Sawirro: Garoonka diyaaradaha Hobyo oo dib loo howlgaliyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta dib loo howlgaliyey garoonka diyaaradaha Magaalada xeebeedka Hobyo, garoonkan uu dhisay gumeystihii Talyaaniga ayaa dib loo howlgaliyey, kadib markii  dayactir lagu sameeyey dhabaha diyaaradahu ku ordaan, waxaana mashruucan maalgaliyey  Bulshada Hobyo iyo Hay’adda SSF.

Wasiirka dowlaha Gaadiidka cirka iyo  dhulka maamulka Galmudug ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Hobyo, waxaana diyaaradda Starsom ay maanta bilowday duulimaadyo Muqdisho – Hobyo. diyaaradan ayaa waday Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirku dowlaha Gadiid, Gudoomiyaha Hobyo, Ambasadoor Dhabancad, Engineer Abiir iyo Madax kale.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Faat ayaa sheegay in dhabaha diyaaradahu ka haadaan la dhisay 1250 mitir, ayna waqti dhow gaarsiin doonaa 3000 mitir.

Degmada Hobyo ayaa ka soo kabsanaysa burburkii kasoo gaaray dagaalada sokeeye, waxaana sidoo kale meel wanaagsan maray dhismaha wadada Hobyo iyo Galkacyo isku xirta.

Screenshot_2017-04-09-18-45-36-1 Screenshot_2017-04-09-18-45-42-1 Screenshot_2017-04-09-18-45-50-1 Screenshot_2017-04-09-18-45-56-1 Screenshot_2017-04-09-18-46-27-1 Screenshot_2017-04-09-18-46-38-1 Screenshot_2017-04-09-18-46-49-1 Screenshot_2017-04-09-18-47-04-1 Screenshot_2017-04-09-18-47-09-1 Screenshot_2017-04-09-18-47-16-1