Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa inuu goordhow gaaro magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug, Xaaf oo maalmahaan ku sugnaa imaaraatka carabta ayaa saaka kasoo kicitimay halkaas, isagoo toos u imaan doona Cadaado.

Garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa ku sugan Masuuliyiin iyo Shacab farabadan oo sugaya imaatinka madaxweynaha, Ammaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyey, waxaana wali hakad ku jira kulamadii Barlamaanka, Galmudug ayaa wajaheysa duufaan siyaasadeed, waxaana khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda sare qeyb ka ah dowladda federaalka.

Dhanka kale Waxaa la filaaya in maanta ama beri gaaraan Cadaado wafdi u badan xildhibaan dowaladda federaalka kuwaas oo kala taageeraya labada dhinac, Madaxweyne Xaaf ayaa taageerayaal badan kuleh Magaalada Cadaado, waxaana sidoo kale shir xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya lagu go’aamiyey in xilka laga tuuro Shariif Xasan iyo Axmed Ducaale Xaaf.