Madaxweyne Xaaf oo magacaabay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug

Dhaqaalaha Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shabakadda Ceelhuur Online [ceelhuur.com] ayaa heshay document muujinaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf u magacaabay mudane Axmed Yuusuf Cabdulle gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Galmudug.

Warqadda oo ku taariikheysan 15 Luulyo ayaa cadeynaysa in mudanahaan muddo 6 bilood ah si kumeelgaar ah usii haynayo xilkaan, inta laga qabanaayo doorashada gudoomiyaha rugta ganacsiga Galmudug.

Axmed Yuusuf ayaa sanadkii horey u tartamay xildhibaanka beesha Saruur, inkastuu 1 cod kaga guuleystay Xildhibaan Warsame Joodax, sidoo kale Axmed ayaa ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda SIMAD.

FB_IMG_1502028134410

FB_IMG_1502028126151-1

FB_IMG_1502028123340-1