Madaxweyne Xasan “Guddiyada Doorashooyinka Waa Inay Si cadaalad Ah u Maamulaan Doorashada”

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda isugu diyaariyaan, kana qeyb qaataan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo tan Madaxweynaha ku dhacdo waqtigii loogu talagaley, sida ku cad soo jeedinta Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban, laguna ayidey Baaqii Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo dowlad goboleedyada ee 9 Agoosto 2016.

“Guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay si cadaalad ah oo hufan u maamulaan doorashada, shacabka iyo madaxda Soomaaliyeedna waxaa looga fadhiyaa inay la garab istaagaan taageerada ay uga baahan yihiin’’.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah u xusay muhimadda ay leedahay in fursaddan taariikhiga ah laga faa’ideysto.

“Waddankeena waxaa uu gelayaa marxalad taariikhi ah, sidaa darteed waxaan farayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka, iyo Dowlad Goboleedyada in laga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinka ay si habsami leh u dhacaan iyadoo la raacayo nidaamka iyo habraaca ay dejiyeen guddiyada dooorashooyinka’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in si waddanka uu u xajisto guulaha uu gaarey ay lagama maarmaan tahay in muhimad la siiyo maslaxadda iyo danta qaranka, lagana dhowrsanaado eex, goboleysi iyo nin jecleysi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale beesha caalamka ugu baaqey inay doorkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ay noqoto mid si cadaalad iyo kalsooni ku dhacda.

“Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, dowladaha aan saaxiibka nahay, ururrada caalamiga iyo kuwa goboleedyada ugu baaqeynaa inay ummadda Soomaaliyeed si buuxda ugala shaqeeyaan dardar-gelinta geedi socodka doorashooyinka, ayna soo dedejiyaan taageerada dhanka maalgelinta iyagoo tixgelin siinaya jadwalka doorashooyinka’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey Qaramada Midoobay inay doorkeeda caalamiga ah ee kaga beegan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo taakuleynta looga baahan yahay ka qaadato doorashooyinkan, iyo inay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyso sidii ay doorashooyinka u najixi lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo ku saleysan cadaalad iyo saami qeybsi loo dhan yahay.

—————DHAMMAAD——-————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Tagged

Comments are closed.