Halkee ku dambeyey Raashinkii Turkigu ugu deeqay Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wa su’aal dad badan oo is weydiinayaan, halkee ku dambeeyey raashinkii Turkigu ugu deeqay dowlad goboleedka Galmudug?.

Raashinkan Turkigu ugu deeqeen Soomaaliya ayaa waxaa Galmudug kaga soo aaday 1200 Ton, una dhiganta 24,000 kiish, oo isugu jira bur iyo sonkor, waxa uuna 4 Agoosto 2016 ka soo dagay dekada Boosaaso, isagoo gawaaridii raashinkan waday ay magaalada Galkacyo soo gaareen 7 bisha, waxaana lagu dajiyey Bakhaaro ku yaala koofurta Magaalada Galkacyo.

229-7d6

Wasiirka Gargaarka iyo Arrimaha Bani’adamnimada Maamulka Galmudug Shire Xirsi Max’uud oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Galmudug u Guddoomay Raashinkaasi ayey hadda u muuqataa in talada lagala wareegay, waxaana arintan gacanta u gashay madaxda Galmudug iyo Ganacsadihii soo raray raashinka.

Ganacsadaha Qandaraaska qaatay oo aan ka gaabsanahay magaciisa, ayaa lagula heshiiyey in Raashinkan uu ku geynayo muddo 30 maalmood Magaalada Cadaado oo ah xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug, oo ka bilaabanaysa xilliga uu markabku ka dhaqaaqo dekada Muqdisho.

Golaha wasiirada Galmudug oo shalay shir aan caadi aheyn ku yeeshay Madaxtooyada Cadaado ayay kaga hadleen arintaas, waxaan guddigii horey loogu saaray raashinkan la filayaa in ay gaaraan magaaladan Galkacyo, inkasta oo ay u muuqato arintan mid  loogu seeto dheeranayo sidii loo musuq maasuqi lahaa raashinka.

ilo xog-ogaal ah inoo xaqjiiyey in raashinka oo lagu balansanaa in la keeno Magaalada Cadaado, ay tahay sababta loogu dajiyey Galkacyo howl laga shaqeeyay, iyadoo isla xilligii gawaariada  mucaawinadan Siday ay ka soo dhaqaaqday Magaalada Boosaaso la abaabulay ciidamo maleeshiyo ka soo jeeda Cadaado oo la sheegay in ay ka gadood san yihiin lacag maamulka uga maqan, waxaan dad weynaha iyo gudigii lagu qanciyey in maleeshiyada gadoodsan ay dhici rabaan raashinka, ayna qasab tahay raashinka Galkacyo lagu dajiyo inta xaaladu dagayso.

Kadib markii raashinkii Galkacyo lagu dajiyey ayey Maleeshiyadii isbaaro dhigteen duleedka Godinlabe si loogu muujiyo in arimahan aysan xiriir laheyn, waxaan xog hoose oo aan helnay sheegaysaa in saraakiisha ciidankan hor kacaysay ay xiriir ka dhaxeeyey qandaraaslaha raashinka soo raray.

Dhanka kale oo Madaxda Galmudug ayaa ku gaabsaday in raashinkan uu u xayiran yahay ka baaraan dagida sidii loo qeybin lahaa, Arinta isweydiinta mudan ayaa ah maxaa keenay in muddo 3 todobaad ah in aan raashinkan loo qeybin dadkii laguu talagalay?.

 

 

 

Tagged

Comments are closed.