NISA oo qabatay mooto qarax siday

Wararka Maanta

Ciidamadda Nabbad sugidda qaranka ayaa gacanta ku dhigay mooto la sheegay inay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la soo geliyaa magaalada Muqdisho.

Ciidamadda ayaa ku qabtay mootadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida saraakiil hay’adda nabbad Sugidda ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Mootada oo ah midda loo yaqaan Dhugdhugley ayaa waxaa saarnaa jaakado iyo waxyaabo qarxo oo la doonayay in la soo geliyo magaalada Muqdisho.

Mootada iyo ruux waday ayaa lagu qabtay degmada Afgooye, waxaana hadda ciidamada ay wadaan baaritaan la xiriira halka mootada laga keenay.

Saraakiisha Nabbad Sugidda ayaanan bixin faahfaahin dheeri ah, balse waxay sheegeen inbaaritaan kadib warbaahinta ay xogo dheeri ah siin doonaan.

Degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa dabayaaqada sanadkii 2016 waxaa kadhacay weeraro qorsheysan oo xarakada alshabaab ay kageysteen