Jubbaland oo noqday maamulkii u horeeyay ee dhameystira Kuraasta Aqalka Hoose

Wararka Maanta

Maamulka Jubbaland ayaa maanta soo afjaray doorashadii Aqalka Hoose, iyadoo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo Kursigii ugu dambeeyay 43aad oo ah tirada Xildhibaaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada Jubbooyinka.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka socotay magaalada Kismaayo, iyadoo ay ku soo baxeen Xildhibaano hore iyo kuwo cusub.

Kursigii ugu dambeeyay ee Aqalka Hoose ayaa waxaa loo doortay Ibraahim Maxamed Xuseen, waxaana uu buuxinayaa tirada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Jubbaland oo ah 43 Xildhibaan.

Xildhibaanada cusub ee ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa ku jira dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar, waxayna qaarkood ka adkaadeen xubno horay Xildhibaano u ahaa, xilal Wasiiro soo qabtay.

Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay ee dhameystira Xildhibaanada Aqalka Hoose ee deegaaanadooda ka imaanaya, waxayna tani u gogol xaari doontaa in maamulada kale ay ku daydaan.

Maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Puntland, Koofur Galbeed iyo Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku dhiman tiro badan, iyadoo Maamulka Galmudug ay ku harsan tahay 15 kursi, halka Hirshabeelle 20 ku dhiman tahay, Puntland ayaa iyana ku dhiman 16 kursi, halka Koofur Galbeed ay ku harsan tahay 26 kursi, Gobolad Waqooyi ayaa wali bilaaban Xildhibaanada ka imaanaya deegaanadaas oo gaaraya 47 kursi Aqalka Hoose iyo 11 kursi oo Aqalka Sare ah

Halkan Hoose ka akhriso shaxda Kuraasta labada Aqal ee ka kala imaanaya maamul gobolada tirada ay buuxiyeen iyo tirada u dhiman:

shaxda-kuraasta

 

Comments are closed.