Sawirro: Musharax Axmed Shariif oo si weyn loogu soo dhaweeyey Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharaxa jagada Madaxweynaha dowlad goboleedka mudane Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif ) ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado.

Musharaxa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyey Madaxda iyo Shacab farabadan, waxaana kadib loo galbiyey Hotel Central halkaas oo uu kula hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Tootoole, Madaxweyne ku xigeenkii maamulkii Ximan & Xeeb Cabdi kuus, Madaxweynihii hore Ex-Galmudug Caalin, wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Sh. C/qaadir Cali cumar iyo masuuliyiin kale ayaa goobta ka hadlay iyagoo soo dhaweeyey musharaxa, Barlamaankana ka codsaday in rabitaanka shacabka qiimeeyaan.

Musharax Axmed Shariif munaasabadda ka hadlay ayaa codsaday in lagu taageero inuu bulshada u adeego, haddii uu ku guuleystana uu waxbadan ka qaban doono Galmudug.

IMG_3245 IMG_3248 IMG_3256 IMG_3258 IMG_3261 IMG_3266 IMG_3288 IMG_3290 IMG_3293 IMG_3297 IMG_3300 IMG_3302 IMG_3312 IMG_3313 IMG_3315 IMG_3322 IMG_3328 IMG_3334 IMG_3341 IMG_3344 IMG_3350 IMG_3355