Sawirro: Madaxweyne C/kariin Guuleed Oo Cadaado lagu soo dhaweeyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa goordhow gaaray Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Senator Abshir Bukhaari, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka degmada Cadaado, iyo Bulshada rayidka.

Guuleed ayaa maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho, halkaas oo u joogay arimo siyaasadeed, Mr. Guuleed ayaa  wajahaya loolan siyaasadeed uga imaanaya xildhibaanada Galmudug, waana loolankii ugu adkaa, waxaana indhaha  lagu hayaa sida uu xal ugu helo arintaan.

Dhanka kale Banaanbax kooban ayaa maanta ka dhacay Magaalada Cadaado, kaas oo lagu taageerayey xil ka qaadistii ay xildhibaanadu ku sameeyeen Madaxweyne Guuleed.

img_0273 img_0281 img_0283 img_0290 img_0301 img_0308 img_0314 img_0317 img_0318 img_0329