Maxkmadda Sare Ee Puntland Oo Maanta Dhageysaneysa Dacwadda U Dhaxeysa Madaxweyne Gaas Iyo Ku Xigeenkiisa Camey

Wararka Maanta

Maxkamadda sare ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta dhegeysaneysa dacwad dhextaalla Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

C/Xakiin Cumar Camey oo ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dacwaddan u gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland.

Dacwadda ayaa la xiriirta Guddiga xallinta khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Gaas,waxaana Cameey uu sheegay in Guddigaas uu Gaas magacaabay isaga oo aan la tashan.

Maxkamadda sare ee Puntland oo dacwadda qabatay ayaa maanta u yeertay qareennada kala matalaya labada Mas’uul,waxaana loo ballansanyahay saaka 9:00AM Subaxnimo.

Puntland waxaa ka dhaceysa doorashada madaxtinimo billowga bisha soo socota,waxaana hadda socda ololaha doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka Puntland ee dooran lahaa Madxaweynaha iyo ku xigeenkiisa.