Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhisanayo Soomaaliya oo gabo-gabo maraya

Wararka Maanta

Dowladda Turkiga ayaa soo gaba gabeysay qalabeynta saldhig milateri ay ku yeelanayaan Soomaaliya, gaar ahaan duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo saldhigan uu noqonayo kii u horeeyay ee Qaaradda Afrikaa ku yeeshaan.

Saldhiggan ayaa marti-gellin doona saraakiil Turki ah oo sida la sheegay dhanka tababarrada ka caawinaya ciidammada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Sida la ogaaday, maamulka Erdogan ayaa muddo fog ka shaqeynayay qorshahan oo la shaacin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qaramada midoobay ayaa ansixisay oo oggolaatay in Turkigu uu galaan-gal muuqdo oo dhanka milateriga ah ku yeesho dalka lagu hardamo ee Soomaaliya, iyadoo ay jirto in maamulka Erdogan uu xiriir qoto-dheer la leeyahay dowladda federaalka iyo xitaa maamul goboleedyada dalka.

Turkiga ayaa bishii April ee sanadkan sal-dhiggiisii ugu horreeyay ee dibadda ah ka furtay dalka aadka u yar balse lacagta hodanka ku ah ee Qadar.

Saraakiil tababar oo lagu qiyaasay laba boqol”200″ ayaa wejiga kowaad gaaraya caasimadda, kuwaasoo carbin doona ciidamo Soomaali ah oo gaaraya toban kun iyo shan boqol “10,500”.

Turkiga ayaa caawinaad milateri iyo mid dhaqaalleba siinayay Soomaaliya in ka badan shan sano, waxuuna xiriir joogta ah la lahaa dowladdii Shiikh Shariif iyo middan hadda jirta ee Xassan Shiikh Maxamuud.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa labo jeer teggay Soomaaliya labo sano gudahood,waxaana xusid mudan in dowladdiisu ay qeybo ka mid ah dalka ka fulisay mashaariic hormarineed iyo mid gar-gaarba.

Shaki la’aan, Turkigu waxaa uu saameyn xoggan oo dhan waliba ah ku leeyahay siyaasadda caalamka,waxaana lagu tilmaamaa hoggaamiyaha xilligan ugu awoodda roon dalalka Islaamka.

War-sidaha Dailysabah, ayaa soo xiganaya, in dowladda Turkiga ay Soomaaliya u arragto saaxiib dhow, sidaas darteedna ay dadaal dhan waliba ah ku bixin doonto sidii loo xoojin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Inta la shaaciyay, dhowr iyo laabatan kun oo ciidamo Afrikaan ah oo qaarkood ay ka yimaadeen dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya ayaa ku sugan konfurta iyo bartamaha dalka.

Sidoo kalena, ciidamo kale oo lagu sheegey reer galbeed ayaa iyana si iskood ah uga howl-gala Soomaaliya,xilli duqeymo cirka ahna uu saaxiib dhow la noqday dalka.

Saldhigga Milateri ee Turkiga ayaa ku yaala deegaan xeebeedka Jaziira, waxaa halkaas laga hirgalanayaa garoon diyaaradeed ay ka soo degi karaan diyaaradaha Milateriga iyo dhismayaal kala duwan.

Comments are closed.