MD Farmaajo raaligelin ka bixiyay xarigii Qalbi-dhagax

Wararka Maanta

Admiral Maxamed Cumar Cismaan Guddoomiyaha ururka ONLF  ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Ururka raali gelin ka siiyay xarigii C/kariin (Qalbi-dhagax), kadib markii ay ku kulmeen magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wareysi uu siiyay Admiral Maxamed Cumar Cismaan Idaacada Codka Maraykanka ee VOA laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu is afgarad ku dhamaaday ayna arrimo kala duwan ka wadahadleen.

“Madaxweynaha Soomaaliya inuu aad uga xunyahay ayuu muujiyay raaligelina ka bixinayo,hadda kahorna mowqifka baarlamaanka uu raacsan yahay ayuu sheegay si qalad ah inay dad kale u maamuleen ayuu sheegay.”ayuu yiri Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sarkaalka ka tirsan ururka ONLF waxa ay  bishii September 2017-kii  ku wareejisay Itoobiya, balse dhammaadkii bishii June ee sanadkan ayaa waxaa sii daayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed .

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle aya xaqiijiyay in kulankan uu dhacay, balse ma aanu bixin faah faahin kale oo ku saabsan kulankan.

Hase yeeshee guddoomiyaha ururka ONLF ayaa ku tilmaamay dowlada Ethiopia inay tahay gumeysi ayna yihiin dhaqdhaqaaq gobanimadoon ah balse waxa uu carabka ku dhuftay inay u socdaan dowlada Ethiopia wadahadalo uusan carabaabin heerka uu gaarsiisan yahay.