Maxkamada ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay mid kamida ragii weeraray xaruntii sh.c/wali galkacyo

Wararka Maanta

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday nin ka mid ahaa dableydii Al-Shabaab ka tirsanaa ee sanadkii hore weerartay xarun uu magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare.

C/llaahi Cali Aadan ayaa Maxkamadda ku heshay dilal uu horay uga geystay Gaalkacyo oo uu ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka, isla markaana qeyb ka ahaa dableydii weerartay xaruntii wadaadka muranka badan dhaliyay ee reer Gaalkacyo 26-kii bishii November ee sanadkii hore 2018 lagu dilay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur Shuute iyo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo maalmo ka hor gaaray Gaalkacyo, ayaa bilaabay maxkamadeyntiisa ninka loo heystay inuu qeyb ka ahaa weerarkii dhacay sanadkii hore.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in C/llaahi Cali Aadan uu Al-Shabaab kaga biiray degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay, kana qeyb qaatay weeraro iyo dilal loo geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka, isagoo sheegay in kaddib markii la dhageystay caddeymo la horkeenay maxkamadda lagu xukumay dil toogasho ah.

https://youtu.be/ZmGayxXyVPk