Sawirro: Gaari qarax siday oo Muqdisho lagu qabtay

Wararka Maanta

Ciidanka Nabad suggidda iyo sirdoonka Qaranka  ayaa gacanta ku dhigay gaari noociisu yahay CARIB kaa soo lagu soo xiray Qarax, islamarkaana la soo dhigay Iskuulka Xaawo Taako ee Dagmada Xamarweyne  Hortiisa Una dhaw Saldhiga Afar-irdood .

Ciidamada ay ku guuleestay fur-furidda Qarixii laga soo buuxiyay gaarigaas ,Kaa soo oo aan la ogeyn halka uu ku wajahnaa, mana ahan markii ugu horeysay ee ciidanku qabtaan gaari qarax ku xiran yahay oo meel la dhigo.

Ururka Alshabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku qaadaan goobaha Bulshadu isugu timaado iyo xarumaha dowladda, iyadoo oo uu ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday Banaadir Beach, halkaas oo ay ku nafwaayeen dadka 10 kor u dhaafaya.

Dadka Soomaaliyeed ayaa is weydiinaya sidee gawaaridan ku dhaafaan baraha kontorool ee magaalada laga ilaaliyo, waxaana shaki laga muujinayaa in saraakiil dowladda ahi lug ku leeyihiin arimaha gudbinta gawaaridan.

vlcsnap-2016-08-28-22h53m30s730 vlcsnap-2016-08-28-22h54m04s457 vlcsnap-2016-08-28-22h55m06s916 vlcsnap-2016-08-28-22h55m58s457 vlcsnap-2016-08-28-22h59m44s370 vlcsnap-2016-08-28-23h01m49s156 vlcsnap-2016-08-28-23h03m03s805 vlcsnap-2016-08-28-23h04m52s643 vlcsnap-2016-08-28-23h05m20s347 vlcsnap-2016-08-28-23h06m22s566 vlcsnap-2016-08-28-23h07m27s643

Tagged

Comments are closed.