Muqdisho: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xero Ciidan

Wararka Maanta

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarka Ciidanka dowladda ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir una dhow xerada Ciidamada Turkisom.

Qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey dhalinyaro farabadan oo saf dheer ku jiray  oo dooneysay inay iska diiwaan-geliyaan Xerada, si ay uga mid noqdan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Turkidu tababaraan.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhalinyaro, Askar iyo Saraakiil Ciidan oo ku sugnaa afaafka hore ee Xerada.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 dhalinyaro ah oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo Saraakiil, isla markaana ay jiraan dad kale oo dhaawacyo gaareen.

Dhaawacyada ayaa goobta looga daad-gureeyay gaadiidka gurmadka deg-dega ah, kuwaasi oo la gaarsiiyay Xarumo Caafimaad, waxaana sidoo kalena jiro burbur xoogan oo soo gaaray afaafka hore ee Xerada tababarka Ciidanka ee Nacnaca.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas khasaaraha geystay ee Maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xerada tababarka Ciidanka dowladda ee Nacnaca.

Xeradan ayaa horey waxaa uga dhacay qaraxan oo kale uu fuliyay ruux isku soo dhax qariyay askar tababar lagu siinayay xeradaasi, waxaana ku dhintay saraakiil iyo ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isha: BBC