Sawirro: Ammaanka Cadaado oo Aad loo Adkeeyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado oo ka mid ah magaalooyinka Marti galinaya Doorasha Soomaaliya Sanadkan 2016 ayaa waxaa sare loo qaaday Ammaanka Magaalada, Ciidamada ayaa baro kontorool ka sameystay wadooyinka iyo gudaha magaalada, gawaarida ayaa aad loo baarayaa, waxaana Maamulka Galmudug uu soo saaray amar ah in aan la ogalaan doonin dadka hubka ku dhex wata magaalada.

Ergooyin iyo Musharixiin doonaya xildhibaano ayaa ku soo qulqulaya magaalada, Wadooyinka iyo goobaha ayaa ah saxmad, qiimaha kirada ayaa sara u kacday, Hotelada ayaa camiran, arintani waa mid farxad galinaysa qof kasta oo magaalada jooga, Bulshada Cadaado oo ah dad ku wanaagsan marti galinta ayaa muddo u diyaargaroobayey sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen martida magaalada imaanaysa.

Cadaado ayaa sanadkii hore marti galisay dhismaha maamulka Galmudug, waana tan keentay in aan welwel laga qabin in ay marti galin karto Kulamo nuucaan ah, ganacsato iyo gaadiidleey badan ayaa Cadaado u yimid sidii ay macaash uga sameeyn lahaayeen doorashada ay magaaladu marti galinayso, qiyaastii 10 Milyan oo dollar ayaa la filayaa in musharixiintu ku qarash gareeyaan Cadaado, waxaana Halkan  lagu dooran doonaa 42 Xildhibaan (36 Aqalka Hoose + 8 Aqalka Sare), iyo 1836 Ergay, intaa waxaa dheer dadka u olalaynaya Musharixiinta kuraasta xildhibaanada.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi C/raxmaan Tooteel, Abaanduulaha Qeybta 21-aad Korneyl Cirro ayaa  maanta booqday ciidamo loogu tala galay sugidda Amniga doorashada, Mr. Xaashi ayaa sheegay in Cadaado lagu dhex arki karin  Askari qori wata marka laga reebo Ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka magaalada.

 

14384053_10205938840228929_880119284_n 14397236_10205938840308931_236573299_n 14408777_10205938840628939_623534826_n 14408941_10205938840268930_100840082_n 14409144_10205938840828944_1634727918_n 14409156_10205938839868920_804987392_n 14409301_10205938839948922_513249924_n 14429150_10205938839908921_973157903_n 14442554_10205938840748942_1839954965_n 14445380_10205938840548937_972800508_n

Tagged

Comments are closed.