codsaday in Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ka dhabeeyaan balanqaadkooda dhismaha dekedda Hobyo, oo ah il dhaqaale oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deegaanka.

Dhawaan ayey aheyd markii munaasabad lagu taageerayey Madaxda Qaranka lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, iyadoo looga Mahadceliyey Madaxda Qaranka in ay u istaageen dhismaha Dekedda Hobyo.