Sawirro: Dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee Dekadda Hobyo oo dib u bilowday

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dooni weyn oo siday badeecado kala duwan ayaa shalay galab ku soo xiratay dekada Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, doontaan ayaa u raran ganacsato deegaanka ah.

Doontaan ayaa saaka lagu bilaabay dajinta, waxa ayna u raran tahay ganacsade Cabdul Jaamac Dharas, waxa ayna badeecada ka keentay dalka kenya, badeecada doontu sido ayaa u badan Sigaar iyo Caleenta Shaaha.

Waa doonidii ugu horeysay oo dekada ku soo xirta kadib 3 bilood oo hakad ku yimid doomihii imaan jiray dekada, sababa dhanka xilliga xagaaga oo ay joogsadaan doomaha badeecadaha keena soomaaliya.

Dhanka kale waxaa bisha soo socota la filayaa in uu bilowdo dhismaha dekada, oo ay fulinayso shirkad ciraaqi ah, taas oo sheegtay muddo 18 bilood ah ay ku dhisayso dekada, inkasta oo ay macquul tahay in dib dhac jiro.

Degmada Hobyo ayaa hadda cagta saartay wadadii hormarka, waxaana bulshadu 400 kun oo dollar mashruuc ah u doorteen in garoonka diyaaradaha lagu dhiso, taas  oo ka dhigan in hadii mashruucaas guuleysto in sare u kici doono dhaqaalaha Hobyo, sidoo kale waxaa socda qorshaha dhismaha iskoolka magaalada.

Dhaqdhaqaaqa dekada Hobyo ayaa waxaa ka faa’iideysta muruqmaalka ku nool magaalada iyo hareeraheeda, iyadoo ganacsato qiimo jaban ku helaan badaceedaha dekadda ka soo daga.

Ganacsade Cabdul Jaamac ayaa ah ganacsade ugu soo dajinta badana badeecadaha dekadda Hobyo, waxaana uu sidoo kale Magaalada Galkacyo ka dhisay hotelka ugu casrisan Deegaanada Galmudug FIVE STAR HOTEL.

Dekada Hobyo ayaa hadda u shaqeysa si macmal ah, iyadoo doomaha badeecada sida ay ka soo dajiyaan doomo yar yar, kadiba aya shaqaalaha muruqmaalku soo xamaalaan alaabaha.

halkaan ka daawo sawiro aan saaka ka soo qaadnay dajinta doonta.

14138529_171871129912409_697126563_n 14159763_171871959912326_1226764011_n 14169610_171869686579220_1058051016_n14081088_171869606579228_1858801129_n 14112037_171948129904709_184455566_n 14111879_171945966571592_175678047_n14101899_172218206544368_510893654_n 14137748_172279479871574_14283438_n 14159687_172297943203061_445653542_n 14159778_172228826543306_2036987914_n

Comments are closed.