Jarmalka oo ku qasban inay siiyaan shirkada microsoft aduun lacageed oo ku dhaw hal milyan oo dollar

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Bishii Janaayo 14, Microsoft ayaa joojisay taageerida dheeriga ee ay siin jirtay Windows 7, taasoo la micno ah in ganacsatada iyo macaamiisha Dugsiyadda Waxbarashadda ee ku dhegan isticmaalka Barnaamijkan Window7 ee duuga ah, ay tahay inay bixiyaan lacagaha cusboonaysiinta dhanka amniga ee afka qalad lagu yiardo (ESUs).

Mid ka mid ah adeegsadayaashan ku qasban in ay bixiyaan khidmadda helista amniga iyo dayactirka barnaamijkan ayaa  waxaa ka mid noqotey dowladda Jarmalka, oo ay tahay inay siiso Microsoft ugu yaraan Aduun dhan $886,000, ka dib markii ay ku guul darreysatay inay u guuraan Windows10.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Jarmalka, dawladda federaalka ah ee waddanka dhaca qarada yurub ayaa weli ay jiraan 33,000 oo goobo shaqo ah oo isticmaala Windows 7.

Si loo sii wado helitaanka dayactirka iyo amniga ee afka qalad lagu yirahdo (ESUs), waa inay siisaa Microsoft khidmad qalab kasta – mana ahan mid rakhiis ah oo sidaas uu sahlan.

Qiimaha wuxuu kuxiran yahay nooca Windows 7 ee la adeegsanayo. Inta lagu jiro sanadka ugu horeeya, kuwa isticmaala [Windows 7 Enterprise] waxay bixin doonaan $25 mishiinkiiba uu kujiro barnaamijka W7. Tani waay labo jibaarmaysa oo waxaay noqoneysaa $50 sanadka labaad ee xiga, waxayna noqoneysa $100 iney bixiyaan haddii ay sii isticmaalan sanadka kale.

Haysashadda Windows 7 Pro aad ayey qaali u ahaan doontaa. Dib uu cusbooneysinta dhanka aminga (ESUs) waxay ku bilaabmi doontaa Marka hore $50 ka hor intaysan noqon $100 sanadka labaaad, halka ay kor ugu sii kici doonto oo ay noqon doonto $200 inta lagu guda jiro sannadka saddexaad.

Jaraa’iidka Jarmalka ee Handelsblatt ayaa soo weriyey in dawladdu ay bilawday hawlgalkii loogu guuri lahaa Windows 10 laga soo bilaabo 2018, laakiin ma aysan ku guleysan inay cusbooneysiiso mashiinkaste oo yaal xarumaha dawladda iyo xaruumaha waxbarashadda. Wuxuu intaas ku dartay wargeysku in 20,000 oo ka mid ah 85,000 ee mashiinnada xafiisyada dowladda ee Berlin ay wali ku shaqeynayaan Windows 7.

Dawladda Jarmalka maahan hay’adda kaliya ee aan mashiinadeeda cusbooneysiin, marka ay timaado u guurista Windows 10. Warbixin la shaaciyey sanadkii hore ayaa shaaca ka qaaday in xaruumo sii gaar ah loo leyahay iyo kuwa hay’adaha oo badan ay ku qaadatay waqti dheer in loo raaro mashiinadooda window10.

Sida laga soo xigtay NetMarketShare, boqolkiiba 32% dadka isticmaala Barnaamijka Window-ga wali waxay isticmaalan Windows 7, oo ku shaqeeya in kabadan 100 milyan oo mashiin.

In kastoo Microsoft ay dhawaan u soo bandhigtey macaamisheeda wacyigalin ku adaan in ay barnaamijkooda W7 taageeradisa uu ku eg yahay 14 bisha janaayo 2020, tilmaamo uu sahlaya sidii ay si fudud ugu wareegi lahayeen Windows 10.

Haddaba taasina kama hortagin in malaayin ka mid ah macaamisha Microsoft ay ka mid noqdaan dadka wali haysta W7 ee aanan raabin in ay uu waregan w10 sababo aqoon daro awgeed ama mid gaar ahaneed.

Soo turjume Ali Musa
alimusa@axadletimes.com