Hoggaamiyihii Taliban ee loo haystay inuu ‘mar hore dhintay’ oo khudbad jeediyay

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee ururka Taliban ayaa booqashadiisii ugu horraysay ku tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah waddanka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban.

Mullah Hibatullah Akhundzada ayaa lagu soo warramay in uu khudbad ka jeediyay kulan ay ku sugnaayeen qiyaastii 3,000 oo aqoonyahanno diimeed ah, kuwaasoo isugu yimid si ay uga wadahadlaan arrimaha ku saabsan “midnimada qaran”.

Ma jirin wariye madax bannaan oo loo oggolaaday in uu ka qayb galo kulankan, oo ka dhacay meel amnigeeda si wayn loo sugayay. Cod laga soo duubay khudbaddii hoggaamiyaha ayaa la baahiyay.

Hase yeeshee lama arkin wax muuqaal ama sawir ah oo laga soo qaaday Mullah Haibatullah.Dad codkoodu aad u sarreeyo ayaa si farxad leh u qayliyay kaddib markii lagu dhawaaqay in uu goobta joogo Mullah Haibatullah, uuna hadli doono Waxaa loo haystay inuu mar hore dhintay, Dadka u kuur gala arrimaha Taliban iyo kuwa dhaliila ayaa in muddo ah sheegayay in Mullah Haibatullah uu geeriyooday sannado badan ka hor.

Balse ilo wareedyo kala duwan ayaa horay BBC-da ugu sheegay in hoggaamiyahan uu nool yahay. Khudbadda uu hadda ka jeediyay Kabul ayuu dagaalyahannada Taliban ugu mahad celiyay tallaabadii ay Afghanistan ku qabsadeen sanadkii lasoo dhaafay.Waxa uu sheegay in “guushaas aysan ahayn mid ku eg Afghanistan oo kaliya balse sidoo kale u riyaaqeen Muslimiinta guud ahaan caalamka”.

Waxa uu sidoo kale u muuqday inuu ka hadlayo dhaleeceynta sii socota ee beesha caalamku ay Taliban ugu jeedinayaan sida ay dumarka ula dhaqmaan, gaar ahaan sharciyada dhawaan lasoo rogay ee uu ka mid yahay midka dumarka khasabka uga dhigaya inay indho-shareerka xirtaan.

“Alle ayaa mahad leh, hadda waxaan nahay waddan xor ah. [Shisheeyaha] waa in uuasan amar na siinin, nidaamkan annaga ayaa iska leh annaga ayaana go’aannadiisa gaarayna,” ayuu yiri, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Bakhtar, oo ku hadasha afka xukuumadda Taliban.

“Waxaan xiriir dhinacyo kala duwan leh la leenahay Alle, ma aqbali karno awaamiirta kuwa kale ee Alle uusan jeclayn.”

Ilaa hadda, kulanka ay aqoonyahannada diimeed ee Taliban isugu imaadeen loogama hadlin mowduuca ku saabsan waxbarashada gabdhaha.

Isha:BBC