Haday Carabtii Hore Xabaali jireen Gabdhaha anaguba waan Xaqirnaa!

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Qormadaan waxaa igu kaliftay markaan la kulmay Gabar la dafirayo, waxaan aadnay Xaflad Muhiim ah oo Soomaali ka dhaxaysay rag iyo Dumar, waxaan goobta gaaray Munaasabadda oo meel dhexe maraysa oo dhowr qof ay hortay hadleen, mar aan dhagaystay Dhowr wiil oo goobta ka hadlay ayaa loo yeeray Gabar ku hadlaysay Magaca Haweenka.

Sida aan kor kusoo xusay ma joogin bilowgii Xafladda kamana war hayn qaban qaabada iyo qaabka hadal qaybin balse waqti la hadlayay cariiri kama muuqan, markii Gabadha Xariiriyihii u yeeray ayuu u raaciyay soo koob Hadalka waqtiga ayaa nagu yare oo haka badsan( 3-sadex Daqiiqo), markaas ayaan is iri koley Daqiiqadahaas ayaa dadka dhami hadlayeen, gabadhii ayaa tiri ok wad mahadsantahay xariiriye.

Maxaa xigay?

Mar ay Hadalkii Bilowday oo Salaan lee marayso, ayuu xarriiriyihii bilaabay soo koob soo koob! Waxaan fiirshay Sacada Telfoonka aan gacanta ku watay, saa Gabadhuna Wili mahadlin xitaa (30 second ama sodon ilbiriqsi) Salanti ayay joojisay waxayna bilowday ka hadka Mowduuc aad u muhiim ah, waa Xaalufinta Dhirta, sida loo hortagi karo iyo sida boos kasta oo geed laga jaray ama banaan hada geed lagu beerilahaa, Dadka meesha joogay oo aan u horeeyay ayaa sacab iyo inay Madaxa u ruxaan hadalkeeda qiimahalahaa bilaabay.

Xariiriyihii ayaa soo aaday, asagoo u muuqda inuu cod baabiyaha kula dhagayo, ilaa markii horuu boobsii boobsii wadaye!! waxuu yiri Walaashey waqtigii waa ka dhamaaday, sidii markii hore ayaan fiirshay sacadii saa wili hal daqiiqo iyo bar xitaa mahadlin Gabadhi, waan yaabay oo markiiba daremay inuu hadalka ku celinayo, way is adkaysay oo hadalkii ayay sii wadatay, Dadka goobta jooga dhagaha iyo in dhahooda Gabadha ayay amaahiyeen, waxaan dareemay in aan is dhagaysano mararka qaar Hadana Hadalka Gabadha ayaa ahaa wax taagan oo muhiim ah, hadal qaybihii ayaase kula dhagay Cod baayihihii oo qaybta danbe qabsaday una raaciyay walaal waqtigii uu kaa dhacay waa mar ay hadlaysa (2-labo daqiiqo) waa iska dhiibtay Dadka Goobta jooga ayagoo rabay hadalka Gabadha ayaysan dhihin waqtibaa u haray sababta waan Fahmi wayay!

Waxuu u yeeray Nin ku hadlayay magaca Ganacsata waqti uma qaban mudo aan ku qiyaasay 10-Daqiiqo ayuu ka shekaynayay hadal aan ugu socon filaayayna in Dadka goobta jooga ila qabeen, oo aan ka imaan ruux aragti dheer leh, waxaa ku xigay, Oday ku hadlayay magaca waxgaradka asna waqti looma qaban, 10 kii iyo dheeri ayu haystay Cod baahiyihii, ilaa Xafladu dhamaatay sidaas ayay ragu ugu neef neef sanayeen Goobta hadalka loo tagayay, waxaan dareemay markiiba Cabashada Haweenkaanu banaanka la yimaadeen oo ay lee yihiin Xaquuqdeenii ayaan u dagaalmaynaa, waana Xaqiiqsaday maadama hortaydii Hadal lagu caririyay oo ay marayaan in afka la qabto, Dagaal ka danbeenaya waan waayay in la caburiyo oo la dafirayo.

Aan Dafirnee Dumarka Soomaalida waxay noqdeen 27 sano ee la soo dhaafay laf dhabarka dhaqaalaha wadanka. Waxaad arkaysaa hooyo ama walaal gelina wax soo saareeso gelina ubadkeeda bar baarineeso, laga yaabo markaa ilmaha aabahooda uu jaad/Qaad cunaayo ama fadhi ku dirirka fadhiyo, ama uu ka shaqeynayo burburinta wadanka. Ayadana ay ka shaqeyneso dhisida iyo harumarinta wadanka, waxay kalo door cad ku lahaayeen aassaaska Qaranimada iyo helitaan Madaxbanaanida, burkburkii kadib meesha kaliya ee noo badbaaday waa haweenka oo inta camaytay Dalka iyo Dadka la’aantooda shaki ku jiri lahaa.

Talo soo jeedin

Dumarka yaan loogu ganban Diin u ogol waxa aan ka hortaagan nahay iyo ka sii badan oo xaq gudubka halaga daayo, majirto Diin aad uga xaqbadan tahay, Hooyadaa 9-sagaal bilood uurka kugu qaaday, ku foolatay ku barbaarinsay ee Galina Quuqdkaaga oo abahaa gabay keentay galina ku xanaanaysay, FG: Dumarka Soomaaliyeed waxaan leeyahay adinkoo Xaqiina Sinaanta iyo Caadadda alle ku heli kari ha Xadgudbina oo Xaaladda ha gaarsiinina meesha Rageenu gaarsiiyeen ee Hadalka laysku celinayo,

Guulaysaysta Hooyooyin iyo Walaalayaal.

W/Q: Ali Yare Abdiwahab Aden
Email: Caliyareg@gmail.com
Tell: +256790103034.