Markab Hindiya Laga Leeyahay Oo Hub Iyo Rasaas Ku Qabtay Xeebaha Soomaaliya

Wararka Maanta

Markab ka mid ah kuwa Badda Ciidamada Dalka Hindiya ayaa xeebaha Soomaaliya ku qabtay Hub iyo Rasaas farabadan.

Markabka INS Sunayna,  oo ka mid ah kuwa Hindiya ee jooga Gacanka Cadmeed ayaa howlgal deg deg ah ka fuliyay Biyaha Soomaaliya,waxaana ay gacanta ku dhigeen Markab yar oo waday Hub iyo Rasaas.

Afar Qori oo nooca AK47, qori kuwa Machine Gun, iyo rasaastooda ayaa lagu qabtay howlgalka ka dhacay Biyaha Soomaaliya.

Markabka yar ayaa lagu qabtay meel 25NM u jirta Biyaha Soomaaliya u dhaxeysa Jaziiradda Soqadara iyo biyaha Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay Markabka ay leedahay dowladda Hindiya ayaa sheegay in howlgalkan oo gelinkii dambe ee Jimcaha dhacay uu u egyahay mid la xiriira Burcad badeednimo.

Ma sheegin in ay Hubkaasi dadkii watay qabteen iyo in kale,waxaana Markabka uu la aaday dhinaca Gacanka Cadmeed.