Sarkaal Alshabaab ah oo isasoo dhiibay oo la keenay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Aadan Cabdi Turuq oo ka mid ahaa hogaamiyaasha sar sare ee Kooxda  Alshabaab iyo Darawalkisa Food Aadan Maxamuud iyo sido kale Madaxii sakawaadka Gobalka Jubbada Hoose ayaa isu soo dhiibay Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka Gedo gaar ahaana Kuwa Degmada Baardheere iyadoona saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad sugida Qaranka oo soo gaaray Magaaladan Baardheere ayaa u qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Aadan Cabdi Turuq oo loo yaqaano Aadan Coobe ayaa inta lagu yaqiinaa Hogaamiyaashii Kooxda ee so hogaamiyay Gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Saraakisha Ciidamada Xooga Dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay heleen Xoga kale duwan oo ku saabsan Saraakiishan iyo Xaaladooda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka NISA ayaa lagu sheegay in Aadan Goobe la keenay magaalada Muqdisho “Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Aadan Coobe, oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”.