Harry Kane ayaa mari doona baaritaan caafimaad si loo ogaado inta uu la egyahay khasaaraha dhaawac ee soo gaaray kulankii Tottenham Hotspur ay 1-0 kaga badiyeen Sunderland .
Xiddiga reer England ayaa dhaliyay goolka kaliya ee garoonka White Hart Lane galabta, ka hor inta uusan dhaawac kasoo gaarin canqowga.
Tababaraha Spurs Mauricio Pochettino ayaa sheegay in xaaladiisa la qiimayn doono 24 saacadood gudahooda iyadoo uu mari doono raajo.
Kane hadda wuxuu leeyahay labo gool oo uu dhaliyay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.
Comments are closed.