Mugga iyo Miisaanka Doorashada ay marti galinayso Cadaado (Maqaal)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

dsc00708_fotor_collage

Dalkeena Soomaaliya ayaa hadda gudagalay doorasho muddo  laga dhur-sugayey, waxaa hadda gaban gabo maraya dhameystirka Xildhibinaada Aqalka Sare ee federaalka, Waa doorashadii ugu Miisaanka cusleyd taniyo burburkii Dowladnimadii Soomaaliya 1991, Waa calaamad tilmaamaysa Soomaaliya oo dib u soo kabanaysa kuna socota wadadii hormarka, waxaa doorashadani ka dhaceysaa magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Waxaana Magaalada Cadaado ayaa noqotay goobta ugu culeyska badan goobaha doorashada marka laga reebo Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalkeena Soomaaliya, Magaalada Cadaado oo ah xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug ayaa martigalinaysa loolanka ugu adag ee doorashada, Musharaxiinta Madaxweynanimo kuwa ugu culus ayaa kuraastooda yaalaan Cadaado waxaana kamid ah musharaxiintaas:

  1. Xasan Sheekh Maxamuud
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  4. C/naasir Maxamed Cabdulle
  5. Maxamed C/llaahi Farmaajo
  6. Maxamed Cali Nuur Ameriko

Dhanka kale Magaalada ayaa laga dareemayaa saxmad iyo ciriiri farabadan, Waxaa ku soo qulqulaya musharixiin raadinaya xildhibaanimo, iyo kuwa u sharaxan Madaxtinimada Soomaaliya, fagaarayaasha magaalada ayaa laga taagay boorar waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirada Musharixiinta.

Cadaado ayaa lagu soo dooranayaa 36 xildhibaan oo aqalka hoose iyo 8 xildhibaan aqalka sare ah, waxaana  qiimaha halkii xildhibaan marayaa 500,000 dollar, waxaana beelaha qaar halkii kursi ku loolamaya 8 musharax, taas oo sara u qaadaysa qiimaha, guryaha magaalada ayaa hadda lagu kiraynayaa ilaa 7000 dollar bishii, waana qiimihii ugu sareeyey ee abid guriyahaas la kireeyo bishii.

Garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ka mashquul badan sidii hore, waxaan todobaadkii hadda ka daga ugu yaraan 50 diyaaradood, waana magaalada ugu duulimaadyada badan xuramaha doorashooyinka marka laga reebo Muqdisho, dadka Cadaado oo ku fiican soo dhaweynta, khibrad fiicanna ka helay dhismihii Galmudug ayaa si wanaagsan u marti sooray martida u timid, waxa ayna Cadaado astaan u noqotay weedha ah CADAADO CIDI KAAMA XIGTO  ama CADAADO CIDI KAAMA LAHAN.

Qiyaastii Dadka ay marti galinayso Cadaado

  1. Musharax Xildhibaan 44 ( labada aqal ) X 5 = 220 musharax xildhibaan
  2. Ergada 36 xildhibaan X 51 Ergay                    = 1836 Ergay
  3. Martida kale                                                        = 5000 Ruux
  4.  Isugeyn                                                                =7056 Ruux

Waxaana dhaqaalaha doorashadan ka soo xaroon kara lagu qiyaasayaa 20 Milyan oo dollar, oo inteeda badan ay gali doonto Magaalada, Dadka Cadaado ayaa khibrad badan ka dhaxlay shirkii maamul u sameynta Galmudug, iyagoo horey ugu diyaar garoobay marti galinta doorashada, waxaa la dhisay guryo cusub, waxaa la hirgaliyey Hotelo cusub, iyo goobo kale oo adeeg.

Ammaanka Magaalada ayaa waxaa iska kaashanaya Ciidamada Nabad suggidda, Booliska, Xoogga dalka iyo Bulshada, jidadka soo gala magaalada ayaa waxaa laga sameeyey goobo lagu baaro dadka iyo gaadiidaka, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyey goobaha mas’uuliyiintu dagan yihiin.

Dhanka kale waxaa jira caqabado ay la kulmaana bushlada magaalada sida wadooyinka qaar oo u xiran musharixiin, iyo maciishada oo qaaliyowday, balse waxa ay bulshadu ku iloobaysaa maadaama ay helayaan dhaqaale farabadan.

Waxaa bogaadin mudan Maamulka Degmada Cadaado iyo Madaxda Sare ee Galmudug oo iska xilsaaray Marti galinta Doorashadan, waana howl adag, waxaana alle ka rajeynaynaa in ay Ammaan iyo guul ku dhamaato.

W/Qorey: Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Ceelhuur Online

 

Tagged

Comments are closed.