Senatorada laga soo doortay Galmudug oo ku wajahan Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay ceelhuur.com u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaana goordhow la filayaa in ay Magaalada Muqdisho ka ambabaxaan senatorada Galmudug ku matal Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku wajahan Magaalada Galkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigan ayaa laga sugayaa Galkacyo, waxaana dalbay odyaasha Beesha Sacad, kadib markii Xaaf Ducaale u qoordhiibtay Waxgaradka Sacad in ay ka taliyaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee uu ku sugan yahay Xaaf.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari waxaana ka mid ah :

  1. Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
  2. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
  3. Senator C/waaxid Cilmi Goonjeed
  4. Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey)
  5. Senator Abuukar Axmed Xaashi
  6. SenatorJawaahir Axmed Cilmi
  7. Senator Samsam Daahir Maxamuud

Senatoradan ayaa kulmo la qaadan doona Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Sacad, waxaana ka labada dhinac la filayaa in ay galaan shirar  lagu gorfeynayo xalka xaaladda siyaasadeed.

Waa isku daygii ugu dambeeyey oo xal loogu raadiyo khilaafka ragaadiyey Galmudug, khilaafkaas oo uu hormuud u yahay Xaaf Ducaale oo dhowr jeer oo hore dhagaha ka fureystay baaqyadii waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug.