QM oo loogu baaqay inay farageliso Suuriya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay soo farageliso Suuriya si loo joojiyo duqaynta cirka ah ee lagu hayo magaalada Xalab oo Golahani sheegay inay ku dhinteen boqolaal rayid ahi.

Golaha oo ay xubno ka yihiin dalalka Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cummaan iyo Qatar ayaa sheegay in weerarrada cirka ah ee dowladda Suuriya ku haysto magaaladu ay si qorshaysan u beegsanayaan goobaha rayidku degan yihiin.

Baaqa uu soo saaray Golaha Iskaashiga Khaliijku oo ay baahisay wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xoghayaha goluhu ka dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay si dhakhso ah u joojiyaan weerarrada lagu hayo magaalada Xalab isla markaana la soo afjaro silica ay ku jiraan shacabka Suuriya.

Sidoo kale waxa Golaha Khaliijku Qaramada Midoobay ugu baaqay inay fuliso qararradii Golaha Ammaanku ka soo saaray xiisadda Suuriya.

Baaqan dalalka Khaliijku wuxu soo baxay saacado uun ka dib, markii isbitaalka ugu wayn qaybta ay mucaaradu gacanta ku hayaan ee bariga magaalada Xalab muddo dhawr maalmood gudahood ah mar saddexaadkii la duqeeyay.

Comments are closed.