(Sawiro)Madaxweynaha Galmudug oo cadaado dib ugu soo laabtay ayaa kahadlay duqeynti Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Muadane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa manta dib ugu laabtay Magalaada Cadaado oo ah Caasimada kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Mdaxweynaha ayaa waxaa goroonka ku soo dhaweyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomalia Xildhibaan Madahad Maxamed Salaad, Xildhibaanad Jawaahir Axmed Cilmi, Musharixiinta kaladuwan ee kusugan Cadaadio, labada Golle ee Dowlda Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kalduwan .

Uga horeyn Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay soo dhawenta manta loo sameeyay iyo muuqaalkan qyruxdaban oo manta oo dhan bulsada ay la taagnaayeen qoraxda aynu ogahay in ay aad u kululeed intaas kadib madaxweyanha ayaa ka hadlay dhowr arimood oo ay ugu horeyso tacsi uu u diray dadkii manta ku dhibaatoobay dhacdadii aadka u naxdinta badneed oo ka dhacday bariga magaalada Galkacyo. Asigoona alle uga baryay naxariistiisa waxa uuna dhacdadaas ku tilmaamay mid laga naxo waxa uuna sheegay in uu maantaba la hadlay cidii arintaas quseysay waxa uuna sheegay in hada wada hadalo socdaan.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka oo haatan ka socda Magaalada Cadaado waxa uuna sheegay in labadaan bolood ay ay noo taalo shaqo aad ufarbadan loona bahanyahay dulqaad xoogan reer Galmudugna looga baahanyahay howl, waxa uu tilmaamay in loo bahanyahay in deeganadaan ay ka soobaxaan dadka ugu wanaagsan labada aqal ee dowlada oo meeshaan ay ka soo baxaan dad aad u hufan .

Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray in ay dhici doonin in dowladu gacmagacmeyso doorashooyinka ayna xaraantahay in dowladu faraha lagasho masiirka umada ayadoo dana gaar ah laga eegayo, waxa aan idiin balan qadayaa in aysan marnaba dhicioonin in cidka mid ah dowlda oo saameyna ku yeelandoonta cidii ka soo baxeysa deegadanada Galmudug, mana jirto cid sigaar ah dowladu u wadato iyo cid aan lidi kunahay ka dowlad ahaan.

Dowlad Goboleed Galmudug markasta waxa ay utagan tahay nabada shacbiga labada maamul iyo nabadgalyada deegaanka mana jirto sabab aan colaad u abuurno waxaana markasta utaganhay nabada waxaana diideynaa colaada markale waxaan ugu baaqeynaa in nabadgalyada deeganaka laga wada shaqeeyo lana joojiyo colaada iyo cadaadawada shacbiga la dhexdhigayo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in Maamulka putland uusan marnaba diyaar u ahayn nabad galyada deeganada labada maamul waxaana nasiibdaro ah in Putland Markasata ay sheegto in Galmudugtahay Alshabaab taasna waa nasiib daro ayuu dhahay madaxweynaha Galmudug xagee iska soogalaan shabab iyo Dowlda Galmudug waa arin aad looga yaxyaxo arintaas, shacbiga Galmudug iyo Putland waa shacab walaalo ah jecel nabdda iyo wada noo laanshaha waxaase dhibaato ku ah maamulka putland oo markasta utagan hurinta colaadaha labada maamul.

14522261_10205981144006497_324141800_o-576x1024 14522269_10205981143726490_1219711978_o-576x1024

14488916_10205981142166451_1782718443_o-576x1024 14488929_10205981142606462_453668212_o-576x1024

 

14466266_10205981137806342_1515948650_o-300x169 14456838_10205981137566336_1601033481_o-300x16914466999_10205981139806392_1247459126_o-768x432 14488987_10205981139446383_688216077_o-300x169  14489691_10205981134806267_1559850980_o-624x351 14522044_10205981138406357_1268224154_o 14522187_10205981135126275_1124264328_o-768x432

Comments are closed.