Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Galmudug oo Cadaado kusoo laabtay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminaayay, ayaa goordhow soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta Kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xareed Cali Xareed iyo Xildhibaanada la socda ayaa horay loogu diiday inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, Xildhibaanadan ay kasoo horjeeda Madaxweynaha Galmudug C/kariim Xuseen Guulleed.

Xildhibaabanada kasoo horjeeda Guuleed ayaa horey u sheegeen in maanta 19 Feberaayo ay dooranayaan Madaxweyne, inkastoo ilo xog-ogaal ah sheegayaan in arintaas dib u dhacay.

Dowlada Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay xikmadeysan ku xaliso khilaafka siyaasadeed ee Galmudug, waxayna arintan u baahan tahay in deg deg wax looga qabto.