Sawirro: Ugaasyo iyo Salaadiin Soo gaaray Cadaado si ay u soo xulaan Ergada Doorashada 2016

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Maanta waxaa soo gaaray magaalada cadaado Wafdi balaaran oo isugu jira Ugaasyo, Salaadiin iyo Nabadoono Beelaha Dega Dowlad goboleedka Galmudug, Duubabkan ayaa u yimid Cadaado sidii ay  soo xuli laheeyeen ergooyinka dooranaya xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya qeybta deeganada Galmudug.
Wafdigaan ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado wasiiro xildhibaano katirsan Dowlad goboleedka Galmudug, gudiga doorashooyinka dadban Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo qeybaha bulshada, Ugu horeyn soo dhaweynta waxaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi C/raxmaan Tootoole isagoona sheegay in maamulka degmada uu markasta diyaar u yahay kaqeyb qaadashada fulinta howlaha horyaala odayaasha iyo gudiga doorashooyinka.
Wasiiru dowlaha arimaha iyo dowladaha hoose Cumar Maxamed Diiriye Guureeye ayaa balan qaaday in wasaarada arimaha gudaha Galmudug ay garab tagantahay sidii doorashooyinkaan uga qabsoomi lahaayeen jawi wanaagsan, waxa uuna shegay in bulshada iyo maamulka loo bahanyahay in ay isku duubmaan si wax mira dhal ah looga soosaaro.
Duubabka Dhaqanka  maanta soo gaaray Cadaado waxaa kamid: Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi  Faracade, Ugaaska Beesha Saleebaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, Garaadka Beesha Sacad Gaaraad Adan Cilmi Qoorweyne, Suldaanka Beesha Saruur Suldaan Maxamed Sheekh Islaweyn, iyo Duubabka kale.
Duubabkan dhaqanka ayaa waxaa la dajiyey xarunta Kafaalo, oo ah goob ay horey dagaan jireen ergadii soo dhistay maamulka Galmudug, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda soo gaaraan nabadoona dhiman.
Dhanka kale Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug oo maalmahaan ku sugnaa Cadaado ayaa beri furi doona wacyigalinta duubabka dhaqanka, inkastoo aysan wali helin dhaqaalihii howsha lagu wadi lahaa, ayaa hadana maamulka iyo Bulshadu wax ay iska kaashanayaan sidii howsha loo sii wadi lahaa.
14045868_10205777323631115_3334833040497678079_n
14111806_10205777326351183_1589699624_n 14137667_10205777326551188_551821109_n 14138291_10205777325991174_719969535_n 14159685_10205777326431185_1010965563_n 14169592_10205777326271181_656341269_n

Comments are closed.